Aakhiro:
1- Aakhiro nimaan aamineyne, waa ardaal lumaye
ayaan lays abaal marinayoo, uunku wada joogo
akhbaartii “Ilaah” weeye iyo, ereyadiisii e
addin iyo af iyo uurba waa, la aqbalaayaa e
2- nin adduun is raacsheyi inuu, eedi baa dhigane
waa daar ibtilo loo dhisiyo, eegid iyo daale
ictiqaad saliimiyo acmaal, ururso mooyaane
eber weeye baaddila waxaad, ku ijtihaadaa e
3- ruuxaan cilmiga eegahayn, waa anbanayaa e
ayaamahakan loo tirinayuu, abaddan moodaa e
ajashuu illaawaa inuu, iilku dhow yahay e
goor aan baryada la asmacayn, buu Allow orane
4- Aadane ashqiya weeye iyo, ehelu khayrkii e
Mid iimaan la guuroo jannada, aqalki yaallaa e
Iyo ololka naareed midkii, lagu illaawaayey
Waa intii Ibliis raacday iyo, ururki naareed e