Rumeynta Rususha:
1- Anbiyaduna aayada Allay, ku ayidnaayeene
Aadane la diray weeye iyo, duul la aamineye
Ictiqaad saliimiyo axkaam, bay akhriyayeene
Islaamnimada loo uumay bay, uunka barayeene
2- Muusa baa alwaax loogu dhigay, ereyo Tawraade
Injiiliyo Furqaaniyo Zabuur, waa la aamini e
Rabbi weeye aayadihi iyo, amarradiisii e
Axadkii ka iishaana waa, ehela naareede
3- ruux aan risaalada rumeyn, raacyey gaalada e
rag la diray rusushu weeye iyo, duul Ilaah rabey e
mid waliba runtii buu u sidey, reeruhuu yahaye
Rabbi raaca keligii shirkina, reeba buu yiri e
4- mid waliba rafaad buu maroo, reero la collowye
dadku ru’asadoodii luntay , tala ku raaceene
ra’yi xumi la eedyoo ku dhece, raranka naareede
runtay diidayeen bay jannadi, rug uga waayeene
5- Risaalada rasuulkeenna baa, raacitaan mudane
Reera gaara lama siinnin ee, waa raxma Ilaahe
Raad go’ina maysoo inay, raagi baa dhigane
Rag rumeeya lama waayayoon, cidi ka raynayne