{qaybta 3aad darsigii ahaa: Sidee wax loo rumeeyaa, loona rumayn jirey?}
5) Diinta Islaamku waxay ku taagan tahay: “Rumaynta”, ama “Iimaanka”. Qof la ogaadey inuusan Iimaankiisu ansixin, islaamnimo uu muujiyey uma ansaxayso, kumana badbaadayo adduun iyo Aakhiro midna.
Waxaase adduunka lagu badbaadiyaa, mid muujiyey islaamnimo, iyadoo iimaankiisa qarsoon aan la ogeyn; inuu ansaxay iyo in kale.
Wax walboo ay Diintu fartay, in la rumeeyana, waa inuu qofku ka rumeeyo qalbiga, rumayn wadata hadalka carrabka, iyo ficilka xubnaha.
Qur’aanku wuxuu
caddeeyey, inay jiraan hadallo iyo ficillo, uu wato “Iimaanku”, daliilna u ah
jiritaankiisa. Wuxuu Rabbi yiri:
-“إِنَّمَا الْمُؤْمِنُونَ الَّذِينَإِذَا ذُكِرَ اللَّهُ وَجِلَتْ قُلُوبُهُمْ وَإِذَا تُلِيَتْ عَلَيْهِمْ آَيَاتُهُ زَادَتْهُمْ إِيمَانًا وَعَلَى رَبِّهِمْ يَتَوَكَّلُونَ. الَّذِينَ
يُقِيمُونَ الصَّلَاةَ وَمِمَّا رَزَقْنَاهُمْ يُنْفِقُونَ. أُولَئِكَ هُمُ الْمُؤْمِنُونَ حَقًّا” (الأنفال:2-4)
-“إِنَّمَا كَانَ قَوْلَ الْمُؤْمِنِينَ إِذَا دُعُوا إِلَى اللَّهِ وَرَسُولِهِ لِيَحْكُمَ بَيْنَهُمْ أَنْ يَقُولُوا سَمِعْنَا وَأَطَعْنَا وَأُولَئِكَ هُمُ الْمُفْلِحُونَ” (النُّور:51)
Waxayna culamadii salafku, isku raacsan yihiin: inuu Iimaanku yahay: “niyad qalbiga ah, iyo hadal carrabka ah, iyo ficil xubnaha ah”
قال الإمام الشافعي -رحمه الله- في كتاب “الأم”: “وكان الإجماع من الصحابة، والتابعين من بعدهم، ومن أدركناهم يقولون: “الإيمان قول وعمل ونية؛ لا يُجزىءُ واحدٌ من الثلاث إلا بالآخر”.
Oo ah: “wuxuu ahaa arrinka ay ku kulansanaayeen asxaabta iyo taabiciintii ka danbeysey, iyo intaan soo gaarney, inay oran jireen: “Iimaanku waa hadal iyo camal (ficil) iyo niyad; mid saddexdooda ka mid ahna waxba tari mayo; hadduusan kii kale wadan”
Tusaale:
“Allaah”inuu yahay: “boqorka runta ah ee caalamka” waa xaqiiqo la hubo, oo caqliga iyo cilmiga risaaladaba, laga helayo. Qofkii yiraahda: “xaqiiqadaa waa rumaysnahay ”, waxaa khasab ku ah, oo rumayntu ku bixinaysaa, laba arrimood:
(kow) inuusan ku hadlin weligi, hadal khilaafaya xaqiiqadaa, oo uusan aqoonsan, cid walboo sheeganaysa wax u jideynta, iyo ka talinta umuuraha dhulka iyo dadka, iyagoo aan u laabanayn sharciga boqorka runta ah oo halka ah.
(labo) inuusan falin weligi, falal khilaafaya xaqiiqadaa, oo uusan ka qaadan caqiidooyinka, sharciyada, iyo akhlaaqdaba, cid aan ahayn, boqorka runta ah oo halka ah.
Sidaa darteed: Qof hadduu sheegto, inuu “Allaah” keligi xaq u leeyahay, wax jideynta iyo ka talinta nolosha aadanaha, iyo in loo hoggaansamo, salaadda in la tukadana, ay xaq tahay.
Misana hadduu dhan kale qirayo, inuu dadku horumaray, oo ayan habboonayn, in lagu dhegganaado, kitaab dhawr iyo toban qarni ka hor, lagu dhaqmi jirey, oo uu neceb yahay, dadka Diinta ku dheggan, kana jecel yahay dadka leexday, ee xalaashaday dhaqanka gaalada. Qofkaa haddaan been Diinta laga sheegeyn, wuxuu ka mid yahay, kuwa aan Rabbi keligi rumayn. Hadduu rumayn Rabbi sheegtay, rumayn kaluu feer dhigay, oo hadalladeedii iyo ficilladeedii wadata.
Waxa lagu badbaadayana ma aha, “Allaah rumee”, ee waxaa weeye, “Allaah keligi rumee”.
قال الله تعالى: “حتى تُؤمنُوا بالله وحدهُ” (الممتحنة:4)
Runta aan laga daba imaanayn waa sidaa. Waxaase jirta wadaaddada aan fahamsanayn, xiriirka dabiiciga ah, ee ka dhexeeya rumayntaiyo hadalka iyo ficilka, inay Diinta ka gelayaan gafaf waaweyn, iyagoo is leh waxbaad toosineysaan, ama qallooca u bareeraya, maslaxa adduun darteed.