ma caytamo “wadaadow” ninkii ceeb ka yaab ihiye
Markaan culumo idin moodno baad caammo noqtaane
Caabidiinta kaa maqan inaad caydo waa halise
Ma caraatan baa lagu furaa ciidda Ramadaane
Cilmi haddii ad dheer tahay naflaha waa la celiyaaye
Cudur laguma sii beero iyo ciil an baxahayne
Colaad lama horkaco waa ibliis camalladiisii e
Casabiyiyo waa laga durkaa cido la maagaa e
Waa lagu cadaab mudanayaa been la curiyaa e
Xantu waa “cad” xaaraana iyo caasinimo weyne
Ciriiriga qabriga baa ku xiga cayshadda adduune
Hays cajabin wadaadow addoon caajisaa tahaye
Waa cashiira qura aadmigaad cida cidaysaane
Ciiddana “Cismaan” ma laha iyo cidaha qaar koode
Rabbi kii ku caabudahayaan cidi u diideyne
Cilmigii halkee idinka maray cajabe waa yaabe
Caqli aan cilmigu toosineyn waa cidloo kale e
Caalimkii habaabaa dad buu cala ka tuuraa e
Hadba calanki loo lulo ayay caamma dalabtaaye
Rabbiyow cidaha wow baqnaye caymi taladooda
Cilmi layska qariyaana waa camal yahuudeede
Cibaadada Ilaah looma rogo cayshad nololeede
Niman baaba casharkay dhigaan cood yar dhaafsada e
Iyagaa canaan weyn mutaye maa la soo celiyo
Cilmi iyo taqwiyo diin ninkii lagaga caal waayo
Inay talo la caariyi Ilaah caadil baa dhigay e
Goortay cuquubadu heshuu soo calaacaliye
Cibra qaata maantaad adduun caga ku haysaane
Caqiidada xaqa ah waa Ilaah caabud keligiise
Shirki “cayn” walbuu yahay inaad ka cafimaadaa e
Nebigii cadnaaniga ahaa la citiqaadaa e
Rabiyow cilmigi waa helnaye camalka noo toosi