| (1) | Mawlihii ku uumiyo haddaad | muxamad raacaysid |
| (2) | Oo aad muwaxid tahay waa ilaah | mahadintiisiiy e |
| (3) | Mushrik kii ku Oranaaya baa | Seegay marinkiise |
| (4) | Isagaana kaa mudan inuu | Magacu raacaa e |
| (5) | waxse maanka galiwaayay baa | Maalmahaan dhacay e |
| (6) | masjid muuqanayoo Illaah, | Magaci loo taagay |
| (7) | Xumi loo maleegaayo Ibliis, | Marinkii weeyaan e |
| (8) | Muslim laguma arag gaalse waa | laga maleeyaa e |
| (9) | Abrahii Maroodiga watay | Maqallay Taariikh e |
| (10) | iyo kii masaarida dhiboo | Riday madaafiic e |
| (11) | Mufsidkii kibraayaba allaa | Maalin soo rida e |
| (12) | Iskumariya taariikhdu waa | Lagama maarmaane |
| (13) | Macna aanan garanaynin baa | loo mintidayaa e |
| (14) | Mooryaanta baa lagu Ogaa | Mahadha ceebeed e |
| (15) | Maryahaa Caddaadaye Qalbiga | Waad ka mirirteen e |
| (16) | Is miyiriya Yaan Mowlahay | idin Musiibeyn e |
| (17) | Murtadkiyo masiixiga Kufriyey | Uma midowdaan e |
| (18) | Mulxid lumey hadduu yahay Arlada | wayska marayaa e |
| (19) | Mudug Uma raraysaan Intaad | meel ka noqotaan e |
| (20) | Masjidkiyo maxaa idinku direy | Muwaxiddiintiisa |
| (21) | Mad-habkii walaalkaa haddaad | Meel ka garan weydid |
| (22) | Adigoo muftiga reerka iyo | MucallimKoodii ah |
| (23) | Minbar lagama Caytamo Xaq baa | Lamatalaayaa e |
| (24) | Lama maago Aadmiga Nimaan | Maaddo kaa wadan e |
| (25) | Murti malaha Xaajada nin kaan | Marag uyeeleyn e |
| (26) | Munaadara Cilmi ah baa Haboon | lays maqlahayaa e |
| (27) | Haddii aadse madal Laga hadliyo | Muranka diideysid |
| (28) | Aan Mubaahaloonee arlada, | Meel inoo bixiya |