1- Iimaan waa awoodaha Alloo, la ictiraafaa e
Isu dhiibid weeyiyo inaad, amarki raacdaa e
Aadane wax loo uumay waa, inay islaamaan e
Istiqaama mooyee wax kale, kuma abbaarrayne
2- Aadane itaal yarida waa, lagu abuuraa e
awood aan Ilaah siinahayn, lagama eegeyne
irsaaq loo abuuraayo buu, ku intifaacaa e
haddii uu addoon yahay muxuu, amar u diidaa e
3- afna ma aha Iimaanku iyo, erey la sheegaa e
aqoon uurka taalliy acmaal, ururta weeyaane
afkuna waa ayidiyoo waxaad, aamintaad orane
saddexdaa markaad ebido buu, kuu ansaxayaa e
4- Ibliiskaba oraah uu ka tegey, laguma eedeyn e
ashahaadayoo, aakhirana, waa ogaan jirey e
waxse eel qabsaday waa markuu, diidey amarkii e
isla weynidii baa hoddiyo, asal ku faankii e”
5- Rabbi amarradiisiyo adoo, aayadaha diidi
Iimaanka aad sheegataa, waa af iyo beene
Waa ammaanidii reer Yahuud, ku ibtiloobeene
Is ilaali abidkaa intii, iilataa badane
6- Islaamnimana waa erey ku bari, laba umuuroode
mar iimaanka weeyoo waxbaan, haatan kaa iri e
addin iyo af iyo waa adoo, uur hoggaansama e
amarrada Ilaaheen farood, wada addeecdaa e
7- marna waa astaan aan la dilin, axadki muujaa e
Hadduu uurku gaal yahayna uu, kaa ammaan heli e
waa ereyga towxiidka oon, wadan Ishraaggii e
inqiyaad la daahirinayoon, amar la diideyne
8- “laa Ilaaha illa laahu” waa, asalka tawxiide
haddii ay ikhlaas wadato bay, ku anfacaysaa e
shirki looga iilanahayiyo, eheladiisii e
haddii kale oraah weeye aan, uurka kaa jirin e
9- Ashahaado aan wadan ikhlaas, ma aha iimaane
Mar hadduu ishraak jiro waxaa, lumi oraahdii e
Waa eber acmaashuu faloo, ma ansaxaayaane e
Inna kuuma reeboo shirkigu, waa abaar kulule