(casharka 5aad)
“Xaqiiqada kufriga”
(1) Kufri maxaa looga jeedaa ?
1) ereyga kufri (الكفر), waa erey carabi ah, macnihiisu luuqad ahaan waa: daboolid iyo qarin. Wuxuu ka yimid ficilka (كفر- يكفرُ- كُفرًا), oo ah: (waa u daboolay- waa u daboolayaa- daboolid)
Wuxuu yiri shaacirkii “لبيد”:
(في ليلة كفرَ النجومَ ظلامُها)
Oo ah: (habeyn uu mugdigiisu daboolay xiddigihii) Sidaa darteed kaafir(كافر) waa: daboole ama qariye. Markay bataanna waa: kufaar ama kaafiriin
(كُفار- كافرين).
Wuxuu yiri mufasirka(القرطبي):
(أعجب الكفار) يعني الزُّراع لأنهم يُغطون الحب.
Oo ah: “kufaartu waa beeraleyda, waayo
waxay daboolaan iniinaha.” Waxay yiraahdaan carabtu: (رجل مكفرٌ بالسلاح) Oo ah: (nin hub ku daboolan)
2) dadka qaarki waxaa loo yiri kufaar, oo ah: “dabooleyaal” ama “qariyeyaal”, waa sida xun ee ay ku qaabileen, nicmadii Rabbigood u galay. Dadka Allaah baa abuuray oo qaabeeyey, qaabkoodana qurxiyey, caqli iyo xubno ay danahooda ku gaaraanna siiyey, roobab iyo xoolo iyo cunno iyo labbis aan ka go’aynna u diyaariyey, saqfi kore, gogol hoose, iyo hawo iyo naacow wanaagsanba siiyey. Iyagoo sidaa loo wanaajey, baa misana loo soo diray rusul u digeysa, kitaabkay ku hanuuni lahaayeenna u sidda, wax bannaan iyo waxaan bannaanayn baa la kala tusay, si ayan aakhiro ugu hoogin. Dadka qaarki – ama inta badan- waxay u dhaqmeen sidii inaan wax nicma ahba la siin. Rabbigii ay awooddiisa ku yimaadeen, kuna joogeen waa illaaween, kuwo addoomo ah bay awood weyn u aqoonsadeen.
Qaar waa baryeen oo weydiisteen roob,risqi, nabad, awlaad, iyo caafimaad. Qaarna waxay ka dhigteen taliyeyaal aan amarradooda la jebin karin.
Kuwa sidaa u dhaqma waxay la mid yihiin, dad nicmadii loo galay dabool saaray, oo inkiray in wax loo taray. Iyagoo aan afka ka oran bay waxay ficil ku leeyihiin: “Rabbiyow waxba nooma aadan tarin, duulal kalaana u xaq leh, inaan ka baqno, rajayno, barino, addeecno iyo wm.”
Maadaama dhaqankoodu ku salaysan yahay, abaal ka dhac, iyo nicma daboolid iyo gargaar qarin, baa loo bixiyey: dabooleyaal iyo qariyeyaal iyo abaal ma garteyaal: (كافرين – ظالمين).