8) Shirkiga:
1- haddii aan “Ishraak” kuu fasiro, aafo waysaga e
amar diiddo weeyiyo adoo, dhega adkaadaa e
adigoon addeecayn “Ilaah”, amarradiisii e
ku arrimiya aaraa’ dad iyo, odayo xeerkoode
2- ama waa awood laga ag dayo, midaan itaal hayne
awoowiyo ashyaakh iyo adoo, awliyada tuuga
awood muuqatiyo laguma arag, waxay abuureene
idinna looma haystee maxaa, nimanka loo aaday
3- “Uumaha” Ilaaheenna baa, loo addoon yahay e
Andaad looma yeeliyo insaan, amarki joogaa e
Adoo aayad kuu timid ha dhugan, niman aqwaashoode
Ilaah iyo addoon wada addeec, waa ishraaggaba e
4- Axadkii intaa lagu ogyahay, ma laha iimaane
“islaamnimo” ka guuryoo makhluuq, buu Ilaahsadeye
“Ilaah” loogu yeeriyo qur’aan, amarki mooyaane
waxba yaan addoonkaa la sirin, iiley waa hore e