Qaybta 2aad darsigii ahaa: Gumeysigii muxuu keenay?
2) Dhaqdhaqaaqyadii xornima doonka sida kii dhallin yarada Soomaalida (syl), ma ahayn qiiro diineed– inkastoo qiirada Diinta ay ku kicinayeen dadweynaha—ee waxay ahayd qiiro waddaniyad iyo qawmiyad. Ma ahayn dacwada ay wadeen: “kufaartu addeecid ma leh, ee aan ka tawbad keenno, oo aan ka baxno”, ee waxay ahayd: “nooga baxa waddankayaga, annagaa isku talinaynee”.
Hadday ahaan lahaayeen dad Diin u qiirooday, markuu gumeystuhu baxay, bay Diintii ka maqnayd noolayn lahaayeen, dastuurka noloshana ka dhigan lahaayeen.
Talyaaniga iyo Ingiriisku in kastoo ay jeclaayeen, inay waddanka ka sii taliyaan, markay arkeen isku duubnida dadka, iyo inayan soo wadin Diintu ha taliso, bay siiyeen xornimo magaca kore ah. Waxay ogaadeen inayan ahayn, kuwo haysta
kitaabka ay sheeganayaan, ee ay yihiin kuwo u diyaar ah, inay addeecaan wixii
ay faraan. Inay yihiin kuwo kitaabkay siiyaan ka hor marinaya kii Rabbigood,
sharcigay siiyaanna ka hormarinaya kii qur’aanka ku yiil.
Waxay ogaadeen inay daba galkooda sharaf iyo horumar u arkaan. Inay macallimiin u aqoonsan yihiin. Inay wax walba uga dayanayaan. Markaa bay ka guureen, iyagoo hubsaday inay addoomo u yihiin, aan sina uga xoroobi karin, awooddooda siyaasadeed iyo ciidan, iyo dhaqaale. Muuqaal ahaanna xor baa laga dhigay, xaqiiqa ahaanna addoommo baa laga dhigay.
3) waagii hore kufriga sida badan, jaahilnimaa loogu dhici jirey, laakiin sidii reer Galbeedka loo addeecay, wuxuu noqday kufrigu, horumar iyo ilbaxnimo la gaarey. Waxaa lagu qortay kufrigii dastuurka. Si indha adayg iyo xishood darri leh, baa Rabbi loogu gacan sayray. Caamadana waxaa lagu seexiyey Diintu horumarka diidi mayso, sidiinnaa baad ku tihiin muslimiin Jannada Aakhiro iska leh. Talyaani iyo Ingiriis intii ayan guurin, kufriga ay ku hubsadeen, waxaa ka mid ah, qaadashada dastuur lagu dhaqmo. Waxaana “dastuur” looga jeedaa, kitaab sharciya ah, oo ka madax bannaan kitaabka Allaah.
Dastuurkaa wuxuu ahaa, tillaabadii ugu khatarsanayd, oo loo qaaday xagga kufriga, waayo waa kitaab baabi’inaya caqiidadii iyo shareecadii islaamka, oo misana aan loogu tala gelin, jiilkii markaa joogey oo keliya, ee waxaa loogu
tala galay, kuwii joogey iyo kuwa mustaqbalka iman doona. Dastuurkii u horreeyey waa kan loo yaqaan: dastuurkii lixdanka, oo dhaqan galay, markay isku biireen woqooyiga iyo koofurtu; kowdii bisha 7aad 1960kii. Waxaase dastuurka la diyaariyey, intuu Talyaanigu joogey, oo aan Soomaalida maamulka si toos ah loogu wareejin. Fadhigii lagu ansixiyey wuxuu dhacay 21kii bisha lixaad 1960kii , oo ku aaddanayd dhamaadka muddadii tobanka sano ahayd, oo lagu heshiiyey, in Talyaanigu u tarbiyeeyo, sida dawlad loo maamulo, oo ahayd (1950kii ilaa 1960kii).
Wixii dastuurro ka danbeeyey oo dhan, kaas baa u ah marjic. Sida: kii 1979kii, iyo kuwii dawladaha ku meel gaarka ah, iyo kii Soomaali land, iyo kii Punt land, waxay wada xanbaarsan yihiin mabaadi’dii uu xanbaarsanaa, ee burburineysey asaaska Diinta islaamka.
Kitaabka la yiraahdo (xeerka ciqaabta soomaaliyeed), waa kitaab la ansixiyey, oo axkaam ah, kana kooban 565 qodob, (yacni:565 xukun). Wuxuu shaqaynayey laga soo bilaabo 1964kii ilaa iyo maanta 2012ka.
Warbixin uu hordhiciisa ku qoray nin tarjumey, baan wax yar ka soo qaadayaa, si loo garto asalkiisa, iyo taariikhdiisa.
wuxuu yiri: (waqtigii uu dhaqan galay xeerka ciqaabta soomaaliyeed ka hor, waxaa xeer ciqaabeed ahaan lagu dhiqi jirey:
1-Dhinicii soomaaliya ee talyaanigu gumaysan jirey (ex Italian somalia) waxaa lagu dhiqi jirey xeerkii ciqaabta talyaaniga (codice penale Italiano) ee soo baxay 1930kii, waxaase barbar socdey shareecada Islaamka oo ay dabbiqi jirtey maxkamaddii qaaddiga.
2-Dhinicii soomaaliya ee Ingiriisku gumaysan jirey, (ex British Somaliland), waxaa lagu dhiqi jirey xeerkii lagu magacaabi jirey Xeerka Hindiya(codice Indiano or Indian penal code), ee soo baxay 1860kii, oo isagana ay barbar socotey maxkamadda qaaddigu oo dabbaqaysey shareecada Islaamka. Wakhtigii xorriyadda, iyo midowgii labadii dhinac ee soomaaliya ……..
Markii dastuurkii soomaaliya lagu ansixiyey afti dadwayne, waxaa halkaas laga ambaqaaday sidii loo samayn lahaa Xeerka ciqaabta soomaaliyeed (codice penale somalo) iyo nidaamka garsoorka soomaaliyeed (ordinamento guidiziorio somalo), waxaa xukuumaddii soomaaliyeed ee wakhtigaasi xeerka ciqaabta soomaaliyeed u magacawday guddi khaas ah ee farsamo (un speciale comitato tecnico), oo soo diyaarisa, ee uu madax u ahaa:
Renato Angeloni oo dhalashadiisu ahayd talyaani, ee ahaan jirey la taliye sharciga iyo xeer dejinta, ee maamulkii talyaaniga ee soomaaliya)
Wuxuu yiri: (xeerka ciqaabta soomaaliyeed (codice penale somalo) wuxuu ku soo baxay, kuna qornaa saddexda af: Af carabi, Af talyaani, iyo Af ingiriisi, maadaama waqtigii uu xeerkani soo baxay 1962 dii, aanu qornayn Afka Soomaaligu, markii af soomaaliga la qoray 1972dii ilaa wakhtigan 2006da aan af soomaali lagu beddelin, lagama maarmaanna tahay, in bulshada soomaaliyeed afkeeda rasmiga ah, oo ah afka soomaaliga, loogu qoro xeerka ciqaabta, ee lagu dhaqayo)
Tacliiq:
-Kitaabka xeerka ciqaabta, ee guddigii dejiyey uu madaxa u ahaa nin talyaani ah, waa midka ilaa iyo waqtigaan dawladdii istaagtaaba dadka ku maamusho, kuna kala xukunto.
-Maxkamadda qaaddiga ee hoos joogtey maamul Ingiriis ama Talyaani, waa layska malayn karaa awood xumida ay lahayd, iyo inayan dhaafsiisnayn, haween la meheriyo, ama nin laga furo.
4) Tan kale ee aan ka khatarta yarayn dastuurka la jideystey, waa waxbarashada ubadka da’da yar, oo la waafajiyey, tan u degsan ummadaha kufriga ku sugan.
Si makri badan bay u jeexeen waddo waxbarasho, oo natiijo ay hubaan u soo saaraysa, ugu danbayntiina ardayga iyagoo kale ka dhigaysa, xagga akhlaaqda,fakarka, iyo ka fogaanta Diinta. Waxbarasho ka mayraysa, si aayar aayar ah, gebi ahaan wixii “caqiido” iyo “caadifad” iyo “xigsasho Islaam” ee qalbigiisa ku harsanaa.
Waxay ardayga gaarsiisaa:
·Iska daa inuu Allaah keligi u hoggaansamee, inuu jiritaankiisa u maleeyo, mas’alo niqaash ka furan yahay.
·Aakhiro iyo xisaabinta danbe inay tahay aragti banii aadam, oo sax iyo khaladba noqon karta.
·Hadduu mar gaaro heerkaana, lagama sugayo qofku inuu takaliifta Diinta ilaaliyo, waajib ku dadaalo, ama xaaraan iska dhawro.
·Waxaan xusuustaa macallinka casharka “tarbiyada”, inuu maalin su’aal na weydiiyey ah: “Dadku sidee buu dhulka ku yimid?”
Wuxuu rabey inaan ku jawaabno: “waxaa jira laba aragti: (1)midda diimuhu sheegaan, ee ah: in Aadam la abuuray iyo Xawaa’.
(2)aragtida cusub, ee leh xujooyin caqli gal ah.”, waxay uga jeedeen tii Daarwin. Waxaan xusuustaa anigoo farta u taagaya, si aan ugu jawaabo jawaabtuu rabo, qalbigana is kala hadlaya oo is leh: “haddaad runta sheegtid, oo tiraahdid: Aadam baa laga soo farcamay, oo aamustid, wuxuu ku oranayaa: waad gaftey, ee naga fariiso”.
·Waxaan xusuustaa arday dhigta “lafoole”, inuu igu yiri: “arday reer Naamiibiya ah, oo wax nala barta, baan ugu yeeray inuu Islaamka soo galo.” Waxaan ku iri: “sidee baad wax ugu sheegtay?.”, wuxuu yiri: “waxaan ku iri: Ashahaado oo tuko, hadduu qiyaamuhu run noqdo, waad ku fakanaysaa salaadaha, haddii kalena waa jimicsi aan waxba kaa dhimayn!!”.
·Waxaa ardayda ka dhaadhacaya, qiimaha u sarreeya, oo in loo dadaalo mudan, inuu yahay dunida oo lagu sara maro. Iyo in Orobba looga daydo khayr iyo sharba, sidii dalkooda loo tegi lahaana, laga sii fakaro inta waxbarashada lagu jiro.
·Waxaan xusuustaa qaar ardayda ka mid ah, oo yiraahda: “carabtu intay lahaayeen: (قال الله), iyo (قال رسول الله), buu adduunku dhaafay!!”. Waxaa ka qarsoonaa, inayan Diinta carabi lahayn, muslimiintuna dadka dhinac walba uga horreeyeen, markay dhab u haysteen (قال الله) iyo (قال رسول الله).
Iyagoo sidaa u habawsan, markay Orobba iyo Ameerika, wax ku soo bartaan, maxaad ka malaynaysaa?.
Maantana noocaa baa loogu jecel yahay, inay talada qabtaan, waxaana loo yaqaan aqoon yahannada, waxayse u badan yihiin kufri yahanno .