www.towxiidka.com
  
  
Follow us
RSS
Facebook
Twitter

Qaybta 5aad darsigii ahaa: Dastuurradu maxay noo sidaan ?

(Kan shanaad) Ra’yiga aqlabiyadda:

“Raacidda aqlabiyaddu ma xaq baa?” Islaamku wuxuu ku taagan yahay, mabda’a oranaya:

“Waxay Allaah iyo Rasuulkiisu ka hadleen, ka tashi ma leh, ee kii khilaafsani haw soo noqdo, wixii kalena meeshii xaq idiin la ekaata raaca, dadku meeshuu u batana baadi waa noqon kartaa”:

(ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لا يَعْلَمُونَ) (يوسف:40)

(وَمَا أَكْثَرُ النَّاسِ وَلَوْ حَرَصْتَ بِمُؤْمِنِينَ) (يوسف:103)

Iyaguna waxay kufaarta ka dhaxleen, dastuurkana ku darsadeen, aqlabiyadda in la raacayo, hadalkeeduna sharci noqonayo, sharci dastuurka ka sarreeya, oo lagu xisaabtamayana uusan jirin. 

Waxaa ka mid ah qodobbada kii lixdankii:

“المادة 55: ]أعمال الجمعية:

1- تتخذ كافة القرارات بتأييد أغلبية الحاضرين إلا إذا نص الدستور والقانون على أغلبية معينة[.

Oo ah: [go’aammada oo dhan waxaa lagu qaadanayaa, ayidaadda aqlabiyadda soo xaadirta, hadduusan dastuurku iyo qaynuunku sheegin aqlabiyad gaar ah]

 

Kii kacaankuna wuxuu yiri:

Qodobka:9aad” (Doodaha, go’aanka iyo fulinta)

[1. Hay’adaha siyaasadeed ee la doortaa waxay ku shaqeynayaan, heer kasta oo ay yihiin, mabda’a:

WADARTA DOODAHA, AQLABIYADDA GO’AANKA iyo U WADAJIRKA FULINTA.]

Tacliiq:

Wadaaddada fiirada gaaban qaarkood, waxay ku doodaan: haddaan golaha shacbiga (xildhibaannada), ka mid noqdo, oo markii arrin laga doodaba,  siday diintu tiri aan raaco, xaggee baan ka qaldanahay, sow nin xaq sheegay ma ahi?.

Kuwaa waxayan fahmayn:

1.Markii hore inay saxiixeen, aqlabiyaddu inay sharci noo ahaanayso, kufriba ha ahaatee, fulinta aqlabiyadda ra’yigeedana ay dadka kala mid yihiin, sida ay ugu taal dastuurka: (aqlabiyadda go’aanka, iyo u wadajirka fulinta).

2.Fadhigooda ay halkaa fadhiyaan, inuu yahay fadhi diinta lagu dullaynayo, laguna ciyaarayo, taa keligeedna ay kufri labaad tahay, bayan fahmayn.

Waxaad ku garan kartaa, haddii qof aabbihi yiraahdo: “dharka ii feeree, oo boorsada iigu rid ”, hadduu ugu jawaabo: “maya, ee waan ka tashanaynaa, in boorsada laguugu rido, iyo in musqusha lagu tuuro”. Qofkaa inuu aabbihi waxaan munaasib ahayn ku yiri, kuna jeesjeesay shaki kuma jiro.

Waxaa taa la mid ah, Rabbi baa yiri: “khamrada idiinma oggoli”. Markaa bay yiraahdeen: “waxaa go’aan noo ah, wax walba oo aad na fartid, inaannaan heye iska oran, ee laga doodo: in lagaa yeelo, iyo in lagaa diido, taan u badanno baana shareeco noo ah, ee taada keligeed shareeco aan ku khasbannahay nooma ahan. ” taa inay kufri tahay (كفر إباء واستكبار), yaa diidi kara.

Wadaadka meesha sidaa ah quudka ka jirinayase, waa maxay islaamka u haray, ee uu shinsanayo?.

 

(Kan lixaad) Garsoorka: Maxaa garta lagu kala gooyaa?

Islaamku wuxuu ku taagan yahay, mabda’a oranaya:

“wax aan kitaabka ahayn, gar laguma kala saari karo, kii sharci kale ku kala saarana Diintuu uga baxayaa”.

-“وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ فَأُولَئِكَ هُمُ الْكَافِرُونَ” (المائدة:44)

-“أَفَحُكْمَ الْجَاهِلِيَّةِ يَبْغُونَ وَمَنْ أَحْسَنُ مِنَ اللَّهِ حُكْمًا لِقَوْمٍ يُوقِنُونَ” (المائدة:50)

Iyaguna arrintaa lidkeed, bay dastuurka ku qorteen. Waxay yiraahdeen:

“waxaan dastuurka ahayn, wax laguma kala saari karo”

Waxaa ku soo arooray kii lixdankii:

المادة 96 [ضمان سيادة القضاءلا يخضع القضاة عند مباشرتهم لوظائفهم القضائية لغير القانون.]

Oo ah: [qaalliyaashu markay hawshooda gudanayaan, u hoggaansami mayaan, waxaan qaynuunka ahayn.]

Kii kacaankana, waxaa ku yimid:

Qodobka: 98aad”(Madaxbannaanida Garsoorka)

[Garsoorayaasha Maxkamadaha iyo xeer- Ilaaliyayaashu waa u madax bannaan yihiin hawshooda, lagama qaadi karo xilka, xaaladaha Sharcigu tilmaamay mooyaane, waxayna u hoggaansamayaan Sharciga oo keliya.]

 

Kii ku meel gaarkuna wuxuu yiri:

“QODOBKA 55” (MADAXBANNAANIDA GARSOORKA)

[1 -Garsoorku wuxuu ka madaxbanaan yahay hay’adaha xeer-dejinta iyo fulinta marka ay gudanayaan xilkooda garsoor, xubnaha garsoorku waxay u hogaansamayaan sharciga.]

 

Kii Somaliland wuxuu yiri: “QODOBKA 26AAD” (CIQAAB IYO DEMBI)

[1. Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.]

 

la soco Qaybta Lixaad ee casharkaan halkan riix