Hoyga Barashada Tawxiidka

www.towxiidka.com

  
  
  
Get Adobe Flash player

Dadka booqanaya webka

We have 17 guests and no members online

(1) Diinta iyo siyaasaddu, ma is diiddan yihiin?

1) siyaasaddu sida casrigaan loo yaqaan: waa aqoonta khusaysa; hoggaaminta bulshada, iyo cilaaqada u dhexaysa; awoodda talinaysa; iyo shacabka loo talinayo, iyo qaabka ay awoodda u qaybsanayaan; taliyahana loo dooranayo, iyo wixii arrimahaa la xiriira. …. Sii akhri


(2) Diintu ma jinsiyadbaa?

1)- Diintu ma jinsiyad baa, mise waa mabaadi’ la rumaynayo?

Dad badan baa arrintaa garashadeeda ka lunsan, waase garan lahaayeene, fiiro iyo fakar baan la waafajin.

Waxay moodayaan, inay Diintu tahay, sida jinsiyad lagu dhasho, oo …. Sii akhri


(3) Diintu ma xaqiiqa jirtaa, mise waa dad caadadi?

1)-Dad baa waxay Diinta Islaamka moodeen, caado iyo dhaqan ay leeyihiin ummadaha qaarkood. Sida la og yahayna caadooyinka iyo dhaqammadu waa is beddelaan, waayo dadku waa maslaxa raac, oo hadba waxay dan moodaan, bay xaggiisa u bataan, oo caadaystaan. …. Sii akhri


(4) Diintu ma iyadaa baahan, mise waa loo baahan yahay?

1) Diinta ha la soo galo, waxaa loola jeedaa: Rabbi u hoggaansankiisa, ha la soo galo, isaga keliyana ha la isu dhiibo. Taana waa yeerid, uu “Allaah” iyaga ugu turayo, uguna naxariisanayo.

Isagu mar walba waa ka hodon aadanaha, waana isugu mid, hadday  … sii akhri


(5) Diintu danaha dadka ma ka hor timaaddaa?

Diintu iyadaa danaha dadka wadda, dadkaase garan waaya marar badan, waxa danta u ah:

1)    dadku markay aalad ku cusub helaan, waxa u horreeya, oo ay gartaan waxaa weeye, in la akhriyo warqadda caddaynta ah, ee la socota aaladda, si ay u gartaan: ujeeddada loo sameeyey, waxtarkeeda, qaabka. … sii akhri


(6) Diintu ma hal si baa, mise waa siyaala badan tahay?

1) Diintu waa hal si waana:

·  Hal boqor oo ah, weynaha kawnka oo uu dadku ka mid yahay iska leh, oo xukunkiisa oo aan kala reebid lahayn la raaco, cid kalena aan laga xukun qaadan.  …. Sii akhri


(7) Diintu ma sidii la moodaa?

1) Diintu waa sida ay tahay, mana aha qof walba siduu u qaato, ama moodo. Maluhuna sidiisaba runta waxba kama beddeli karo. Dadkana inta male keliya ku socota; baa ka badan; inta runta ku socota:  …. Sii akhri


(8) Dagaal Diin ma noqon karaa?

1)- Adduunka laba dacwo (دعوة), baa ka jirta sida uu Allaah inoo sheegay:

Tan hore:

Waa yeerid xaq ah, oo uu Allaah addoommadiisa ugu yeerayo inay keligi u hoggaansamaan, si ay adduun iyo Aakhiro ugu badbaadaan, kuwa ajiibana waa xizbigii Allaah.  …. Sii akhri


(9) Diinta wax ma laga beddeli karaa?

1)- wixii inta wax fiican la moodo dib laga ogaado, inay meeli xun tahay, ama wada xun yahay, baa la yiraahdaa: “meeshaa ha la beddelo”, ama “isagoo dhan ha la wada beddelo”.

Ama wixii la is yiri, waa wax fiican oo fudud, markay dib ka cuslaadaan, oo la kari waayo, baa la yiraahdaa: “wax sidiisa u fiican kana fudud ha la raadiyo”.... Sii akhri

Copyright © 2013. All Rights Reserved. www.towxiidka.com