www.towxiidka.com
  
  
Follow us
RSS
Facebook
Twitter

qaybta 2aad darsigii ahaa: Soomaali goormay Diintu soo gaartey?

Sida ummad walba oo deris la ahayd bulshadii muslimiinta, ee caalamiga ahayd, ugu qaybsamayeen qayb hijrootey, oo la falgaleysey bulsha weynta muslimiinta ah, bay dadkii loo aqoon jirey waagii hore “xabashida”, waxay u qaybsameen laba qaybood:

1-Qolo loo yiqiin “xabashida muslintay “, (مسلمي الحبشة), ama “zayliciyiin” (الزيلعيين).

2-Qolo loo yiqiin “xabashida nasaarada ah “,  (نصارى الحبشة), oo magicii “xabashidu” ku haray, maa daama ay boqortooyadoodii dhici wedey.

Qolada loo yiqiin “xabashida muslintay “, (مسلمي الحبشة), ama “zayliciyiintu“, waxay leeyihiin haddii bulsho ahaan loo qiimeeyo saddex heer:

(kan kowaad) waqti dadkoodu soo hijroon jirey, dalkooda asalka ahna dacwo ka socotey, waana waagii Nabiga (scw), ilaa iyo qarnigii afraad.  

(kan labaad) waa waqtigii ay ka talin jireen Yaman (412هـ ــ 554هـ). Qoladii
xukunka yaman kula diriri jirteyna, iyagaa laga jeclaa, sababtoo ah waxay ahaayeen sunniyiin, kuwa ka soo horjeedan cubeydiyiin.

Qoladii xukunkooda riddeyna, iyagaa laga jeclaa, sababtoo ah waxay ahaayeen sunniyiin, kuwa rideyna khawaarij.

(kan saddexaad) waa markay soo duuleen, baddana soo gudbeen, Zaylacna ka dhiseen dawladda, bilowgii qarniga toddobaad ee hijriga.

Raggii danbe ee wax ka qoray taariikhda muslimiinta, sida: ibnu Xawqal, ibnu Kathiir, Qalqashandi, Maqriizi, iyo ibnu Xajar al-casqalaani, waxay xusayaan in qarnigii toddobaad bilowgiisiiba, ay ka asaasmeen dhulka Zaylac iyo Jabarti, dawlad la yiraahdo dowladdii ifaat, iyo kuwa kale.

waxay xusaan dadkii bilaabay inay ahaayeen xabashi  Jabartiyiin reer Makka
ah, oo u tallaabay xagga Zaylac. waxay kaloo xusaaan, qarnigii toddobaad ilaa iyo qarnigii tobnaad, inuu xarbi ka dhexeeyey, xabashida Nasaarada ah, iyo xabashida muslimiinta ah, ama zayliciyiinta, oo saldhigoodu ahaan jirey inta badan Zaylac iyo agagaarkeeda.

Waxay kaloo xusaaan, xabashidaa muslimiinta ah jihaadka ay ku jireen, inay muslimiinta kale ku gacan siin jireen, iskuna xirraan jireen, dawladdii Mamaaliikta, oo fadhidey Masar, iyo salaadiintii reer Yaman.

Waxaa akhbaartaa sii ayidaya, Soomaalida badankood waxay sheegtaan, inay carab ka yimaadeen, carabna ahaan jireen. Laakiin waxayan ogeyn inay asalkoodii hore ka tageen dhulka xabashida loo yiqiin, waagii adduunku ku kala
soocmi jirey Diinta, oo ay ka mid noqdeen, caalamkii islaamka, oo ka koobnaa dad carab u dhashay, iyo dad caraboobey. 

Qofka hindiga ah,iyo faarisiga, ruumiga, turkiga, xabashiga, carabiga iyo ajnaasta kaleba, markay muslimaan waxaa dariiq u noqon jirey, inay Nabiga (scw), dhaqankiisa bartaan kuna daydaan, iyo af carabiga inay bartaan, si ay kitaabka iyo sunnada u fahmaan.

Sidaa darteed baa la ahaa, hal mujtamac oo leh hal caqiido iyo hal dhaqan. Waxaana la heli jirey dad aan asalkoodii hore carab ahayn, oo carabtu arday ugu tahay cilmiga diinta iyo luuqaddaba.

Reer galbeedku markay dadka barayaan taariikhda, waxay ka qariyaan:

1.In la soo maray saman laga gudbey, jinsi laysku kala sooco, iyo dhul la kala xirxirto, Islaamkuna ajnaastii kala fogaan jirtey isu keenay, iyagoo ku walaaloobey, kuna kala baxa wixii ay isku qabtaan kitaabka Allaah oo keliya.

2.In dadka Soomaalida ah, oo la oran jirey reer Zaylac, ama xabashida muslintay, ay ahaan jireen, dad la yiqiin oo ummadihii islaamku walaaleeyey ka mid ah, muslimiintana la qabi jirey dhib iyo dheef.

3.Waxay uga dhigaan Soomaalidu inay warmoog ka ahaayeen, taariikhdii horoo Islaamka, iyo sharaftuu lahaan jirey, wax qayb ahna ayan ka soo qaadan, keliya dad carbeed oo ganacsata ah, ama baxsad ah, inay Soomaalida bareen ashahaadada iyo salaadda iyo wixii soo raaca.

Arrintaana waa arrin qayb ka ah, qorshahooda dheer ee ay uga gaashaamanayaan, soo noqosho kale inay dhalato, oo dadku u soo noqdo Diintii awooweyaasha, oo intay ka bixiyeen, misana ka qanciyeen inayan weli ka bixin. 

2) Shaki kuma jiro inay Soomaalidu soo martay waqtiyo dheer, oo ayan haysan dawlad islaam ugu talisa. Sidoo kale waxaan shaki ku jirin, inay soo martay waqtiyo dheer, oo Diinta looga danbeeyey, wadaaddo aan caqiido fiicnayn, bal shirkigii weynaa, oo lidka tawxiidka ahaa, rumeeyey, dadkana ugu yeeri jirey.

Waqtiyadaa ay dadka badanki daba joogeen wadaaddada noocaa ah, waa la sheegaa dad tira yar, oo meela kala duwan, marmar
lagu tilmaami jirey, lana sheegay inuu u baxay, fahamka saxda ah ee tawxiidka
Diinta Islaamku ku dhisan tahay, siiba dhinaca fahmidda shirkiga caqiidada (شركُ الاعتقاد).