www.towxiidka.com
  
  
Follow us
RSS
Facebook
Twitter

(Casharka 2aad)

“Xaqiiqada Iimaanka”

(1) Iimaan” maxaa looga jeedaa?                                                  

  1. “Iimaan” ama (الإيمان), waa erey carabi ah, macnihiisuna luuqad ahaan waa: “rumaynta”, ama: (التصديق).

Oo ah: “wax laysu sheegay oo la qiro inuu run yahay”. ama: “run u qaadasho”.

Qur’aanka waxaa ku soo arooray: (وما أنتَ بمُؤمنٍ لنا)

Oo ah: “naga rumaysan maysid” Wuxuu ka yimid ficilka(falka): (آمنَ يُؤمِنُ إيماناً), oo ah: (waa u rumeeyey- waa u rumaynayaa- rumayn )

 Hadaba ereyga (rumayn): “waa ogaal iyo qirid la qiro, runnimada khabar laysu sheegay”. Waa: “runsasho ama rumaysasho”.

 Wuxuu ku yiri Al-azhari kitaabkiisa: (تهذيب اللغة)

“وأما «الإيمان» فهو مصدر: آمن يُؤمن إيماناً؛ فهو مُؤمن.

واتفق أهل العلم من اللُّغويين وغيرهم أن «الإيمان» معناه: التَّصْديق”-
اهـ –

Oo ah: “ereyga (Iimaan) wuxuu ka soo fuley ficilka: (آمنَ يُؤمِنُ إيماناً), oo ah: (waa u rumeeyey- waa u rumaynayaa- rumayn )

Qofkuna waa: “rumeeye” (مُؤمن), waxayna isku wada waafaqeen ehelka cilmigu, kuwa luuqadda yaqaan, iyo kuwa kaleba inuu ereyga (Iimaan) macnahiisu yahay:  “rumayn” (التصديق).

……….

2) Iyadoo ereygu gaarayo -luuqad ahaan- wax walboo la rumaysto, buu qur’aanku u adeegsadey, rumayn gaar ah. Taasoo ahayd:

“khabarkii rusushu sheegeen; oo la rumaysto, lana qiro inuu xaq yahay”.

Kuwa cilmigii Nabiydu keeneen rumeeyey, sharcigu wuxuu u bixiyey: (mu’min – mu’miniin), (مؤمن – مؤمنين), oo ah: (rumeeye – rumeeyeyaal).