Tan saddexaad:
Xukunka ummaddu yeelanayso, iyo waddanku, waxaa lagu xiray go’aanka ay madaxdu qaadato.
Waxyaabaha aan qarsoominna, waxaa ka mid ah garashada la garanayo, waddan walba cidda u talisa, iyo talisku hadduu is raacsan yahay, iyo hadduu kala qaybsan yahay.
Madaxdu hadday farriin ama wafdi soo diraan, oo sheegaan inay Allaah keligi u
hoggaansameen, waxaa la oran jirey: “reer hebel waa islaameen”, macallimiinna waa loo diri jirey. Waxaana loo aqoonsan jirey waddankaa, inuu yahay waddan islaam (دار إسلام).
Madaxdu hadday caddaystaan, inayan islaamayn, waxaa la oran jirey: “reer hebel kufri bay doorteen”. Waxaana loo aqoonsan jirey waddankaa, inuu yahay waddan kufri (دار كُفر).
Qofkii shakhsigiisa u hadla, oo sheega inuu muslimay, waa laga aqbali jirey, lama oran jirin: arrintaadu madaxday ku xiran tahay, waayo khilaafka uu khilaafsan yahay, oo uusan la go’aanka ahayn, baaba muuqda, daliilna u ah inuusan la tala ahayn, kana mid ahayn waqtigaan.
Sidoo kale kii isagoo qabiilada kufriga dooratay dhex jooga, xaqa aqbala oo muujiya, meeshiisuu “muslim” ku ahaa, dhex joogga gaaladuna keeni meyn, in “gaal” laga rumeeyo, waayo nabi walba isagoo keligi ah, buu bilaabay, inuu diinta ka dhex sheego qaraabadiisa lunsan.
Siirada Nabiga (scw), waxaa lagu xusaa sanadii tobnaad, in loo yiqiin sanadii
ergooyinka (عام الوفود), sababtuna waxay ahayd, ergooyin badan baa yimid, mid walibana waxay matalaysey qabiilo, waxayna sheegeysey mid walba, inay ciddoodu Islaamka u diyaar yihiin.
2) saddexdaa qodob waxay kuu fududaynayaan, inaad fahamtid, arrimaha la tixgelinayo, markii “bulsho” ama “qaran”, la doonayo in la garto xukunkoodu wuxuu yahay, ma kufaar baa mise muslimiin, waddankooduna ma waddan islaam baa (دار إسلام), mise waa waddan kufri (دار كُفر).
Waxaa la tixgelinayaa laba arrimood:
Tan hore: waa garashada xaalkooda:
1- madaxda ay raacsan yihiin ma Allaah bay ugu hoggaansan yihiin, wax walboo ay falayaan, oo ma shareecadiisa keligeed bay ka danbeeyaan, mise shareecadiisa iyo mid kaleba waa ku socdaan.
2- Dadweynuhu madaxda ma raacsan yahay, madaxna mow aqoonsan yahay, nabadna ma ku wada joogaan. Hadday jawaabtu noqoto: “Madaxdu Allaah shareecadiisa keligeed kuma socdaan. Dadweynuhuna madaxda waa raacsan yahay”. Waxaa la fiirinayaa arrinta labaad.
Tan labaad: waa garashada xukunka Rabbi ka dejiyey iyagoo kale:
taana waxaa ka soo baxaya: “Rabbi ma kala reebi jirin madax lunsan iyo caammo daba joogta:
1-dunida waa isku xukun.
2-Ciqaabta dunidana waw siman yihiin.
3-Tan Aakhirana waw siman yihiin”
-“كَذَّبَتْ قَوْمُ نُوحٍ الْمُرْسَلِينَ” (الشعراء:105)
-“كَذَّبَتْ عَادٌ الْمُرْسَلِينَ” (الشعراء:123)
-“كَذَّبَتْ ثَمُودُ الْمُرْسَلِينَ” (الشعراء:141)
-“إِنَّ فِرْعَوْنَ وَهَامَانَ وَجُنُودَهُمَا كَانُوا خَاطِئِينَ” (القصص:8)
-“فَأَخَذْنَاهُ وَجُنُودَهُ فَنَبَذْنَاهُمْ فِي الْيَمِّ فَانْظُرْ كَيْفَ كَانَ عَاقِبَةُ الظَّالِمِينَ” (القصص:40)
-“وَإِذْ يَتَحَاجُّونَ فِي النَّارِ فَيَقُولُ الضُّعَفَاءُ لِلَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا كُنَّا لَكُمْ تَبَعًا فَهَلْ أَنْتُمْ مُغْنُونَ عَنَّا نَصِيبًا مِنَ النَّارِ. قَالَ الَّذِينَ اسْتَكْبَرُوا إِنَّا كُلٌّ فِيهَا إِنَّ اللَّهَ قَدْ حَكَمَ بَيْنَ الْعِبَادِ” (غافر: 47-48)
Samankii (الإمام ابن تيمية), baa waxaa weerar ku hayey umadda reer Shaam, ee muslimiinta ah, qolo islaamka sheegatay, oo ashahaadada ku dhawaaqday, laakiin aan iska dhawrayn dhiigga muslimiinta, haweenkooda iyo carruurtoodana dhacaya. Waa qoladii loo yiqiin tataarka (التتار), oo dhanka “mangooliya” iyo “shiinaha” ka yimid.
Dad baa ka shakiyey in lala diriri karo iyo in kale, markaa baa la weydiiyey (الإمام ابن تيمية), markaa buu ku jawaabey:
فأجاب: الحمد لله ربّ العالمين. “نعم يجب قتال هؤلاء بكتاب الله وسنة رسوله واتّفاق أئمة المسلمين. وهذا مبنيّ على اصلين:
(أحدهما): المعرفة بحالهم .
(و الثاني): معرفة حكم الله في أمثالهم .
فأمّا الأول فكلّ من باشر القوم يعلم حالهم، ومن لم يباشرهم يعلم ذلك بما بلغه من الأخبار المتواترة وأخبار الصادقين”. [في المجلّد 28 ص: 509].
Wuxuu caddeeyey haddii la rabo in la ogaado ummad xukunkeed, in loo baahan yahay, in lagu dhiso laba asal:
Kow: garashada xaalkooda.
Labo: garashada xukunka uu Allaah iyagoo kale
u dejiyey.