www.towxiidka.com
  
  
Follow us
RSS
Facebook
Twitter

(casharka 6aad)

“Diinta xaqa ah siday u beddelanto”

(1)  Sidee isugu xiran yihiin mabaadi’da Diintu ?

1) Casharradii la soo maray, ee looga hadlayey mabaadi’da Diinta Islaamka, laguna caddeeyey waxa looga jeedo: Diin, Iimaan, Islaam, Tawxiid, iyo waxa looga jeedo Kufri iyo shirki , qofkii si fiican u fiiriya, waxaa u caddaanaya xiriirka ka dhexeeya arrimahaa, iyo sida ay isugu xiran yihiin. Waxaa u caddaanaya:

1- Diinta xaqa ah inayan jirin, haddaan Allaah keligi la rumayn.

2- Rumaynta Allaah keliyana inayan jirin, haddaan Allaah keligi la caabudin.

3- Islaam korena inuusan jirin, haddaan Allaah keligi la caabudin.

4-Tawxiidna inuusan jirin, haddaan Allaah keligi la caabudin.

5- (لا إله إلا الله) afka ahna inayan jirin, haddaan Allaah keligi la caabudin.

2) waxaa ka dhalanaya inaan shaki kaa gelin, arrimaha xaqiiqooyinka ah ee soo socda:

Kow:

 “Qof aan Allaah keligi rumayn, Diinta xaqa ah kuma jiro,
ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 “Qof islaamka kore diiddan,  Diinta xaqa ah kuma jiro, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan Allaah keligi caabudin, Diinta xaqa ah kuma jiro, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan tawxiidka aqbalin, Diinta xaqa ah kuma jiro, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan  (لاإله إلا الله), macnaheeda iyo ku dhawaaqiddeeda aqbalin, Diinta xaqa ah kuma jiro, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan kufriga iyo shirkiga weyn ka bixin, Diinta xaqa ah kuma jiro, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Labo:

 “Qof aan Diinta xaqa soo gelin, Allaah keligi ma rumayn, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 “Qof  islaamka kore diiddan,  Allaah keligi ma rumayn,
ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan Allaah keligi caabudin, Allaah keligi ma rumayn, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan tawxiidka aqbalin, Allaah keligi ma rumayn, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan  (لاإله إلا الله), macnaheeda iyo ku dhawaaqiddeeda aqbalin, Allaah keligi ma rumayn, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan kufriga iyo shirkiga weyn ka bixin, Allaah keligi ma rumayn, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

Saddex:

 “Qof aan Diinta xaqa soo gelin, islaam kore uma ansaxayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 “Qof aan Allaah keligi rumayn, islaam kore uma ansaxayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan Allaah keligi caabudin, islaam kore uma ansaxayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan tawxiidka aqbalin, islaam kore uma ansaxayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan  (لاإله إلا الله), macnaheeda iyo ku dhawaaqiddeeda aqbalin, islaam kore uma ansaxayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan kufriga iyo shirkiga weyn ka bixin, islaam kore uma ansaxayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

Afar:

 “Qof aan Diinta xaqa ah soo gelin, tawxiid uma ansaxayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 “Qof aan Allaah keligi rumayn, tawxiid uma ansaxayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan Allaah keligi caabudin, tawxiid uma ansaxayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof islaamka kore diiddan , tawxiid uma ansaxayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan  (لاإله إلا الله), macnaheeda iyo ku dhawaaqiddeeda aqbalin, tawxiid uma ansaxayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan kufriga iyo shirkiga weyn ka bixin, tawxiid  uma ansaxayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

Shan:

 “Qof aan Diinta xaqa ah soo gelin, shirki kama bixin, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 “Qof aan Allaah keligi rumayn, shirki kama bixin  , ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof Islaamka kore diiddan , shirki kama bixin, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan Allaah keligi caabudin, shirki kama bixin, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan tawxiidka aqbalin, shirki kama bixin, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan  (لاإله إلا الله), macnaheeda iyo ku dhawaaqiddeeda aqbalin, shirki kama, bixin ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

Lix:

 “Qof aan Diinta xaqa ah soo gelin, (لاإله إلا الله) uu yiri kuma muslimayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 “Qof aan Allaah keligi rumayn, (لاإله إلا الله) uu yiri kuma muslimayo , ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo:“Qof Islaamka kore diiddan, (لاإله إلا الله) uu yiri kuma muslimayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan Allaah keligi caabudin, (لاإله إلا الله) uu yiri kuma muslimayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

 Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof aan tawxiidka aqbalin, (لاإله إلا الله) uu yiri kuma muslimayo, ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.

Si kale haddii loo yiraahdo: “Qof (لاإله إلا الله), macnaheeda diiddan,  ku dhawaaqiddeeda kuma muslimayo ,ama ha sheegto, ama yuusan sheegan”.