Qaybta 2aad darsigii ahaa: Jidkee loo maraa toosinta dadka lumay ?
Tan kowaad:
Dadku markay shirki ay ku soo barbaareen ku jiraan, tawxiidka inay u guuraan, uma sahlana, musiibo timid bay moodayaan, waa isku bahaysanayaan ka hor taggiisa, dariiqii aabbayaal in lagu joogo bay isugu dardaarmayaan, sidii loo joojin lahaa dacwada socota, bay ka wada shaqaynayaan.
Qofkii tawxiidka ugu yeerayey, magacay ka dilayaan, ceebo uusan lahayn bay u
nisbaynayaan, hadday waagii hore oran jireen: “waa ninka dadka laga rabo”. Maanta waxay oranayaan: “waa doqonka cidda ku jira!!”. Waa waashay, mustaqbalkiisii buu ku cayaaray, markuu daalo buu idiin soo noqon doonaa, iyo wax la mid ah, bay ku sheekaynayaan.
Xaaladdaa markii la gaaro, kii jeclaan adduunyo ku jirtey, oo bulshada maal ama maamuus iyo darajo, iyo mustaqbal adduunyo ka filanayey, dib buu isaga noqonayaa hadduusan Rabbi sugin.
Qaar ceebtooda bay la dhuuntaan, qaarna waa ka sii daraan, oo diintii bay qalloocin ugu noqdaan, oo markhaati beena ka furaan, waxay yiraahdaan: “waagaan lumay….”, iyo “waagaan simbiririxday…”, iyo “waagaan khawaarijta noqday…..”, iwm.
Tan labaad:
Maamullada siyaasadeed kuwa ummadda u haya, ma fiirshaan runnimada tawxiidka la caddaynayo, ee waxay dacwada socota ka urinayaan, is beddel siyaasadeed oo ka luminaya maqaamka ay sida dhibta badan ku soo gaareen. Taa baa weligeed ku bixin jirtey, madaxda siyaasadeed inay xaqa hor istaagaan, intaan dadweynuhu qaylinna ay qayliyaan.
-“وَقَالَ فِرْعَوْنُ ذَرُونِي أَقْتُلْ مُوسَى وَلْيَدْعُ رَبَّهُ إِنِّي أَخَافُ أَنْ يُبَدِّلَ دِينَكُمْ أَوْ أَنْ يُظْهِرَ فِي الْأَرْضِ الْفَسَادَ” (غافر:26)
-“قَالُوا أَجِئْتَنَا لِتَلْفِتَنَا عَمَّا وَجَدْنَا عَلَيْهِ آَبَاءَنَا وَتَكُونَ لَكُمَا الْكِبْرِيَاءُ فِي الْأَرْضِ وَمَا نَحْنُ لَكُمَا
بِمُؤْمِنِينَ” (يونس:78)
Reer Qureysh waa kuwii Nabiga (scw), ku lahaa: “waxakan haddaad boqornimo ku doonaysid, waa ku boqraynaaye naga jooji ”.
Dadka lunsan ma yaqaanniin qiima ka sarreeya, boqor la noqdo, iyo maal adduun oo la urursado. Ma gartaan inay jirto “Janno” kii galaa ku waarayo, kana fiican yahay boqorrada adduunka. Jannadaa oo raadinteedu keensanayso, inaan dadaal lala harin, si heliddeeda loogu guulaysto.
Ma gartaan inay jirto Naar lagu waaro, oo lagu ciqaabayo intii awaamirta Allaah u hoggaansami weyda, naartaa oo ka carariddeedu keensanayso, inaan dadaal lala harin, si looga badbaado.
Markay indha beeleen bay moodeen, in la wada indha la’yahay, oo uusan jirin hal qof oo ay daacad ka tahay raadinta Jannada iyo ka cararidda Naarta. Sidaa bay Nabiyada ugu eedayn jireen inay u ordayaan, af ganbi siyaasadeed.
Cadawtooyada madaxdu u qaadaan dadka xaqa wada, waxaa ka dhasha caga juglayn, cabsi gelin, xabsi iyo dil. Markaa bay keentaa, in qaar u ekaan jirey, inay xaqa wax walba ka xigsanayaan, oo inay xaqa ku dhintaan ka dooranayaan, inay baadi u laabtaan,…. Kuwo sidaa la moodi jirey baa dib u laabta.
3) dad badan baa dunida geesaheeda maanta sheeganaya inay wadaan dacwa Islaam, qolo walbana tan kale jidkeedaa la qaldan, markaa bay dad badani ku wareeraan.
-Kuwo waxay yiraahdaan: shirkiga weyn iyo bidcada baan ka digeynaa, dadka shirkiga falayana ka go’i mayno. (shirki weyn oo kii falayeyna muslin yahay, Diin xaq ah ma ahan, ee waa caqiido bidca ah.)
-Kuwo waxay yiraahdaan: shirkiga weyn iyo bidcada, jihaad iyo dagaal baan uga saaraynaa, iyagoo muslimiin noo ah. (shirki weyn oo kii falayeyna muslin yahay, Diin xaq ah ma ahan, ee waa caqiido bidca ah. Muslimiin dad la yiri, oo sidii gaalada loo laynayana waa baadi aan islaamka ka mid ahayn.)
-Kuwo waxay yiraahdaan: xagga xukunka siyaasadeed baan yool ka dhiganaynaa, dadkana wanaag iyo wax tar baan u muujinaynaa. (kuwaa ummadda lunsan waa la hanuunsan tahay, sidaa bayan u garan karin, waddo lagu toosiyo.)
-Kuwo waxay yiraahdaan: wax soo saarka maaddiga, iyo ikhtiraacaadka waa in lagu dadaalo, si aan cadawga ula simanno. (kuwaa ma oga in kufri caalamku ku walaaloobey, nabad ku wada noolaansho la wada saxiixay, ummad Diinteedii ka tanaasushey, horumar maaddi ah muxuu u kordhinayaa!!?)
-Kuwo waxay yiraahdaan: umadda waxaa daciifiyey xaddiista been abuurka ah, ee waa in shaqada kowaad noqoto, kala sifaynta xaddiista, si Diin saxan loogu ururo. (ummad qur’aankii ka tanaasushey, xaddiis loo sifeeyey wax maw kordhinayaa!!?)
-Kuwo waxay yiraahdaan: waa in adkaarta iyo cibaadeysiga keliya xoogga la saaro, baab walboo khilaaf keenayana laga leexdo, lagana aamuso, tawxiidba ha ahaadee. (adkaar shirki dhexdi lagu akhrinayo ma layska aqbalayaa!!?)
-Kuwo waxay yiraahdaan: xaddiistoo dhanba waa in layska daayo, oo qur’aan keliya la raaco. (qof xaddiista diidey ma noqon karaa mid qur’aan raacsan!!?)
Wadaaddadu iyagoo sidaa isu khilaafsan, bay misana ka wada lunsan yihiin jidka loo maro toosinta dadka lumay!!.
Arrinta ah garashada dariiqa ugu toosan, ee loo maro toosinta dadka lumay, waxaa asaas u ah jawaabta laba su’aal oo ah:
–Maxaa dadka laga daaweynayaa?
–Sidee looga daaweynayaa?
Badankoodna waxay gafeen jawaabta su’aasha hore, oo maba ayan garan cudurka ummadda haya, oo daaweynta u baahan. Takhtar cudurkii garanwaayey daawadana ma garto, qof dayoobeyna ma toosin karo qof dayoobey.
Inta garatay jawaabta su’aasha hore, oo tiri ummaddu shirkigii weynaa bay jideysteen, kitaabkii xaqa ahaana kitaabbay ka soka marsadeen. Waxaa laga rabaa inay is weydiiyaan:
1.Ma u madax bannaan nahay, oo waddadaan doonno miyaan dadka uga saari karnaa shirkiga weyn, mise waddaa jirta lagu khasban yahay mariddeeda?.
2.Hadday waddo jirto ma laysaga deyn karaa, waa khatar badan tahay?. Ma laysaga deyn karaa dadkaan nagu soo raacayn?.
Waxaan filayaa haddii xoogaa “miyyir” ah, layska raadin lahaa, oo si daacadnimo ah wax loo fiirin lahaa, in wax kala caddaan lahaayeen. Wax walbana Allaah idinki bay ku yimaadaan.
(والله يهدي من يشاء إلى صراط مستقيم)