{qaybta 2aad darsigii ahaa: “Asallada Iimaanku, sidee ku taam noqdaan?}
3) Asallada waxaa ugu horreeya: Rumaynta Allaah:
Dad badan baa u qaba, inay “rumaynta Allaah” tahay, in la garto inuu Allaah dadka iyo caalamka kaleba abuuray, iskana leeyahay, isaguna irsaaqo, noloshiyo dhimashadana hayo. Waxay moodayaan kii intaa rumeeya, shakina aan ka qabin, inuu yahay rumeeye (مُؤمن).
“rumaynta Allaah”, in sidaa loo fahmana waa baadi cad, intaa ay “rumaynta Allaah” ku soo koobeen, waxaa rumaysnaa Ibliis. Rabbi wuxuu yiri:
-” وَلَقَدْ خَلَقْنَاكُمْ ثُمَّ صَوَّرْنَاكُمْ ثُمَّ قُلْنَا لِلْمَلَائِكَةِ اسْجُدُوا لِآَدَمَ فَسَجَدُوا إِلَّا إِبْلِيسَ لَمْ يَكُنْ مِنَ السَّاجِدِينَ. قَالَ مَا مَنَعَكَ أَلَّا تَسْجُدَ إِذْ أَمَرْتُكَ قَالَ أَنَا خَيْرٌ مِنْهُ خَلَقْتَنِي مِنْ نَارٍ وَخَلَقْتَهُ مِنْ طِينٍ.قَالَ فَاهْبِطْ مِنْهَا فَمَا يَكُونُ لَكَ أَنْ تَتَكَبَّرَ فِيهَا فَاخْرُجْ إِنَّكَ مِنَ الصَّاغِرِينَ. قَالَ أَنْظِرْنِي إِلَى يَوْمِ يُبْعَثُونَ. قَالَ إِنَّكَ مِنَ الْمُنْظَرِينَ. قَالَ فَبِمَا أَغْوَيْتَنِي لَأَقْعُدَنَّ لَهُمْ صِرَاطَكَ الْمُسْتَقِيمَ” (الأعراف: 11-16)
Waxaa ka muuqda aayadaha, Inuu ogyahay:
1. inuu Allaah wax walba oo jira abuuray.
2. Inay jirto maalin khalqiga la soo saari doono.
3. Inuu jiro dariiq Rabbi farayo in la raaco.
Fircawn baa yiqiin Allaah jiritaankiisa, iyo malaa’Iktaba, waxaa ku soo arooray qur’aanka inuu yiri:
-“فَلَوْلَا أُلْقِيَ عَلَيْهِ أَسْوِرَةٌ مِنْ ذَهَبٍ أَوْ جَاءَ مَعَهُ الْمَلَائِكَةُ مُقْتَرِنِينَ” (الزخرف:53)
Waxaa kaloo rumaysnaa, mushrikiintii rususha loo diri jirey; oo dhan. Qoladii nabi Nuux – عليه السلام – waxay yiraahdeen:
-” وَلَوْ شَاءَ اللَّهُ لَأَنْزَلَ مَلَائِكَةً” (المؤمنون:24)
Qoladii nabi Huud – عليه السلام – waxay yiraahdeen:
-“أَجِئْتَنَا لِنَعْبُدَ اللَّهَ وَحْدَهُ وَنَذَرَ مَا كَانَ يَعْبُدُ آَبَاؤُنَا” (الأعراف:70)
Qoladii nabi Saalax – عليه السلام – waxay yiraahdeen:
-“لَوْ شَاءَ رَبُّنَا لَأَنْزَلَ مَلَائِكَةً” (فصلت:14)
-” إِنْ هُوَ إِلَّا رَجُلٌ افْتَرَى عَلَى اللَّهِ كَذِبًا وَمَا نَحْنُ لَهُ بِمُؤْمِنِينَ” (المؤمنون:38)
Qoladii nabi Luud – عليه السلام –waxay yiraahdeen:
-” ائْتِنَا بِعَذَابِ اللَّهِ إِنْ كُنْتَ مِنَ الصَّادِقِينَ” (العنكبوت:29)
Yahuudda
iyo Nasaarada iyaga iskaba daa, is xijinta ay Allaah is xijinayeen aad bay u
badnayd, waxay yiraahdeen:
-“لَنْ تَمَسَّنَا النَّارُ إِلَّا أَيَّامًا مَعْدُودَةً” (البقرة:80)
-“لَنْ يَدْخُلَ الْجَنَّةَ إِلَّا مَنْ كَانَ هُودًا أَوْ نَصَارَى” (البقرة:111)
-“كُونُوا هُودًا أَوْ نَصَارَى تَهْتَدُوا” (البقرة:134)
-“نَحْنُ أَبْنَاءُ اللَّهِ وَأَحِبَّاؤُهُ” (المائدة:18)
Qoladii nabi Muxammad – عليه الصلاة السلام –
waxaa ka mid ah wixii garashadooda uu qur’aanku ka yiri:
-“قُلْ مَنْ يَرْزُقُكُمْ مِنَ السَّمَاءِ وَالْأَرْضِ أَمَّنْ يَمْلِكُ السَّمْعَ وَالْأَبْصَارَ وَمَنْ يُخْرِجُ الْحَيَّ مِنَ الْمَيِّتِ وَيُخْرِجُ الْمَيِّتَ مِنَ الْحَيِّ وَمَنْ يُدَبِّرُ الْأَمْرَ فَسَيَقُولُونَ اللَّهُ” (يونس:31)
-“ قُلْ لِمَنِ الْأَرْضُ وَمَنْ فِيهَا إِنْ كُنْتُمْ تَعْلَمُونَ سَيَقُولُونَ لِلَّهِ” (المؤمنون:84-85)
-“قُلْ مَنْ رَبُّ السَّمَاوَاتِ السَّبْعِ وَرَبُّ الْعَرْشِ الْعَظِيمِ. سَيَقُولُونَ لِلَّهِ” (المؤمنون:86-87)
-“وَلَئِنْ سَأَلْتَهُمْ مَنْ خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ لَيَقُولُنَّ خَلَقَهُنَّ الْعَزِيزُ الْعَلِيمُ” (الزخرف:9)
Haddaba: Haddii ayan “rumaynta Allaah” ahayn, in la garto inuu Allaah keligi dadka iyo caalamka abuuray, iskana leeyahay, isaguna irsaaqo, noloshiyo dhimashadana hayo… intaa haddayan ahayn “rumaynta Allaah”; ee dadku u kala saarta mu’miniin iyo kaafiriin. Waa maxay “rumaynta Allaah”, ee ay rusushu wada dalbayeen?.
4) “Rumaynta Allaah” ee ay rusushu wada dalbayeen, waxay ahayd:
“in Rabbigaa la wada gartay inuu jiro, caalamkana abuuray, siduu doonana ka yeeli kara; keligi loo hoggaansamo, kuwa kaloo sokadi loo hoggaansan yahayna laga soo noqdo”
Dadka ay rusushu la hadlayeenna; intaa baa laga la’aa, waxay ahaayeen dad addoomo caabuda, oo awood ayan lahayn u rumeeyey. Ka dibna rumayntii ku bixisay, inay u hoggaansamaan, oo ficillo u sameeyaan.
Kuwaa loo hoggaansameyna waxay ahaayeen laba nooc:
(nooca hore)
waa kuwo la rumeeyey, inay awood ku leeyihiin cirka iyo dhulka, awood ay ka heleen Allaah xaggi, oo ay dadka wax ugu tari karaan, kuna dhibi karaan. Ka dibna waxay la aadeen: baryo, qayla dhaan, baqdin, rajo, isku hallayn, xoolo u bireyn, sharad u xirid, iwm.
Waana ficillo isu dulleyn iyo hoggaansamid ah, ama waa cibaado (العبادة) marka af carabi lagu yiraahdo. Kuwaa ay caabudayeenna waa malaa’ik, nabiyo, dad saalixiin ahaan jirey, jinni, iyo sawirro ama sanamyo laga qoray suuraddooda. Awoodda laga rumeeyeyna, mid qarsoon bay ahayd oo aan u ekeyn tan dadka caadiga ah leeyahay, waayo nin abaar ka baqaya, ama dhib kale, baa wuxuu u yeeranayaa nin saman hore dhintay, ama jinni uusan ka war qabin meesha uu joogo.
-” وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّنْ يَدْعُو مِنْ دُونِ اللَّهِ مَنْ لَا يَسْتَجِيبُ لَهُ إِلَى يَوْمِ الْقِيَامَةِ وَهُمْ عَنْ دُعَائِهِمْ غَافِلُونَ. وَإِذَا حُشِرَ النَّاسُ كَانُوا لَهُمْ أَعْدَاءً وَكَانُوا بِعِبَادَتِهِمْ كَافِرِينَ” (الأحقاف: 5-6)
-” وَمَنْ يَدْعُ مَعَ اللَّهِ إِلَهًا آَخَرَ لَا بُرْهَانَ لَهُ بِهِ فَإِنَّمَا حِسَابُهُ عِنْدَ رَبِّهِ إِنَّهُ لَا يُفْلِحُ الْكَافِرُونَ” (المؤمنون:117)
(nooca labaad) waa kuwo la rumeeyey, inay awood ku leeyihiin, nolosha dadka wax u jideynteeda, oo lagu dhaqmi jirey, wixii ay jideeyaan. Kuwaa waxay ahaayeen, boqorro, odayaal la jecel yahay, kaahinno, iyo kuwa u khidmeeya sanamyada, iyo dadyow kale.
-” أَمْ لَهُمْ شُرَكَاءُ شَرَعُوا لَهُمْ مِنَ الدِّينِ مَا لَمْ يَأْذَنْ بِهِ اللَّهُ” (الشورى:21)
Qof walboo labadaa nooc ee baadida ah, ku jira midkood, wuxuu la mid yahay rumaynlaaweyaashii, uu qur’aanku xusay, waxaana waajib ah in loogu yeero rumaynta Allaah. In lagu sirmana ma ahan, garashadiisa uu Allaah jiritaankiisa garanayo, waayo intaa gaala walbaa garan jirtey, mulxiddiinta mooyee, oo waayadii hore aad u yaraan jirey.
Ibliiska lacnaddu raacday, cilmigiisu mid wax taray ma noqon, rumayntiisuna rumayn ansaxday ma noqon, sababtoo ah: waxaa ka maqnaa qayb ka mid ah “rumaynta Allaah”, oo uu iskala weynaadey, taasoo ahayd:
“in loo hoggaansamo amarrada Allaah, oo aan kala reebid lahayn”.
Mushrikiintii hore, kuwii carbeed, iyo Yahuud iyo Nasaara, midkoodna wax uma tarin, adduun iyo aakhiraba garashadii ay u lahaayeen Allaah, waayo mid walboo ka mid ah, waxaa ka maqnaa qayb ka mid ah “rumaynta Allaah”.
Rumayntaa maqnayd oo ahayd: “in loo hoggaansamo amarrada Allaah, oo aan kala reebid lahayn. Iyo in keligi loola soo noqdo, gebi ahaan cibaadooyinkii, ay la aadi jireen kuwii awoodo ayan lahayn loo rumeeyey, lana caabudey”.
Garashada la garto inuu Allaah keligi dadka iyo caalamka abuuray, iskana leeyahay, isaguna irsaaqo, noloshiyo dhimashadana hayo, waa arrin ka mid ah rumaynta Allaah hase yeeshee keligeed loogama baxo kufriga weyn, sida aad ku soo martay caqiidada kufaartii hore.
-” وَمَا يُؤْمِنُ أَكْثَرُهُمْ بِاللَّهِ إِلَّا وَهُمْ مُشْرِكُونَ” (يُوسف:106)
Tan dadka u kala bixisa mu’miniin iyo kaafiriin, waa: ciddee loo
hoggaansamayaa; oo la addeecayaa?
Ma Allaah keliyaa?, kii “haa” yiraahda waa “mu’min”.
Mise waa cid kale?,
kii “haa” yiraahda waa “kaafir”.
Mise waa Allaah iyo cid kale?, kii “haa” yiraahda waa “kaafir”.