www.towxiidka.com
  
  
Follow us
RSS
Facebook
Twitter

1- Iimaan waa awoodaha Alloo,              la ictiraafaa e

Isu dhiibid weeyiyo inaad,                   amarki raacdaa e

Aadane wax loo uumay waa,               inay islaamaan e

Istiqaama mooyee wax kale,               kuma abbaarrayne

 

2- Aadane itaal yarida waa,                     lagu abuuraa e

awood aan Ilaah siinahayn,                 lagama eegeyne

irsaaq loo abuuraayo buu,                   ku intifaacaa e

haddii uu addoon yahay muxuu,           amar u diidaa e

 

3- afna ma aha Iimaanku iyo,                  erey la sheegaa e

aqoon uurka taalliy acmaal,                 ururta weeyaane

afkuna waa ayidiyoo waxaad,              aamintaad orane

saddexdaa markaad ebido buu,            kuu ansaxayaa e

 

4- Ibliiskaba oraah uu ka tegey,             laguma eedeyn e

ashahaadayoo, aakhirana,                 waa ogaan jirey e

waxse eel qabsaday waa markuu,       diidey amarkii e

isla weynidii baa hoddiyo,                  asal ku faankii e”

 

5- Rabbi amarradiisiyo adoo,                 aayadaha diidi

Iimaanka aad sheegataa,                   waa af iyo beene

Waa ammaanidii reer Yahuud,           ku ibtiloobeene

Is ilaali abidkaa intii,                         iilataa badane

 

6- Islaamnimana waa erey ku bari,       laba umuuroode

mar iimaanka weeyoo waxbaan,       haatan kaa iri e

addin iyo af iyo waa adoo,                uur hoggaansama e

amarrada Ilaaheen farood,                wada addeecdaa e

 

7- marna waa astaan aan la dilin,          axadki muujaa e

Hadduu uurku gaal yahayna uu,        kaa ammaan heli e

waa ereyga towxiidka oon,                wadan Ishraaggii e

inqiyaad la daahirinayoon,                 amar la diideyne

 

8- “laa Ilaaha illa laahu” waa,                asalka tawxiide

haddii ay ikhlaas wadato bay,            ku anfacaysaa e

shirki looga iilanahayiyo,                   eheladiisii e

haddii kale  oraah weeye aan,           uurka kaa jirin e

 

9- Ashahaado aan wadan ikhlaas,          ma aha iimaane

Mar hadduu ishraak jiro waxaa,          lumi oraahdii e

Waa eber acmaashuu faloo,               ma ansaxaayaane e

Inna kuuma reeboo shirkigu,              waa abaar kulule