Qaybta 2aad darsigii ahaa: Aragtiyaha shaqeeya waa intee ?
2) jihaadku waa dagaal diineed, waa camal Rabbi lagu caabudo, u dhowaanshihiisana lagu raadsado. Waa sida salaadda, zakada, soonka, iyo xajka oo kale.
Camal walboo cibaada noqdana, wuxuu yeelanayaa waqti uu waajibmayo, iyo sifo loo gudanayo, haddii labadaa laga tago, lagaa aqbali mayo, cibaadana lagu tilmaami mayo, haddaad adigu u baxsatidna kuu noqon mayo Allaah agti iyo aakhiro.
Bal ka warran kii yiraahda: “salaadaha waqtigii lays faray, waqti aan ahayn, baan tukanayaa, ama hal mar baan wada tukanayaa!!”.
Iyo kii yiraahda bisha rajab baan soomayaa, ramadaanna waa afurnaanayaa!!.
Iyo kii yiraahda ramadaan baan soo xajinayaa, shawaalna waa soo laabanayaa!!.
Waa hubaal inaan laysku khilaafayn, inaan midkoodna cibaado u ansixin, sababtuna waa: “shardigii ay cibaadadu ku ansixi lahayd oo maqan”.
Waxaa taa la mid ah, in jihaad la isugu yeero waqti aan kiisii ahayn, iyo dad aan dadkiisii ahayn. Jihaadka waqtigiisu waa: Dacwo iyo baraa’a ka dib, iyo in la helo muslimiin meel ku urursan, taladooduna midaysan tahay.
Tusaale:
Dadka haddii la garto inay baadidoodu tahay kufri, oo asal ka mid ah asalladii iimaanka laga la’yahay, waajibka kowaad waa islaam loogu yeero, kufrigoodana looga go’o. waqti dheerna waa ay u baahataa inta ay dadku u kala soocmayaan: kuwo muslimay iyo kuwo kufrigoodii ka fuqi waayey.
Waxaana ah shey dabiici ah, inay kufaarta xoogga is bidaysa, ay xabsiga iyo dilka la soo degdegaan. Ka dibna marka ay dacwadu istaagto, muslimiintana la ugaarsanayo, ansaar ciza lehna loo helo, baa jihaadka kufaarta lagu dhawaaqi jirey.
Arrintaa waa arrinta siirada nabiga (scw) ka muuqata:
–Dacwuu ugu yeeray.
–Dacwadii dagaal dicaayad ah, baa lagu qaabbilay.
–Markay istaagi weydey, dadkeeduna soo batay, dagaal gacan ah bay go’aansadeen, iyo inay nabiga (scw) dilaan.
–Markaa baa anzaar ciza leh, loo hijroodey.
–Markaa baa jihaadkii lays faray.
Waddadaa faa’iidooyinkeeda waxaa ka mid ah:
1-Inay dadku aad u gartaan qaddiyadda kala go’a keentay, oo ay gartaan inay
iyagu qallooca wadaan, lagana toosan yahay.
2-In muslimiinta loo garaabo, maadaama iyagoo toosan, lagu gardarroon jirey,
oo dhibo badan la mariyey, wax badanna ay sabreen, inay maanta diriraan, inay
lagama maarmaan ku tahay baa la fahmayaa.
3-Waxaa taa ka dhalan jirey, dagaalkoo socda, in hadba jamaaco ama qabiilo muslintay, oo soo haajireysa la arki jirey. Sidaa darteed waxaa yaraan jirey, dadka ku dhimanaya jihaadka, waxayna keeneysey, inuu dad badan is dhiibo dagaal la’aan.
Wadaaddada samankaan jihaadka iclaaminaya, labadii waddo midna kuma ayan toosin:
–Waddada toosinta kufaarta kuma ayan toosin, oo iyagaaba fahmi waayey kufriga iyo shirkiga heerka la arkay maraya, iyagaa mushrikiintii muwaxiddiin u bixiyey, muwaxiddiintiina khawaarij u bixiyey. Sidaa darteed maanta ma oran karaan:
Mushrikiin baan ka go’nay. Shirkigiina waan uga yeerray. Marxaladdii jihaadkana waa gallay. Hadday yiraahdaanna, nin walboo ah runlow xaalkoodana og baa markhaati ka ah inayan marin, waddada toosinta kufaarta.
–Waddada toosinta muslimiintana kuma ayan toosin, oo waa kuwaa u laynaya sidii gaalo inay yihiin, iyagoo aan fahamsiin karin, sababta dhiigga muslinka loo fududaysanayo, iyadoo waciidka ka soo arooray la ogyahay.
Kuwa ka mid ah caammada ay wadaaddadu wareersheen, baa ku yiraahda muwaxiddiinta: “wadaaddada na laynaya baa idin dhaama, gabdhahayagay guursadaan, gawracayagana waa cunaan!!”.
Waxayan garan, oo ayan weli qiimayn, baadida ay ku jiraan nooceeda, waana yeelan waayeen caqli ay ku kala gartaan, midka u roon labada hadal oo kala ah:
(Muslin baad tahay, waase ku gawracayaa) Iyo: (mushrik baad tahaye, tawxiidka aan ku baro)
Wadaaddadaa jihaadka iclaaminaya, iyagoo labadii waddo middoodna ku toosi waayey, waxay aad ula yaabaan, sababta ay muwaxiddiintu ula safan la’yihiin, waxay yiraahdaan:
“idinkaaba waa hore ka go’aye, maad nala laysaan!!.”
Iyaguna waxay ugu jawaabaan: “jihaadku waa cibaado, cibaadaduna shuruud bay leedahay, arrinta aad waddaan waxay la mid tahay: duhur aan idin tujinno
afar saac subaxnimo, iyo bishii rajab baan aragnaye, soon waajiba nala
sooma”.
3) Naseexo:
–Mas’aladii madaxeedu lumo, dib lagama hagaajin karo.
–Kufkufka tirada badan wuxuu markhaati ka yahay, inaan waddadii toosnayd la hayn.
–Kii Rabbi garansiiyey baadida jirta intay le’eg tahay, dadka yuusan sirin, ee
shirkiga ay ku jiraan ha tuso, meeshii laga istaagi jireyna, ha ka istaago.
–Ma toosna:
Markii tabar la iska dareemo in la yiraahdo: “Jihaad baa waajibey!!”.
“Dad kitaabka Alle diiddan baan ku jihaadaynaa!!”.
Markii dirirta wax lagu tari waayana in magacii la beddesho, mid cusubna lala baxo, oo la yiraahdo:
“Dagaalku jihaad ma ahayne, fitnuu ahaa!!”.
“Hebel baa na dedejiyeye sidaa ma fiicnayn!!”.
–Ma toosna:
in mar tawxiidka runta ah, la aqoonsado, marna lala diriro oo shirkiga loo hiilliyo. Mar in ummadda gaalo la yiraahdo, marna waa muslimiin la yiraahdo.
Mar dhiiggooda la bannaysto, marna la xarrimo.
–Ma toosna: Adigoo laba lid isku ah midba mar muujinaya, inaad mid walba tiraahdid, waa sunnadii Nabiga (scw), iyo waxaan nahay firqo badbaado loo qoray adduun iyo Aakhiro (الفرقة الناجية).
–Qofkii badbaada rabow:
–Marka hore adigu isla xisaabtan.
–Fikraddaada iyo niyaddaada toosi.
–Xaqa ha ula diririn waa igu culus yahay darteed.
–Adigoo aan waddada tilmaanteeda baran safar ha gelin.
–Dadkana runta kharaar baa uga roon beenta macaane runta u sheeg.
–Shirki iyo ehelki Rabbi ma kala reebine, ha kala reebin.
–Qof ahlu shirki ah, muwaxid ha ka dhigin.
–Qof muwaxid ahna, khawaarij ha ka dhigin.
–Markaad tabar yar tahay, iyo markaad tabar leedahay labadaba, axkaamta dadku hal si ha kuu ahaato, muslimku muslim, mushrigguna mushrik.
(والحمدُ لله ربِّ العالمين).