www.towxiidka.com
  
  
Follow us
RSS
Facebook
Twitter

Diinta:

1- Jifo iyo qabiil Diintu waa,                      jaad ka gooniya e

Jinsi aad u dhalatiyo tilmaan,                joogi ma ahayne

Waa jideyn la raaciyo naftoo,                 lala jihaadaa e

Haddii aadan jeedaalineyn,                   waa wax kaa jaba e

 

2- Waa jiduu Jaliilkii dhigoo ,                     jeexay waa hore e

Jidgooyaana taal iyo Ibliis,                      jeysh u leeyahaye

Mid ku joogi jireyoo mar kale,                jeensadaad arage

Jaa’irkii nebcaan jirey marbuu,              khayr ka soo jirine

 

3- Jahli baa dad badan jeediyoo,                ku jira mooyaane

Jidku waw jid nabadeed ninkaan,           jar iska tuurayne

Jaanib kaan u sii jeensan buu,                jannada geeyaa e

Jaaxidkii lunshana Jahannamay,            jaasadii tahay e”