(1) “Iimaan” maxaa looga jeedaa?
1) “Iimaan” ama (الإيمان), waa erey carabi ah, macnihiisuna luuqad ahaan waa: “rumaynta”, ama: (التصديق).
Oo ah: “wax laysu sheegay oo la qiro inuu run yahay”. ama: “run u qaadasho”.
Qur’aanka waxaa ku soo arooray: (وما أنتَ بمُؤمنٍ لنا)
Oo ah: “naga rumaysan maysid”
Wuxuu ka yimid ficilka(falka): (آمنَ يُؤمِنُ إيماناً), oo ah:
(waa u rumeeyey- waa u rumaynayaa- rumayn )
Hadaba ereyga (rumayn): “waa ogaal iyo qirid la qiro, runnimada khabar laysu sheegay”. Waa: “runsasho ama rumaysasho”.
Wuxuu ku yiri Al-azhari kitaabkiisa: (تهذيب اللغة)
“وأما «الإيمان» فهو مصدر: آمن يُؤمن إيماناً؛ فهو مُؤمن.
واتفق أهل العلم من اللُّغويين وغيرهم أن «الإيمان» معناه: التَّصْديق”- اهـ –
Oo ah: “ereyga (Iimaan) wuxuu ka soo fuley ficilka:
(آمنَ يُؤمِنُ إيماناً), oo ah:
(waa u rumeeyey- waa u rumaynayaa- rumayn ) Qofkuna waa: “rumeeye” (مُؤمن), waxayna isku wada waafaqeen ehelka cilmigu, kuwa luuqadda yaqaan, iyo kuwa kaleba inuu ereyga (Iimaan) macnahiisu yahay: “rumayn” (التصديق).”
……….
2)- Iyadoo ereygu gaarayo -luuqad ahaan- wax walboo la rumaysto, buu qur’aanku u adeegsadey, rumayn gaar ah. Taasoo ahayd: “khabarkii rusushu sheegeen; oo la rumaysto, lana qiro inuu xaq yahay”.
Kuwa cilmigii Nabiydu keeneen rumeeyey, sharcigu wuxuu u bixiyey: (mu’min – mu’miniin), (مؤمن – مؤمنين), oo ah: (rumeeye – rumeeyeyaal).