{qaybta 3aad darsigii ahaa: “Asallada Iimaanku, sidee ku taam noqdaan?}
5) kii Diinta mushrikiinta ka baxa, ugana baxa rumaynta uu rumeeyey, in Allaah keligi loo hoggaansamo, laysu dulleeyo, lana addeeco, qofkaa waxaa u fududaanaya, inuu rumeeyo asallada kale, ee kala ah, rumaynta malaa’ikta, kutubta, rususha, iyo maalinta danbe.
Rumaynta Malaa’ikta:
Wuxuu rumaynayaa inay yihiin, addoomo Allaah abuuray, cibaadadiisana u go’ay, caasinimana aan aqoon.
-” لَا يَعْصُونَ اللَّهَ مَا أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ” (التحريم: 6)
-” يُسَبِّحُونَ اللَّيْلَوَالنَّهَارَ لا يَفْتُرُونَ” (الأنبياء:20)
Wadiifooyinka loo dirana waxaa ka mid ah: – Waxyiga iyo farriimaha inay Allaah ka qaadaan, Rusushana gaarsiiyaan.
– Inay qoraan acmaasha la falayo, khayrka iyo sharkaba.
– Inay halaagaan umaddii Rabbi u diro halaaggooda.
– Inay qofkii ajashiisu dhammaato, ruuxa ka siibaan.
– Inay mu’miniinta jihaadeysa, niyaddooda xasiliyaan.
– Inay ahlu naarka ku cadaabaan Jahannama.
– Iyo hawl walboo Rabbigood u diro.
-” اللَّهُ يَصْطَفِي مِنَ الْمَلَائِكَةِ رُسُلًا وَمِنَ النَّاسِ إِنَّ اللَّهَ سَمِيعٌ بَصِيرٌ” (الحج: 75)
-“وَإِنَّهُ لَتَنْزِيلُ رَبِّ الْعَالَمِينَ. نَزَلَ بِهِ الرُّوحُ الْأَمِينُ. عَلَى قَلْبِكَ لِتَكُونَ مِنَ الْمُنْذِرِينَ. بِلِسَانٍ عَرَبِيٍّ مُبِينٍ” (الشعراء: 192-195)
-“وَإِنَّ عَلَيْكُمْ لَحَافِظِينَ. كِرَامًا كَاتِبِينَ. يَعْلَمُونَ مَا تَفْعَلُونَ” (الانفطار: 10-12)
-“وَلَمَّا جَاءَتْ رُسُلُنَا إِبْرَاهِيمَ بِالْبُشْرَى قَالُوا إِنَّا مُهْلِكُو أَهْلِ هَذِهِ الْقَرْيَةِ إِنَّ أَهْلَهَا كَانُوا ظَالِمِينَ” (العنكبوت:31)
-“قُلْ يَتَوَفَّاكُمْ مَلَكُ الْمَوْتِ الَّذِي وُكِّلَ بِكُمْ ثُمَّ إِلَى رَبِّكُمْ تُرْجَعُونَ” (الم السجدة:11)
-“إِذْ يُوحِي رَبُّكَ إِلَى الْمَلَائِكَةِ أَنِّي مَعَكُمْ فَثَبِّتُوا الَّذِينَ آَمَنُوا ” (الأنفال:12)
-“يَا أَيُّهَا الَّذِينَ آَمَنُوا قُوا أَنْفُسَكُمْ وَأَهْلِيكُمْ نَارًا وَقُودُهَا النَّاسُ وَالْحِجَارَةُ عَلَيْهَا مَلَائِكَةٌ غِلَاظٌ شِدَادٌ لَا يَعْصُونَ اللَّهَ مَا أَمَرَهُمْ وَيَفْعَلُونَ مَا يُؤْمَرُونَ” (التحريم: 6)
Rumaynta Kutubta:
Wuxuu rumaynayaa inuu Allaah weligi dadka u soo dejin jirey, kitaabbo uu ugu bayaamin jirey xaqa iyo baaddilka , waxaana kutubtaa ka mid ah: Tawraat, Injiil, Zabuur, iyo Qur’aanka, oo ugu danbeeyey.
-“إِنَّا أَنْزَلْنَا التَّوْرَاةَ فِيهَا هُدًى وَنُورٌ” (المائدة:44)
-“اللَّهُ لَا إِلَهَ إِلَّا هُوَ الْحَيُّ الْقَيُّومُ. نَزَّلَ عَلَيْكَ الْكِتَابَ بِالْحَقِّ مُصَدِّقًا لِمَا بَيْنَ يَدَيْهِ وَأَنْزَلَ التَّوْرَاةَ وَالْإِنْجِيلَ. مِنْ قَبْلُ هُدًى لِلنَّاسِ وَأَنْزَلَ الْفُرْقَانَ” (آل عمران:2-4)
-“وَآَتَيْنَا دَاوُودَ زَبُورًا” (النساء: 163)
Rumaynta Rususha:
Wuxuu rumaynayaa inuu Allaah weligi dadka u soo diri jirey rusul baraysa Iimaanka laga doonayo, inay xaqiijiyaan. Rusushaa waxay isugu jiraan, kuwo dad badan raacay, kuwo dad yar raacay, iyo kuwo la raaci waayey. Qur’aanka in yar baa lagu xusay magacyadooda, in badanna lama xusin, waase la sheegay jiritaankooda:
-“وَتِلْكَ حُجَّتُنَا آَتَيْنَاهَا إِبْرَاهِيمَ عَلَى قَوْمِهِ نَرْفَعُ دَرَجَاتٍ مَنْ نَشَاءُ إِنَّ رَبَّكَ حَكِيمٌ عَلِيمٌ. وَوَهَبْنَا لَهُ إِسْحَاقَ وَيَعْقُوبَ كُلًّا هَدَيْنَا وَنُوحًا هَدَيْنَا مِنْ قَبْلُ وَمِنْ ذُرِّيَّتِهِ دَاوُودَ وَسُلَيْمَانَ وَأَيُّوبَ وَيُوسُفَ
وَمُوسَى وَهَارُونَ وَكَذَلِكَ نَجْزِي الْمُحْسِنِينَ. وَزَكَرِيَّا وَيَحْيَى وَعِيسَى وَإِلْيَاسَ كُلٌّ مِنَ الصَّالِحِينَ. وَإِسْمَاعِيلَ وَالْيَسَعَ وَيُونُسَ وَلُوطًا وَكُلًّا فَضَّلْنَا عَلَى الْعَالَمِينَ” (الأنعام: 83-86)
-“إِنَّ اللَّهَ اصْطَفَى آَدَمَ وَنُوحًا ” (آل عمران:33)
-“وَإِلَى عَادٍ أَخَاهُمْ هُودًا” (الأعراف:65)
-“وَإِلَى ثَمُودَ أَخَاهُمْ صَالِحًا” (الأعراف:73)
-“وَإِلَى مَدْيَنَ أَخَاهُمْ شُعَيْبًا” (الأعراف:85)
-“وَاذْكُرْ فِي الْكِتَابِ إِدْرِيسَ إِنَّهُ كَانَ صِدِّيقًا نَبِيًّا” (مريم: 56)
-“مُحَمَّدٌ رَسُولُ اللَّهِ” (الفتح:29)
-“وَرُسُلًا قَدْ قَصَصْنَاهُمْ عَلَيْكَ مِنْ قَبْلُ وَرُسُلًا لَمْ نَقْصُصْهُمْ عَلَيْكَ وَكَلَّمَ اللَّهُ مُوسَى تَكْلِيمًا. رُسُلًا مُبَشِّرِينَ وَمُنْذِرِينَ لِئَلَّا يَكُونَ لِلنَّاسِ عَلَى اللَّهِ حُجَّةٌ بَعْدَ الرُّسُلِ وَكَانَ اللَّهُ عَزِيزًا حَكِيمًا” (النساء: 164- 165)
Rumaynta maalinta danbe:
Wuxuu rumaynayaa inay jirto maalin, uu Allaah ballan qaaday, khalqigana dib nolol loogu soo celinayo, qof walbana acmaashiisii uu dunida ku dul falay, la miisaamayo, abaal marintuu mutaystayna la marinayo.
Hadduu khayrkiisu badnaa khayr buu helayaa, hadduu sharkiisu badnaana shar buu helayaa. Sharka iyo khayrkuna, waa wixii kitaabka Allaah ku ahaa shar ama khayr.
-“وَيَوْمَ نُسَيِّرُ الْجِبَالَ وَتَرَى الْأَرْضَ بَارِزَةً وَحَشَرْنَاهُمْ فَلَمْ نُغَادِرْ مِنْهُمْ أَحَدًا. وَعُرِضُوا عَلَى رَبِّكَ صَفًّا لَقَدْ جِئْتُمُونَا كَمَا خَلَقْنَاكُمْ أَوَّلَ مَرَّةٍ بَلْ زَعَمْتُمْ أَلَّنْ نَجْعَلَ لَكُمْ مَوْعِدًا. وَوُضِعَ الْكِتَابُ فَتَرَى الْمُجْرِمِينَ مُشْفِقِينَ مِمَّا فِيهِ وَيَقُولُونَ يَا وَيْلَتَنَا مَالِ هَذَا الْكِتَابِ لَا يُغَادِرُ صَغِيرَةً وَلَا كَبِيرَةً
إِلَّا أَحْصَاهَا وَوَجَدُوا مَا عَمِلُوا حَاضِرًا وَلَا يَظْلِمُ رَبُّكَ أَحَدًا” (الكهف: 47-49)
Wax walboo ay Diintu fartay, in la rumeeyo, waa inuu qofku ka rumeeyo
qalbiga, rumayn wadata hadalka carrabka, iyo ficilka xubnaha.
Sidoo kale, waa inuu malaa’ikta, kutubta, rususha, iyo maalinta qiyaamahaba, ka rumeeyo qalbiga, iyo carrabka, iyo xubnaha.