Malaa’ikta:
1- malaa’igi Ilaaheenna bay, amarki raacaane
wixii lagu ogaa oo dhan bay, wada ebyaayaane
aadane sidii laguma arag, midaan addeeceyne
caasi kama imaanaayo oo, waa askar Ilaahe
2- iftiin baaba laga uumayoo, iilan mahayaane
adkaar bay illeyl iyo dharaar, ku ijtihaadaane
aadane acmaashiisa baa, laga adeejaa e
wixii lagu iqdaamtoo dhan bay, ururinaayaane
3- Anbiyada farriimaha Allaa, loogu aaminaye
inna kuma daraan ereyadii, loo akhriyo goore
“Jibriil” waad ogaateen inuu, ruux amiin yahaye
hadii loo idmana gaaladuu, asal jaraayaa e