| 1 | Alxamdu lillaahi iimaanku waa | hibo ilaahay e |
| 2 | Asala kaaga iman maayo iyo | dhaxal awoowaade |
| 3 | Ehelaan ku siinaynin iyo | aabbe iyo wiil e |
| 4 | ixsaan laguma soo helahayiyo | iibsashiyo beec e |
| 5 | awood laguma soo leexsadiyo | ururro waaweyn e |
| 6 | ikhtiyaarku idinkii alluu | ku imanaayaa e |
| 7 | isagaa na uumoo ogsoon | kii istaahila e |
| 8 | intuu uurka hooyadi jiraa | la aktubaayaa e |
| 9 | dibna amarradiyo aayaddaa | lagu ilhaanshaa e |
| 10 | istiqaamo kama tago intuu | abidki joogaa e |
| 11 | Ayidaad ilaah baa jirtoo | lagu adkeeyaa e |
| 12 | Insigiyo jinniga iishaybaa | laga ilaashaa e |
| 13 | Ibliis baa ku daalaaya iyo | ururradiisii e |
| 14 | Waa udub an liic liicin iyo | buur adayg badane |
| 15 | Waxa uu iftiinsanahayaa | addillo waa wayne |
| 16 | Ifkigiyo shubhada aywadaan | waa arkahayaa e |
| 17 | Afkaar gaalo uma dhuumatiyo | ereyo shaydaan e |
| 18 | Akbarkii shirkiga lama tusiyo | eheladiisii e |
| 19 | Uduufadi habowdiyo ma galo | aragtidoodii e |
| 20 | Ibtidaaca idilkiiba waa | ku inkiraayaa e |
| 21 | alle weeye owliyadiyo | eheladiisii e |
| 22 | aayaddiyo isagaa aqbalay | amarradiisii e |
| 23 | allow iga dhig iimaan nin lihi | waa aflaxayaa e |
| 24 | allow iga dhig kama aamin ihi | ololka naareede |
| 25 | iimaanka adigaa baxshoo | Uunku kaa sugin e |
| 26 | aadane ma qaybsheen hadii | laga adeejaa e |
| 27 | eexashada ma daayiyo kanaa | ina adeerkay e |
| 28 | awood li’ida laga yeelay waa | mahad ilaahay e |
| 29 | oraahdeeda maansada marbaa | la isticmaalaa e |
| 30 | hadii aad ilaahay dartii | ugu hadlaysaa e |
| 31 | haddii aad acdaa’diisa badan | ku afxiraysaa e |
| 32 | adoon ka inxirafayn cilmiga | addilladiisii e |
| 33 | “xassaan” baa aqoontiisa gabay | lagu ogsoonaa e |
| 34 | “ina Maalik” baa laga arkiyo | ina Rawaaxeeda |
| 35 | asxaab weeye iimaan leh iyo | niman ansaareed e |
| 36 | iyagoo ag joogay “Rasuul” | aad u tiriyeen e |
| 37 | asaaliibta gabayada ninkii | aada ma aheyn e |
| 38 | maantana ilaahbaa qadarey | inaan iraahdaa e |
| 39 | rag aan aayad garanaynin baa | oriyey mooyaan e |
| 40 | waqtigayga kuma iibiyeen | ereyadiisii e |
| 41 | inamada na eedaynayoo | na afxumaynaaya |
| 42 | iyagoon aqoon noolahayn | nagu abyoonaaya |
| 43 | oo aamus laga waayaybaan | ku abhinaayaa e |
| 44 | islaam nimana wow sheegi | arrimo diineed e |
| 45 | Waxaan uur ku hayn waayey baan | u aqrinaayaa e |
| 46 | Rabbi waa awoodaa inay | ku intifaacaan e |
| 47 | Indhihii daboolnaana ay | arag ku yeeshaan e |
| 48 | Islaamkiyo u soo wada noqdaan | addiladiisii e |
| 49 | Iimaan af maahiyo inaad | erey tiraahdaa e |
| 50 | Uurkuu ku yaal oo xubnaa | laga arkaayaa e |
| 51 | Afkaaguna wixii uurka jira | buu if bixiyaa e |
| 52 | Saddexdaa ninkaan urursanayn | malaha iimaan e |
| 53 | Ibliiskuba ma diideyn inuu | erey yiraahdaa e |
| 54 | Aakhiriyo Ilaah waaxidaba | waa ogaan jiraye |
| 55 | Waxse eel qabsaday waa markuu | diiday amarkii e |
| 56 | Isla weynidii baa hodiyo | asal ku faankii e |
| 57 | laa ilaaha illa laahu waa | asalka towxiide |
| 58 | hadii ay ikhlaas wadato bay | ku anfacaysaa e |
| 59 | shirki looga soo ururayiyo | eheladiisii e |
| 60 | hadii kale oraah weeye aan | uurka kaa jirin e |
| 61 | Ashahaado aan wadan ikhlaas | ma aha iimaane |
| 62 | Mar haduu ishraak jiro waxaa | lumay oraahdii e |
| 63 | Wixii aad acmaal suubisuu | eber ka yeelaa e |
| 64 | Iska jira dabinkuu ibliis | aasay waysaga e |
| 65 | Rabbi amarradiisiyo adoo | aayadaha diidi |
| 66 | Islaamnimada aad sheegataa | waa af iyo beene |
| 67 | Waa amaanidii reer yahuud | ku ibtiloobeene |
| 68 | Waxba yaan “irjaa” lagugu sirin | yimid iftiinkii e |
| 69 | laba bay anwaacdiisu tahay | aadanoo idil e |
| 70 | ashqiyiyo wax lookala duwaa | ehelu khayrkii e |
| 71 | jannadii udgooneyd inbaa | abid ku noolaan e |
| 72 | inta kale cadaab ololi baa | lagu illaawaa e |
| 73 | Aadane ashqiyo wow batuu | yiri Ilaaheene |
| 74 | alfigiiba axad baa janada | laga aroorshaa e |
| 75 | In yaroo islaamtoo xujada | aragtay mooyaane |
| 76 | Ha adeecin buu yiri intii | iilataa badane |
| 77 | “Sumar” iyo “ancaam” iyo “axqaaf” | Ururshe tawxiide |
| 78 | Akhbaaraha “acraaf” iyo ku yaal | aayadaha“Huudba |
| 79 | “Anbiyiyo” “Ikhlaas” iyo intii | ururka xaamiima |
| 80 | Waddaday “Israa” iyo “furqaan” | nagu abbaareene |
| 81 | Albaqriyo” aqoontiyo cilmiga | Aaddan lagu sheegay |
| 82 | “Annisiyo” axkaamtii ku tiil | aayadaha |
| 83 | Jihaadkii “Anfaal” lagu amriyo | “aalcimriyo”“Towba” |
| 84 | Awalkiyo haddaad aayadaha | Aakhirkaba eegto |
| 85 | Istiqaama mooyee wax kale | nama amraayaane |
| 86 | Shirki iyo waxay naga eryeen | eheladiisii e |
| 87 | Xujadaa ebyoonaatey iyo | aayadaha muuqday |
| 88 | Sida loo inkiray buu ninkii | ogiba yaabaa e |
Suufiya aqoon yaridi bay la inxiraafeene
90) Ictiqaad xun baw baxay markay asalki tuureene
91) Anwaacdii shirkiga oo dhan bay aaminahayaane
92) Odayey ilaaheynayaan Owliyiyo shiikhe
93) Addoon suubban “Jeylaani” waa loo aqoon jiray e
94) Shirki laguma eedeynin iyo iilashiyo ceebe
95) Islaam iyo wuxuu uunka baray aayad iyo diine
96) Maantana “Ilaah” oo kalaa qaar ka aaminay e
97) Qabrigii Awees dheere baa la ictikaafaa e
98) Uluuf iyo uluuf buu nafluhu ku ururaayaa e
99) afaaciil ilaah necebyahay ku ag sameeyaane
100) Owlaad iyo wax laga dhowrayaa ariyo geelii e
101)
Barkhadlaa umuuraha culcul loo
irkanayaa e
102)
“Heemaa” la aga yuururaa odaga
Baar dheere
103)
“Ina Faarax aw- jabarti”
iyo “Ooyaayiyo
Nuure”
104)
”Ow-Cismaanna”waa imanayaan ururka
sheydaane
105)
Arligeeni Awthaanti bay Aad
u badiyeene
106)
Iyagiyo asnaamtii “Qureysh” Waa
isku axkaam e
107)
Allow suuli amarkaagi bay ku
iftiroodeene
108)
Allahayow rag iimaan lehoo adag
u soo aadii
110)
“Barzakh” lagu albaabaa
jiroon axadna dhafeyne
111)
Ergo kuma maqnee aakhiray u
intiqaaleene
112)
Arwaaxdoodi waa lala tegoo oogadii
maqan e.
113)
Rabbigii
iyaga uumay bay u intahoodeene
114)
Abaalkay lahaayeenna waa wada
arkaayaane
115)
Waxay ku istareexeen
jannada udugga weyneyde
116)
Ama ololka naareed ayey ku
indha beeleene
117)
Idinkaa is daalinahayee Arrimihiin
mooge
118)
Hadii ay itaal leeyihiin iil
ma geliyeene
119)
Aboor kuma idleysteen
qabriga owdan gudihiisa
121)
Ninka eheladiisii gaboo iilka
yara jiifa
122)
Kan adduunyo weydiinhayaa amar
xun haystaa e
123)
Awoowow hadaad leedihiyo owliyooy
kaca e
126)
Inaad uunka akhiro wacdaa waa
islaam li’iye
127)
Axkaamtii adduunkiyo ka
tage arrimihiisii e
128)
Sidee kuu ajiibaa hadaan ereyba
gaadheynin
129)
Ilaahii iyaga uumay baa oofsadoo
dilaye
130)
Irzaaqdii addoonkiisa waa kii
ogaan jiraye
131)
Aadane muxuu ii taraa aakhiro
u guray
132)
Afkaartii maxaa rogay
caqliga aragtidiisii e
133)
Suufiya axwaasheedu waa aafo
iyo ceebe
134)
Iimaan haduu jiro sidaa uma
ekaadeene
135)
Adillada ma dideen cilmiga loo
akhrinayaa e
136)
Bal maxay Islaam ula bexeen
weys arka hayaane
137)
Iska jira ilaahnimadi bay Axad
u diideene
138)
Iska jira waxay uunka geyn ololka
naareede
139)
Iska jira shayaadiin insigu waa
anfaca done
140)
Iska jira askartii ibliis ururshey
weeyaane
141)
Dawladihii Islaam sheegan
jiray waanu aragnaa e
142)
afka dhaafi waa ereyadey ku
andacoodeene
143)
Kufri baa aqoon looga
dhigay la ictiqaadaa e
144)
Ujeedooyin kooduna ma aha inay
islaamaane
145)
Astaan weeye aan agab
lahayn umuradoodii e
146)
Aqoon laaweyaal aan talada aaddan
garanayne
147)
Waa niman qalbigu owdmey
oon aayad galaheyne
148)
Iyagoo indhaha beeley bay amagsanaayaane
149)
Sharcigii abbaaraa ayay aga
maraayaan
150)
Ilaah ay adeecaan ma jiro Orobbo
mooyaane
151)
Ilbaxnimo waxay moodayaan waa
indha la’aane
152)
Afkaar weeye gaal ururshay
iyo tala ibliisaade
153)
Dad
baa umaro moodaaya iyo odayo waaweyne
154)
Waa wada adoon jilicsan iyo
ey rabbaayada
155)
Istiqlaal maloo odhan
mayaan sida abbaareyde
156)
Orgi geesalaa dhaama iyo owrka
reeraha e
157)
Iyagoo Ilaahood nacay gaal u ololaane
158)
Ehelkii nasaaroobay baa aaminoo
raba e
159)
Iyagow akhriyey qurunka ay nagu
afuufeene
160)
Illayl iyo dharaar bay baraan
aragti shaydaane
161)
Askar weeye amarkooda bay aad
u sugayaane
162)
Halkii loo ishaaray durbaba orod
ku gaadhaane
163)
Islaamkiyo waxaa lagu diraa
eheladiisii e
164)
Ifki kama xishooodaan Inay been
unkahayaane
165)
Iimaan haduu jiro sidaa uma
ekaadeene
166)
Amarkiyo axkaamtii Ilaah kama
ilduufeene
167)
Cilmi uma aqoodeen kufriga aragtidiisii
e
168)
Bal maxay Islaam ula baxeen ways
arkahayaane
169)
Arlo gaalo iimaan nin lihi kuma
adkeysteene
170)
Ikhtiyaar ma yeeshoo hijraa
la’is amraayaa e
171)
Meeshii Islaam jiro inuu aado
bay tahaye
172)
Haday afar yihiin waa inuu shan
ku ahaadaa e
173)
Iyaguna uluuf iyo uluuf bay
ku urureene
174)
Kuwii naarta loo uumay bay aga
wareegaane
175)
Waxaa loo adeegaa kuwii aayaddii
nacaye
176)
Irzaaq iyo wax laga
dhowrayaa Amarki maalmeede
177)
Ubadkii lunshoo waxay
bareen aragti gaaleede
178)
Fidradii illowsiiye iyo iraddi
towxiide
179)
Iyagoo arkaayaa kufrigu ababinaayaa
e
180)
Daayeerro baa edeb bariyo uubatiyo
yey e
181)
Iimaan haduu jiro sidaa uma
ekaadeene
182)
Indho looma taageen kufriga
aqalladiisii e
183)
Bal maxay la aadaamayaan aayaddii
nece e
184)
Bal maxay Islaam ula
baxeen ways arka hayaane
185)
Haday dumar islaamnimo
rabaan ways asturayaane
186)
Oogadooda oo idilna waa owdanahayane
187)
Jalaabiibtu waa amar Alliyo Aayad
iyo diine
188)
“Axzaab” iyo waxay noogu
taal aayadaha “nuur” e
189)
Akhlaaq waajibaysaa jirtiyo aqal
la joogaa e
190)
Aamuskiyo waxaa lagu
yaqaan, erey yaraantii e
191)
Afxumiyo ajnabi lala hadlay ka
istixyoodaane
192)
Ehelkana waxaan edeb
ahayn, lama ay aadaane
194)
Adkaartey badshaan oo
cilmay urursanayaane
195)
aakhirkisa leylkay salaad ula
istaagaane
196)
Ilqabowsi weeyee Allow badi
anwaacdooda
197)
Maantana adduun weys
beddeley arrimihiisii e
198)
Dumar aan Ilaah iyo aqoon aayad
baa yimide
199)
Af guduudan, ooga qaawanoo aan
indhaha laaban
200)
Illayl iyo dharaar bay
sidii niman ordaayaane
201)
Orobbada indhaha beeshay
bay isku ekeeyeene
202)
Ilbaxnimo waxay moodayaan edeb
xumaantii e
203)
aqalkii lunshoo ubadki waa kala
irdhoobeene
204)
Jirri iyo waxay ababiyeen Ubadki
waallaa e
205)
Iimaan haduu jiro sidaa uma
ekaadeene
206)
Arrad aan ilaahoodu badin kuma
abaadeene
207)
Afka nooma buureen markii aayad
loo dhigo e
208)
Bal maxay Islaam ula baxeen weys
arkahayaane
209)
wadaaddadi aqoon iyo
labiday aragti dheeraada
210)
inta badan abbaartii gafoo seege
amarkii e
211)
mar horay ammaanadi
lunsheen lagu ogsoonaa e
212)
axdigii ilaahood la galay oofin
mahayaan e
213)
runta kama abbaarraan
markay arrini joogtaa e
214)
aayaduhu siday oranayeen kuma
iftoodaan e
215)
inbay muujiyaanoo inbay kaa
asturayaan e
216)
axbaartii yahuudowdey bay dhaqan
ekaadeen e
217)
ishraagiyo ifsaadkii jiray ka
indho laabteene
218)
oraahbaa islaam lagu ahaan bay
aqrinayaane
219)
kuwii Naarta aadaayey bay sii
anbinayaae
220)
jano bay ansixiyeen inay aakhir
gelayaane
221)
irjaa bay islaam uga
dhigeen asalladiisii e
222)
aqwaashii “Karraamiyadi”
bay sii ilbixiyeen e
223)
“Jaham” kii inkaarraan
jiray aragti raaceen e
224)
afkaar aan hor loo aragna
waa soo ifbixiyeen e
225)
anbiyada ilaaheen diroo aayadaha
siiyay
226)
koodii ishraag fala
“Jannada” lama ag geeyeen e
227)
“Sumar” iyo “ Ancaam”baa
dhigoo la aqrinaayaa e
228)
maxaa loo inkiri waa quraan ereyadiisii
e
229)
ujeedooyinkood waa adduun inay
ku aayaan e
230)
orod bay waxay ugu jiraan ururintiisii
e
231)
ahdaaftoodi baa gaabatoo iishe
nimankii e
232)
owlaad iyo wax lagu
faanayaa aqallo waaweyn e
233)
eygii “acraaf” lagu matalay aad
usoo baday e
234)
adduun lagama oon beelayee wow
aqoon xumo e
235)
adoo u ijtihaadaaya bay go’i
arwaaxdii e
236)
imtixaanna waa imanayaa olol
cadaabeed e
237)
ninka gaalo ehelsanahayoo ka
agdhawaanaaya
238)
oo ururka towxiidka wada xumi
la aadaaya
239)
afka kula dagaallamahayiyo addimadiisiiba
240)
islaamnimada uu sheegayaa aabi
sow ma aha?
241)
umaddaa ilaaheenna weyn diiddey
amarkiisa
242)
inta orobbo raacdiyo intaa owliyada
tuugi
243)
afka waa kawada sheegayaan inay
islaameene
244)
shirkigana inay aamineen waa
ogsoonnahaye
245)
ashahaado aan wadan ikhlaas waa
aqrinayaane
246)
kufri iyo islaamnimadi bay ururinaayaan
e
247)
ishraag iyo acmaal saalixay wada
adkeeyaan e
248)
maxabbada ilaah iyo ibliis waa
ka aragnaa e
249)
mana oga in iimaanku yahay udubka
towxiid e
250)
mana oga ikhlaaskii inay eber
ka joogaane
251)
mana oga acdaadii ilaah inay
ahaadeene
252)
mana oga inay ehel noqdeen ururki
shaydaane
253)
mar haday axwaashoodu tahay amar
la diidaayo
254)
diintiina laga iishayoo laga
ugaaroobay
255)
odayadu oraahday dheheen la
ixtiraamaayo
256)
iimaan ka guuree miyay erey
ku liibaani?
257)
milladii ibraahiim ka
tegey Saatan ma ahayne
258)
mushrik iyo midkii
ehelsadaa waa isku axkaam e
259)
aayadaa is raacsheye annagu ma
iftarooneyne
260)
Maa’ iddaan ku aragnaye
maxaa nalagu eedeeyay?
261)
aayaduhu addillo weeye oo ku ambin maayaane
262)
waxay noo ishaareen inaan beri’
ahaanaa e
263)
iyagiyo ishraaggey wadaan ka
agfogaa naa e
264)
aayaddaanu raacnaye maxaa nalagu
eedeeyay?
265)
odagii “Musaylama” markuu uunka
luminaayey
266)
anbiyada ilaah iyo waxyiga ku
iftiroonaayey
267)
Abuu Bakar afcaashuu
layimid waa ogsoonahaye
268)
ashahaadadoodiyo ma dhugan ereyadoodii
e
269)
khaalid oo amiiruu diriyo ururro
waa wayne
270)
askartiisu waa tay kufriga eber
ka yeeleene
271)
waa lagu ammaanaye
“Takfiir” kuma ahaaneyne
272)
asxaabtaanu raacnaye maxaa nalagu
eedeeyey?
273)
nimankii sakkada eeday oo aayadaha
diiday
274)
ashahaado waa qirahayeen inay
islaameene
275)
aadaan ma diideynin iyo amar
salaadeede
276)
Abuu Bakar oraahduu ka yiri waa
tan la ogaaye
277)
afka kama u eegeynin iyo erey
la sheegaa e
278)
asaxaabadii buu kacshiyo ururradiisii
e
279)
axad uga ogaal badan
majirin arinka diineede
280)
waa lagu amaannaye
“Takfiir” kuma ahaaneyne
281)
Siddiiq baa iftoodaye maxaa nalagu
eedeeyey ?
282)
uswadeenni weeyee maxaa loola
amakaagay ?
283)
maxaa nalagu eersaday
hadaan raacnay amarkiisa ?
284)
iimaan Allaa bixin karee edebta maan dhowrno
285)
Saba’ iya akhbaarteeda waa la
aqrinaayaa e
286)
kuwii Cali ilaahaynayoo isu
adoomeeyey
287)
ashahaado waa qirahayeen inay
islaameene
288)
aadaan madiidaynin iyo amar
salaadeede
289)
markii uu inkiray waysagii oogta wayn shidaye
290)
ololbuu ku riday gaalo waa cadow
ilaaheene
291)
waa lagu amaanaye “takfiir” kuma
ahaanayne
292)
amiirkaa iftoodaye maxaa nalagu
eedeeyay ?
293)
waagii “tataar”ururay oo weerarka
ekeeyay
294)
aayadaha in bay diidayeen inay
adeecaane
295)
istikbaarka waa lagu ogaa umaradoodii
e
296)
afna waa ka sheeganahayeen inay
islaameene
297)
“ibnu taymiyaa” noo ahaa odaga
diineede
298)
ashahaadadoodiyo ma dhugan ereyadoodiiye
299)
iftaduu ka yiri waa midaan lagu
illaawayne
300)
ololaha dagaal aad uwayn buu
abaabulaye
301)
ururkii dagaallamahayuu awalka
taagnaa e
302)
unuunkay jareen waa kufaar buu
iftoon jiraye
303)
waa lagu amaanaye “takfiir” kuma
ahaanayne
304)
uswadeena weeye maxaa nalagu
eedeeyay?
305)
imaam Muxammad sida uu
ahaa waa ogsoonnahaye
306)
ishraaggii adduunkii
ba’shuu aad uweeraraye
307)
owthaanna eber buu ka
dhigay aqallo shaydaane
308)
addin iyo af buu kala
hortagey ururradoodii e
309)
islaambayna wada sheegayeen inay
ahaayeene
310)
shirkibuu arkaayee oraah kama
u eegeyne
311)
marna kama asmicin
ereyaday ku andacoodeene
312)
waa lagu amaanaye “takfiir” kuma
ahaanayne
313)
kashfiguu allifay haatan
baa la akhrinaayaa e
314)
eeg eega iftiroonmayee waa
ogsoonahaye
315)
imaamkaannu raacnaye maxaa nalagu
eedeeyey?
316)
runta waa abbaaraye maxaa loo
asmici waayey?
317)
acmaal gaalo lama eego iyo
Ereyadoodii e
318)
aasaas markii loo dhisuu Aqalku
joogaa e
319)
geedkuna ahaan waa
haddaan Xidid adkeyneyne
320)
asalki haduu go’o farcigu
Waa angagayaa e
321)
masjid
lalama aadiyo Salaad loo addimayaa e
322)
istiqfaarna loo diid
midkay Dhimasho eegtaa e
323)
illaahii abuuraa niciyo
anbiyadiisii e
324)
awalkii “bara,aa “ lagu
dhigaye arag daliilkeeda
325)
mumtaxina waxaa laga
aqriyay arrimo waaweyne
326)
haweentaan ilaaheed aqoon aaditaan
malehe
327)
ubad lalama yeelanahayiyo aqal
lajoogaa e
328)
geyaan kuu ahaan meyso iyo sowjad
aamina e
329)
waxse lays amraayaa inaad ku
ijtihaadaa e
330)
Rabbi aayaddiisiyo labaro amarradiisii
e
331)
aqbalkii hadii laga
la,yahay ood kasoo rogo,e
332)
albaabkaaga xiro waa Ibliis eheladiisii
e
333)
haweentii islaamtoo ilaah raacda
amarkiisa
334)
addoon weeye Rabbigeedna
waa inay addeecdaa e
335)
waa inay odaga reerka wada u
aqrinaysaa e
336)
iftiinkaa ubaxay waa inay arag
tiraahdaa e
337)
hadii uu inkiro oo islaam eegi
kari waayo
338)
aqal uma dhisnaanaayo iyo ubad
lahaystaa e
339)
adeeg uma banaaniyo inay oori
noqotaa e
340)
waa inay arlada waasaca ah aayad
barataa e
341)
islaax kama furree odagu
waa inuu islaamaa e
342)
istikbaar ibliis baa
kugalay olol cadaabeede
343)
maxay eed kuleedahay haday aayadaha
raacday?
344)
xaqqiibaa eryaayee maxaa loo
ayidi waayay ?
345)
aqal dumaya oday ciil
qabiyo ubad dhawaaqaaya
346)
imtixaan adduun gabadha waa ugu
fillaadaa e
347)
xaqse waa adkaadaa markuu uurka
kaa jiro e
348)
af markii u yahay waa
midaan sii ahaan Karin e
349)
Dabiixada axkaamteedu waa amarro
diineede
350)
Islaam iyo waxaa loo shardaa magac
ilaaheene
351)
Ehelkii kitaabada horaa la
istithnoodaa e
352)
Gaalada anwaacdeeda kale waa
isku axkaam e
353)
“wamaa uhila” ilaaheena
weyn isinki mooyaane
354)
afka haysku saarina wixii uu
ardaal qalo e
355)
mar haduu ilaah kale yaqaan
oonti waa qurun e
356)
adkaar tiisa lama eego iyo ereyadiisii
e
357)
Orobbana axqaaddii horaa aasan
waligeede
358) Waayo
laga adkaa baa jiroo ciil la ololeene
359) Utuntii
ma deyn ee haday aarsanahayaane
360)
Uurkaa huraayoo Islaam eegan
mahayaane
361)
Tuugada iftiinkaa dhiboo
uma adkeystaane
362)
Argagixiso mooyee wax
kale uma arkaayaane
363)
Taariikhday aqoon aan
yarayn ka akhrinaayaane
364)
Islaam runa addoon noqon
mayey aaminahayaane
365)
Inay orobbo suushey u
baqi ururka sheydaane
366)
Waayo bay waxay soo
arkeen arrimo waweyne
367)
Cumar iyo Abuu-Bakar
Siddiiq ururradii Khaalid
368)
Aabbaha Cubeydiyo ragguu bixiyey
iimaanku
369)
Eelkii qabsaday waayadey seeftu
ololeysey
370)
“Yarmuuk” iyo “Ijnaadeyn”
wixii meydad
urey yiillay
371)
Uluuf iyo uluuf buu u go’ay ururki
weynaa e
372)
Aakhiro rag doonaaya iyo aarar
baa helay e
373)
Argagaxa imbaradoorka helay uunku wada yaabye
374)
Urdun iyo Arligii khayrka
qabay orod
ku sii dhaafye
375)
Sida loo eryadey buu ninkii ogiba
yaabaa e
376)
Waa akhbaar markii ay
arkaan la il darraadaane
378)
Ifriiqiyiyo waa tii la
tegey arligi weynaa e
379)
aasaaska qiirwaan markii udubka
loo tagay
380)
Istikbaarka gaalada ayey ka
istareexeene
381)
Atlaantigga ayaantii
lategey, orobbo loo
guurye
382)
Akhbaartuu ka tegey
“Daariq”waa lama illaawaane
383)
Quruun
baa Andulus lagu xukumay aayad iyo diine
384)
Ardayday u soo diran jireen
aqalladeennii e
385)
Amiirkii salaax oo kaley abid
ka yaabaane
386)
Allaah ha u arxamo waa
Islaam inan rumaysnaa e
387)
Orobboo an kala harin markay
weerar ka ekeysay
388)
Waa kii ogeysiis Jihaad aaladda
u sidey
389)
Saliib bay u ololeynayeen inuu
adkaadaa e
390)
Ha yeeshee Islaamkaa kor
maray aayad iyo seefe
391)
Ururkii “Xudeyn” buu ku
jabay gaal abaabulay e
392)
Waa tay arliga buuxiyeen meydadkii
uray e
393)
“Quddus buu awood uga
furtiyo idin Ilaahiise
394)
Usaariyo addoomuu ka
dhigay orobbo waagaa e
395)
Inyar baa wax lagu iibin
jiray askarahoodii e
396)
Ingiriisku odaygay wateen eedyey
kibirkii e
397)
Aar libaax ahaan
waayeyoo Isinki beenowye
398)
Oogadaa gariirtaa layiri odaga
maantaa e
399)
Istillaab anfici weydeyiyo seddex
ilaahiisa
400)
Aayar inuu isaga, guuro baa la
ogolaysiiyey
401)
Eelkuu ku dhigay “Faatix”
waa lama illaawaane
402)
Istambuul awood uga
heliyo aayad iyo seefe
403)
Orobbada Bulqaan oo dhan
baa raacday amarkii
404)
“Owstarina” waa tii u tegey
ololeheennii e
405)
Awood iyo aqoon waayadaa naguma
aadeyne
406)
Akhbaar weeye goortey
arkaan la il darraadaane
407)
Ciil bay la ololaan markay abid
xusuustaane
408)
Waa ashraar axqaad raagtey
oo aasan kuu wada e
409)
Intay kaa rabaan waa adoo gaalka
aamina e
410)
Addoonkooda adigoo
noqdiyo eyga daba jooga
411)
Axkaamtooda adigoo bartoo aayaddii
naca e
412)
Adigoo umuuraha xarriman lagu
illowsiiyo
413)
Hadii ay intaa kaa helaan kuma
eryaayaane
414)
Ammaantaada bay
badinayaan goor iyo ayaane
415)
Adeerriyo waxay kuu ahaan ehelladaadii
e
416)
Afka bay ku siin iyo wuxuu uurku
kuu rabo e
417)
Asal raac hadaad noqoto iyo
aayaddiyo
diinta
418)
Argagixisadoodaa tihiyo wiil
irhaabiya e
419)
Waa ku wada
ugaarsanahayaan, ururka sheydaane
420)
waa ku wada unuun
goynayaan waa acdaa wuxu e
421)
Dad baa aaminaayoo u qaba ehelu
kheyrkii e
422)
Halkee orobbo loo mari
ayey uurka ku hayaane
423)
Ubadkii rag baa geeyey iyo aabbihii
dhalay e
425)
Ahdaafteyda kii
doonayow waa islaamnimo e
426)
Uswadeydu nabigii Alliyo waa
anbiyadii e
457)
Annagaan nin iimaan ka
lumay edeb ka dhowreyne
458)
Anbiyada afxumidii la yiri dhaaxa
la ogsoone
459)
Uswo kale hadaynaan lahayn iyaga
mooyaane
461)
Xizbigii Ilaaheennu waa ehelka
Towxiide
462)
Ninkii xumi la eegana hayaa iishay
oo lumay e
463)
Islaam baan u jiraheynin
iyo agab salaadeede
464)
Isagoon abaal u erganayn aakhiruu
imane
465)
Jaxiim ololi iyo waa la
geyn edeg ciriiryoone
466)
Istillaabta ehelkeeda bay isku
arkaayaane
467)
Fircown iyo Abuu-Jahallo
bay ollog wadaagaane
468)
Ibliis baa u wehel
yeelayiyo ururradiisii e
469)
Ummaddaan awoodeedu waa aayaddoo
qura e
470)
Insilaakh haduu dhaco
kufriga baa la hoos imane
471)
Waa sunno ilaaheen dhigoon eexasho
aqoone
472)
Taariikhna waa laga
akhriyey kii og baa garane
473)
Addunkana Islaam baa u hari waa
nusuus adage
474)
Afka laguma damin karo
Iftiin uu Ilaah wado e
475)
Bi’idni-laahi iimaan ragloo aarsadaa
imane
476)
Bi’idni-laahi amarkii
Alliyo aayaddaa talin
477)
Soomaali urur weyn leh
iyo aalad iyo xoogag
478)
aduunyada mar bay soo
martoo waa tan la ogaaye
479)
sida ay axwaashii
ahayd nagama owdnayne
480)
afkaar gaalo laga keenay
bay uunka barayeene
481)
ishtiraaki yey oran
jireen waa islaanimo e
482)
ubadkey ilxaad iyo
bareen erayadii “liinan“
483)
“Maarkis“ baa abwaan laga
dhigiyo gaalki “Aangalis” e
484)
odayaa u heesiyo kuway “Ubax”
lahaayeene
485)
addoommada ilaahooda
weyn u ogolaan meyne
486)
“ Islaamkaa” la doon dooni
jiray eheladiisii e
487)
istikbaar arliga lagu
maraa aad usaa iday e
488)
is addoonsi baa jiri
jiriyo amar ku taagleyn e
489)
“Aabbow” waxay oron
jireen oday an toosneyne
490)
na hoggaami abidkaaba
waan ku aqbalaynaa e
491)
in yaroo islaamtoo
cilmiga aragtay mooyaane
492)
waxay wada adeeceen
kufriga umaradiisii e
493)
dabadeed ilaah baa
ridoo eelki baa yimide
494)
aadane asbaab weeye
oo lagu adeegtaa e
495)
afganbiga ku dhacay waa
ilaah amarradiisii e
496)
isagaa albaabbada uxiray eede
nabadii e
497)
ummadaan islaamayn
waxbaa lagu asiibaa e
498)
waa sunno ilaaheen dhigoo
aayadaa yiri e
499)
ciqaabaha ka iman karaa
ilaah waa uluuf badan e
500)
saddexdii “Ancaam” bay
iyagu ku ibtiloobeene
501)
isir isir ukala reeb
hadday urursanaayeene
502)
aalad buu isugu dhiibay iyo olol
rasaaseed e
503)
eeyo waalan baa laga
dhigiyo uubatiyo weere
504)
Orobiyo Afrika yaabe iyo Aasiyoo
idil e
505)
abaal marin cadli ah weeye
iyo reer istaahiley e
506)
imtixaan rabbaani ah hadduu
aadanaha maago
507)
indhihii daboolnaa
inbay arag uyeeshaane
508)
wax la eegi ururradu
inay dib u islaamaane
509)
halka laga asiiba ma
oga odoyadoodii e
510)
istiqfaarsi laga waa
inay dib isu eegaane
511)
amnigii ilaah qaaday
bay Orobo waydiine
512)
ehelkii nasaaroobay bay u
ashtakoodaane
513)
amag amag cidla ah bay
hayaan umaradoodii e
514)
hadba ummad habawday
baryada u agfariistaane
515)
dowlad uu “Ibliis”
talinayoo aayad laga dhowray
516)
Amriikaan addoon looyahay aad
usagayaane
517) “Es” “Es” tooda badan gaalnimay tahay astaanteede
518) halka laga addoonsanahayaa laga arkaayaa e
519) iimaan hadday leeyihiin abid ma sheegteene
520) “Eldoreed” ma aadeen kufriga aqalladiisii e
521) sidee khayrba uga aaminnaa iishe nimankii e
522) Allow talada ehel uma ahee aayar naga leexi
523) Allow aayaddaan doorannaye adigu noo hiilli
524) Allow sahal umuuraha adaan axadna moogeyne