Qaybta 6aad darsigii ahaa: Dastuurradu maxay noo sidaan ?
Tacliiq:
(kow) Markuu leeyahay, Sharciga oo keliya, dastuurka iyo xeerarkiisa soo raaca buu u jeedaa, uma jeedo shareecada Islaamka. Waana iska waafaqsan yihiin dastuurrada oo dhan afgarashadaa.
Waxaa yaab leh, dadka sidaa bareerka ah kitaabkii uga guurey, mid lid ku ahna u samaystay, kuwa u dooda oo ku tiriya inay ku jiraan ehelka tawxiidka.
Waxaana badan kuwa baaddilka difaaca, markay qur’aanka fasirayaan, inay yiraahdaan: “ibliis hal amar buu diidey, kaafirna ku noqday”.
(labo) Dastuurka waxay ku daraan, qodob ay ku dilayaan xammaasad dhici karta inay abuuranto, markii la garto in shareecadii Islaamka toos loo khilaafay.
Waa qodobka sheegaya Islaamku inuu yahay diinta dawladda.
Kii lixdankii waxay ku qoreen:
[3) الإسلام دين الدولة.]
Kii kacaankana: “Qodobka: 3aad” (Diinta iyo Afka)
[1. Diinta Islaamku waa Diinta Qaranka.]
Islaamka ay sheegayaanna waa kan ay islaam u yaqaanniin, xaqiiqa ahaanse shirkiga ah.
Islaamka runta ah waxay tuureen, markay yiraahdeen:
“awoodda sharci dejinta Allaah ma leh”
“muslim iyo gaal waa siman yihiin”
“aqlabiyadda ra’yigeedaa noo shareeca ah”
“qaynuunka keligi baa wax lagu xukumayaa”
“waxa lagu kulmo, diinta maahee , waa waddanka” Iwm.
Kii Punt land wuxuu yiri:
(8.Habka siyaasadeed ee Dawladda Puntland wuxuu ku saleysan yahay mabaadiida hogaamineed ee:
(b) Shareecada Islaamka.
(t) Xukunka Dadweynaha (Democracy)]
U fiirso:
Arrinta hore (Shareecada Islaamka xusiddeeda), waa tan caammada lagu seexinayo, waana iska magac.
Arrinta labaadna (Xukunka Dadweynaha “Democracy”), waa tan beesha caalamka kufriyey lagu raalli gelinayo, waana tan ay raadinayaan, inay dabbaqaan.
(saddex) Waxay kaloo ku qoreen kii lixdankii:
[المادة 50: الفقه الإسلامي في ميدان التشريع]
[الفقه الإسلامي مصدر أساسي لقوانين الدولة.]
Waa qodob ka mid ah kuwa lagu siro wadaaddada dheg weynta ah. Waxaana ku jira saddex khiyaano:
1- Kufrigii oo la huwinayo maro diineed, markuu arko (الفقه الإسلامي), oo la xusayo, buu qofku is leeyahay: dastuurku waa diintii oo la qodobbeeyey.
2- Ma ayan xusin (الشريعة الإسلامية), ee waxay xuseen (الفقه الإسلامي), farqiga u dhexeeyana waxaa weeye: shareecadu waa kitaabka iyo sunnada, oo aan laga heleyn wax qalad ah. Laakiin fiqigu waa fikradaha iyo axkaamta raggu ka fahmeen shareecada. Fahamka raggana qalad laga waayi mayo.
3- Fiqiga xataa ma ayan oran, keligi baa noo ah, meesha loo laabanayo, markii qaynuun dejin loo baahdo, ee waxay yiraahdeen: “wuxuu ka mid yahay meelaha loo laabanayo”.
(Afar) Waxay kaloo shareecada Islaamka u reebeen, arrimaha shakhsiga ah, ee aan saamaynta ku lahayn nidaamka dawliga, iyo hoggaaminta bulshada, sida: guurka, furriinka, dhaxalka, iwm.
Waxayna u bixiyaan: “xaaladaha shakhsiyadeed”
Kii lixdankii wuxuu yiri:
[المادة0 3:الأحوال الشخصية]
[1)ـلكل الحق في التمتع بأحواله الشخصية وفقاً للأحكام القانونية أو العادات الخاصة بها.
2)ـ تنظم الأحوال الشخصية الخاصة بالمسلمين وفقاً للمبادئ العامة في الشريعة الإسلامية.]
Iyadana waagii kacaanka baa loo soo dhigtay, oo la qoray xeerkii qoyska, oo la yiri: “dhaxalka waa in loo simo ragga iyo haweenka”
“furriinkana ninka keligi iskama laha, mana ridi karo”
Jahliga Diinta meesha laga gaarey, waxaad arkaysaa dastuurkii lixdanka iyo kii kacaankuba, markay isku raacayeen:
“awoodda sharci dejinta Allaah ma leh”
“muslim iyo gaal waa siman yahay”
“aqlabiyadda ra’yigeedaa noo shareeca ah”
“qaynuunka keligi baa wax lagu xukumayaa”. iwm.
Wadaad “juuq” yiri lama arag.
Markiise la yiri: “dhaxalkaa la simayaa”. Wadaaddadii waa gedoodeen, toban baana ku naf weydey bishii kowaad 1975kii.
Tawxiidkii asalka Diinta ahaana looma qiiroon, dhaxalkii oo axkaam farci ahna, waa loo qiirooday.
(Kan toddobaad) Khayraadka dalka:
Islaamku wuxuu ku taagan yahay, mabda’a oranaya: “khayraadka badda iyo berrigaba, waa hanti Allaah leeyahay, dadkana waw idmay, wixii uusan idminna, isagaa sharci ku caddeeya”
-“كُلُوا وَاشْرَبُوا مِنْ رِزْقِ اللَّهِ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ” (البقرة:60)
-“اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَأَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجَ بِهِ مِنَ الثَّمَرَاتِ رِزْقًا لَكُمْ”
(إبراهيم:32)
-“قُلْ مَنْ حَرَّمَ زِينَةَ اللَّهِ الَّتِي أَخْرَجَ لِعِبَادِهِ وَالطَّيِّبَاتِ مِنَ الرِّزْقِ قُلْ هِيَ لِلَّذِينَ آَمَنُوا فِي الْحَيَاةِ الدُّنْيَا خَالِصَةً يَوْمَ الْقِيَامَةِ كَذَلِكَ نُفَصِّلُ الْآَيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ. قُلْ إِنَّمَا حَرَّمَ رَبِّيَ الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ وَالْإِثْمَ وَالْبَغْيَ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَأَنْ تُشْرِكُوا بِاللَّهِ مَا لَمْ يُنَزِّلْ بِهِ سُلْطَانًا وَأَنْ تَقُولُوا عَلَى اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ” (الأعراف:32-33)
Waxaa ku soo arooray kii kacaanka:
“Qodobka: 42aad” (Khayraadka dhulka iyo badda)
1. Khayraadka dabiiciga ah iyo kuwa badda iyo berrigaba, waa hanti Qaran.
2. Sida ugu habboon oo khayraadkaas looga faa’iideysanayo Qaranka ayaa sharci ku habeynaya.
Kii ku meel gaarkuna wuxuu yiri:
“QODOBKA 67” (KHAYRAADKA DABIICIGA AH IYO ILAALINTA DEEGAANKA)
[1. Khayraadka dabiiciga ee dalka sida macdanta, biyaha, dhirta iyo ugaarta waa hanti Qaran. Sharci ayaana caddeynaya sida dan guud loogu manaafacaadsanayo.]
Kii Punt land wuxuu yiri: (Qodobka 53aad)
(KHAYRAADKA DABIICIGA AH)
[1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga.
2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah.]
la soco Qaybta Toddobaad ee casharkaan halkan riix