www.towxiidka.com
  
  

 

(1) Xakiimow llaahow adaan,

   ku xigsanaynaaye

Adigaa shirkigana xarrimay,

   xaal walboo nahaye

Adigaa xaniifiya amriyo,

xeerarka habboone

Adigaa xudduud noo dhigiyo,

soohdin xoog badane

(2) Adigaa xaliimoo naflaha ,

ka xaq darraanayne

Adigaa xannaaneeya oo,

xoojiyoo wada e

Adigay xaqaa tahay inaad,

xeer u dhigataa e

Adigaa xayaatada gesheye,

yaaba kaa xiga e!!

(3) Xaq iyo baaddil adigaa na baray,

kii xumaata lehe

Adigaa xamdiga naga mutaye,

xaraf ma sheegneene

Inaan kaa xishoonnoo maryaha,

xiranno waa diine

Adigaa caqligu waa xurmee,

xoolo naga soocay

(4) Aadmiga xaggii laga dayaba ,

yaa xurmada siiyey

Caqli yaa ku xakameeyey oo,

yaa xiskaba yeelay

Madaxaa xubnaha wada xiriyo,

xabadka yaw saabshey

Xuub cad iyo indhaha xuub madow,

xirribta yaw jeexay

(5) Jir xariira tima xiirma iyo,

xaadda u abuuray

Xiidmaha xargaha duuban iyo,

xuddunta meegaaray

Dhiigga xididka rooriyo wadnaha,

xaraka yaw yeelay

Lafta yaw xiriirinahayoo ,

muruqa yaw xoojey

(6) Xaqu waajib weeyee haddaan,

xaalka jira eego

Xigaalada habowdiyo haddaan,

xogaha kuu muujo

Xalku waa Islaamkee haddaan,

xujada meeleeyo

Xilku wayga dhacayaa intii,

xumina yeelkoode

(7) Nin xigaaladiisii luntayi,

hagar ka xaaraane

Loomana xalaalayn inuu,

ka xasdo iimaane

Koluu xayn badbaadiyo inuu,

xiiqo waa tahaye

Xoogse looma helo tala Ilaah,

meel ku soo xiraye

(8) Xil baa saaran waajiba hadduu,

diin xafidayaaye

Runta lama xabaalee inuu,

xujada sheegaaye

Xaaraanta taalliyo shirkiga,

xoora ku hayaaye

Haddii kale xisaab laga nixiyo,

xaaldarraa sugi e

(9) Xusimaayo hebel baa xun iyo,

xamasha reereede

Hayeeshee fitnada xoogsataan,

xuubka ka caddayne

Xaqiiqaan ku barayaa haddaad,

khayrka xigataaye

Xarafkayga maqal jaahil waa,

xadane liitaaye

(10) Adduunyada xikmaa lagu dhisiyo,

xoog iyo aqoone

Wax la xooray maahiyo sidii,

xoolo baadiya e

Xakiim baa ilaashanahayoo,

dhigay xudduuddii e

Xaqna looma siin gaal inuu,

xeerki taliyaa e

(11) Rabbibaa xaqiiqada ebyiyo,

xaaja aadane e

Dastuur aan xaggiisaa ka iman,

baan xurma lahayne

Xalaal maaha xukun loogu tago,

xaashiyaha gaale

Xaaraan qadciya weeye oo,

lagu xujoobaaye

(12) Rabbigii xinjira dhiiga oo,

xoog yar naga beeray

Xayyi inaka dhigay talada sare,

waw xaq leeyahaye

Waa xannaanadeennii wuxuu,

xeerar noo dhigaye

Xilmi lagama waayine maxaa,

xariggi loo gooyey!!?

(13) Xaakim iyo maxkuum raacsan waa,

xer iyo shiikheede

Xukunna waa wadaagaan siduu,

yiri Xakiimkii e

Taliyuhu xumaatada hadduu,

wada xanbaaraayo

Fircoon xoogaggiisii mar qura,

lama xasuuqeene

(14) Xukuumaatka jira iyo shacbiba,

xoore amarkii e

Xaniifiyadi seegoo Islaam,

kuma xeroodaane

Xayn yaroo xaqiiqada ogoo,

la xasdo mooyaane

Waa xaakim lumay iyo midkii,

xukunki dhawraayey

(15) Kufrigay xaqiijinahayaan,

waa xisaab li’iye

Lixda ugu xadgudub weyn haddaan,

kaaga xulo maanta

Oo aan xaqiiqada sidii,

xaashida caddeeyo

Xusuustaada geli yaan cilmigu,

kula xaraaraane

(16) Aayado la xooriyo dastuur,

xeerki lagu joogo

Xabiibsiga kufaartiyo Islaam,

la xarbigiisiiba

Nin xabaasha galay oo xal iyo,

xoolo laga doono

Iyo waa xaq lama leexiyee,

u xaqirrow gaalo

(17) Nin walboo xadduuddaa ku dhaca,

xero Islaam seegye

Qur’aankaa xogtaa laga heloo,

xukunki waa gaale

Waa xaqiiqo noo muuqatoon,

xuub yar qarinayne

Wadaaddaa cilmiga kala xadee,

waa xujiyo diine

(KUFRIGA KOWAAD)

(18) Xadka hore xuquuqdii Allay,

ku xadgudbaayaane

Xakiimkii iyaga uumay bay,

hadalki xooreene

Kitaabkii xayaatada ebyoo,

xaal walba caddeeyey

Xeerar bay ka doorteen kufaar,

u xarxarriiqeene!!

(19) “Xaamiim” waxay uga tegeen,

xaashiyaha gaale

Xikmaddii Rasuulkii Alliyo,

ride xaddiiskii e

Caqiidaan xirayn ee sidaa,

uma xad dhaafeene

Xooloobe saman hore hadday,

diin xafidayeene

(20) Xaqa intay ka leexdeen jidkii,

nabadda loo xaarey

Xal baan weyney xaajada ah waa,

xeelad iyo beene

Xaqsooraha Ilaahood hadday,

la xarbiyaayaanba

Xudduuddiisi ay daba mareen,

yaa xasilin doona!!?

(kufriga labaad)

(21) Xadka xiga inay xeer dejaan,

kama xishoodaane

Xildhibaannaday siinayaan,

xaqa Ilaahoode

Xudduud li’i ma joogtoo Allaa,

xafiday diintii e

Loomana xilsaarine maxaa,

xaashiyaha keenay!!?

(22) Iyaguba xuquuqdooda gaar,

waw xarbiyayaane

Xayn yara midkii foofsadaa ,

xaaris baw yahay e

Xawda buu jaraayaa midkii,

tulud ka xoogaa e

Horta xuquuq ma leeyahay Ilaah,

idinka xaaraana!!?

(23) Kiinnii xad dhaafoo naflaha,

xada ma deysaane

Xurmo laawe tuugoobey baad,

ku xukumaysaane

Qodobbo loo xarriiqaa jiroo,

xeer talyaaniya e

Isagoo xaqiran buu misana,

xarig mutaystaaye

(24) Ninka yiri anaa xeer ku filan,

ama xudduud keenay

Xaq haddii an loo siin miyuu,

xaday ilaahiisa

Mase waw xarbiyeyoo ku helay,

xoogsi iyo boobe

Waa laba xumaatoo midduu,

xuso ku gaalow e

(25)
Xaaraan qadciya waa Ilaah,

xaqi
la sheegtaaye

Aadane
inuu xeer degsado,

ama
xudduud keeno

(Barlamaan)
xalaashanahayaa ,

waa
xaraamiga e!!

Ma
xasaanad baa loo qiraa,

tuug
dharaar xadaya!!

(26)
Rabbi baa xaliimoo ninkii,

xaday
an moogeyne

Xilli
buu u gooyeye danbiga,

uma
xalaalayne

Xilmigiisa
badan buu midkii,

xadani
eegtaaye

Maantuu
xaqsoor ula tagay,

xaaladdood
bi’iye

(27)
Dastuurkoodu xaaraan qadciya,

buu
xalaashadaye

Xaqdarray
ka buuxsheen kufray,

xoojinahayaane

Xujadii
kitaabkiyo sunnadu,

waw
xaraar tahay e

Xaggii
loo batiyo waxay arkaan,

odayo
xeerkoode

(28)
La tuuryee xudduuddii Alloo,

xoore
waa hore e

Isagaa
xakiimana afkaa,

laga
xusaayaaye

Talyan
xeerarkiisii horay,

ku
xamdiyaayaane

Waa
quluub Ilaaheen xiroo,

ka
xadfan iimaane

(29)
Xalaaleeye zinadii markaan,

dumar
la xoogeyne

Xilligii
la gudub bay rajmigi,

ugu
xireen meele

Xubin
kama ay gooyaan midkii,

uunka
soo xadaye

(koodijaa)
xoreeyeye Ilaah,

xukunki
loo tuurye

(30)
Xayn miyay abuureen dadkay,

xeer
u dhigayaane

Xinjir
miyay ka keeneen miyay,

xubin
yar siiyeene

Xafiid
maw ahaayeen markuu,

uurka
ku xirraa e

Xaliib
ma ay ka nuujeen intuu,

labada
xawl joogey

(31)
Xaalka maw beddelayeen markuu,

xoogsadoo
kacaye

Mayagaa
xaglaha laga socdiyo,

xusulladaw
dhuubay

Xoolo
miyay u badiyeen miyey,

xamash
u daajeene

Xareed
miyay aroorsheen miyey,

xays
u di’iyeene

(32) Cirka miyay xardheenoo miyay,

xiddigo nuursheen e

Dhulka
miyay xasiliyeen miyay,

buuro
ku xireen e

Dhirtu
waa xayaatee miyay,

xay
ka bixiyeene

Xagar
miyay abuureen miyay,

xidid
u aaseene

(33)
Ku xoog badiye gaalnimo hadday,

xiiso
leedahaye

Ibliiskii
tan iyo Xaawa iyo,

Aadam
na xumeeyey

Inuu
xeeladeeyoo quluub,

xadayo
mooyaane

Xudduud
iyo waxaan keenayaa,

xeerar
oran waa e!!

(kufriga
saddexaad)

(34)
Xadka xiga nasaarada xun bay,

xulafa
moodeene

Ka
xuub siibey tawxiid midkii,

gaal
xabiibsadaye

Xaniifiya
hadday raacayaan,

ma
xaqirraadeen e

“Gabre”
kuma xasuuqeen intuu,

xamar
yimaadaa e

(35)
Addis kuma xeroodeen hadday,

Nebi
xusuustaane

Xabashiga
waxay ugu milmeen,

xumi
ku aasnayde

Xizbi
baa walaalaynayee,

kuma
xirraadeene

Xubno
weeye labaduba Ibliis,

iyo
xertiisii e

(36)
Haddii adan xaqaba raaci karin,

xumida
mooyaane

Xaliimkii
ku uumaba hadduu,

gaalku
kaa xigayo

Xilkasnimo
habowdoo gunnimo,

waysku
xiranteene

Lixdankaan
xornimo qaadanniyo,

xiddigtu
waa beene

(kufriga
afraad)

(37)
Xadka xiga xarbay kula jiraan,

xukun
islaameede

Xaddiithkii
sharaystiyo qur’aan,

xa’
iyo miimkii e

Xilligoodi
baa dhacayna waa,

ku
xamanaayaane

Nacashkay
xirxirayaan inuu,

galo
xabaashii e

(38)
Xarga goosannoo bay dheheen,

laga
xorow diine

Waa
xanuun bulshada kala xiroo,

xooritaan
noqoye

Isagaa
xaqiranoo mar dhaw,

xerada
noo deyne

Xushmaddii
martida siiya iyo,

xarragadoodii
e

(39) Xarbi hawla tegin dirir Islaam,

waa xaraar tahaye

Xin hadduu dareemiyo colaad,

xididka goyneysa

Markaa bay xayaatadu gashaa,

xanafna yeeshaa e

Ku xarriiqan taariikhda oo,

waa xog la hubaa e

(40)
Caammada xumaataana waad,

xasilin
weydaaye

Xammaaskay
kacshaan waayo buu,

xiinki
jirayaa e

Mar
hadduusan xukun dawlad iyo,

xeerar
noqonaynin

Intay xiisad weyn iman lahayd,

xira afkiinnaa e!!

(41) Xaqiiqadi caddaatana wadaad,

xaaqayay heli e

Mid adduunyo xiisaynayood,

xoor dibbiray mooddo

Xabri reer Yahuud oo kaloon,

xeelad lagu gaarin

Xuruufaha u leexleexiyoo,

been xardhaa iman e

(42) Xabri daba gal, xaajada u daa,

aayaddana xoora

Xaq haddii ay tahay reer “Yahuud”,

laguma xooreene

Xalaalsiga kufriga bay cadaab,

ugu xeroodeene

Xizbullaahi baan nahayna waa,

ku xarragoodaane!!

KUFRIGA SHANAAD

(43) Xadka xiga xabaashay u tegi,

xoolo badintoode

Shirki
bay xalaashanahayaan,

xaynta
suufiya e

Waa
niman xumaan lagu qabbirey,

xarig
Ibliiseede

Xerna
wayska dhigayaan cilmiga,

u
xabbisnaa waa e

(44)
Waa kuwa xareeddaba ka suga,

ruux
xabaal galaye

Waa
kuwa xadreeyoo bidcada,

xooran
qaayibey e

Waa
kuwa xaddiith iyo qur’aan,

xujaba
moodeyne

Waa
kuwa xijaabkiyo dhibsada,

xukunka
diineede

(45) Suufigu hadduu xoolo helo,

xaaja kale mooge

Xaqiiqada wuxuu uga durkaa,

xeero maanta ahe

Mar haddii u xoonkoodu baxo,

qaalin baw xirane

Meel aan leg iyo xayr lahayn,

kama xadreeyaane

(kufriga lixaad)

(46) Xadka xiga xizbiga naarta bay,

u xaqirraadeene

Xajkoodii galbeed buu noqdiyo,

xaramki weynaaye

Xeeryahay u xalayaan kufaar,

xagata khaanziire

Oo laysku xaasidahayaa,

xaal darrida taale!!

(47) Nimaan baran xakiimkii Allaa,

xoolo shaabbaha e

Xubbigii Islaamkiyo ma lahan,

xamiya diineede

Xikmad loogu yeeraayo iyo,

xaqa ma eegaane

Kirishtaan xaggina waw maraan,

xeera raashina

(48) Dad xanuunsanaayoo intaa,

xayn ka le’anayso

Daawada xaraar uga gabbaday,

looma xeel helo e

Haddii ayan xaqiiqada arkayn,

diinna xiganaynin

Xaalkood ba’ weeyiyo cadaab,

xaabo loo hurine!!

(49) Adigoo an xoog waarayiyo,

xeelad lagu siinnin

Adigoo xaddidanoo cimrigu,

kuu xasili doonin

Adigoo xabaalaha mardhow,

lagugu xooraayo

Xikmad laawihiiyow maxaa,

xumida kuu geeyey!!

(50) Rabbiyow xigaaladi luntoo,

xoore amarkii e

Rabbiyow xujada waw dhignaye,

xeer kalaw baxay e

Rabbiyow xizbiga Naarta bay,

kaa xigsanayaane

Rabbiyow xurmaba uma hayaan,

xukummadaadii e

(51) Rabbiyow xaniifkii muslima,

waw xaraar yahaye

Xagjir bay u bixiyaan midkii,

mara xaggaagii e

Rabbiyow xilmiga baad tustaye,

kaama xoog badine

Rabbiyow intii kugu xaqliyo,

xooji ehelkaaga

(aamiin)

Who is online

Visitors online – 9:
users – 0
guests – 9
bots – 0
The maximum number of visits was – 2018-11-10:
all visitors – 19369:
users – 5
guests – 19301
bots – 63

Follow us
RSS
Facebook
Google+
Twitter