www.towxiidka.com
  
  
Follow us
RSS
Facebook
Twitter

1 Alxamdu lillaahi iimaanku waa hibo ilaahay e
2 Asala kaaga iman maayo iyo dhaxal awoowaade
3 Ehelaan ku siinaynin  iyo aabbe iyo wiil e
4 ixsaan laguma soo helahayiyo iibsashiyo beec e
5 awood laguma soo leexsadiyo ururro waaweyn e
6 ikhtiyaarku idinkii alluu ku imanaayaa e
7 isagaa na uumoo ogsoon kii istaahila e
8 intuu uurka hooyadi jiraa la aktubaayaa e
9 dibna amarradiyo aayaddaa lagu ilhaanshaa e
10 istiqaamo kama tago intuu abidki joogaa e
11 Ayidaad ilaah baa jirtoo lagu adkeeyaa e
12 Insigiyo jinniga iishaybaa laga ilaashaa  e
13 Ibliis baa ku daalaaya iyo ururradiisii e
14 Waa udub an liic liicin iyo buur adayg badane
15 Waxa uu iftiinsanahayaa addillo waa wayne
16 Ifkigiyo shubhada aywadaan waa arkahayaa e
17 Afkaar gaalo uma dhuumatiyo  ereyo shaydaan e
18 Akbarkii shirkiga lama tusiyo eheladiisii e
19 Uduufadi habowdiyo ma galo aragtidoodii e
20 Ibtidaaca  idilkiiba   waa ku inkiraayaa e
21 alle weeye owliyadiyo eheladiisii e
22 aayaddiyo isagaa aqbalay amarradiisii e
23 allow iga dhig iimaan nin lihi waa aflaxayaa e
24 allow iga dhig kama aamin ihi ololka naareede
25 iimaanka adigaa baxshoo Uunku kaa sugin e
26 aadane ma qaybsheen hadii  laga adeejaa e
27 eexashada ma daayiyo kanaa ina adeerkay e
28 awood li’ida laga yeelay waa mahad ilaahay e
29 oraahdeeda maansada marbaa  la isticmaalaa e
30 hadii aad ilaahay dartii ugu hadlaysaa e
31 haddii aad acdaa’diisa badan ku afxiraysaa e
32 adoon ka inxirafayn cilmiga addilladiisii e
33 “xassaan” baa aqoontiisa gabay lagu ogsoonaa e
34 “ina Maalik” baa laga arkiyo  ina Rawaaxeeda
35 asxaab weeye  iimaan leh iyo niman ansaareed e
36 iyagoo ag joogay “Rasuul” aad u tiriyeen e
37 asaaliibta gabayada ninkii aada ma aheyn e
38 maantana ilaahbaa qadarey inaan iraahdaa e
39 rag aan aayad garanaynin baa oriyey mooyaan e
40 waqtigayga kuma iibiyeen  ereyadiisii e
41 inamada na eedaynayoo  na afxumaynaaya
42 iyagoon aqoon noolahayn nagu abyoonaaya
43 oo aamus laga waayaybaan ku abhinaayaa e
44 islaam nimana wow sheegi arrimo diineed e
45 Waxaan uur ku hayn waayey baan  u aqrinaayaa e
46 Rabbi waa awoodaa inay  ku intifaacaan e
47 Indhihii daboolnaana ay  arag ku yeeshaan e
48 Islaamkiyo u soo wada noqdaan  addiladiisii e
49 Iimaan af maahiyo inaad   erey tiraahdaa e
50 Uurkuu ku yaal oo xubnaa  laga arkaayaa e
51 Afkaaguna wixii uurka  jira  buu if bixiyaa e
52 Saddexdaa ninkaan urursanayn  malaha iimaan e
53 Ibliiskuba ma diideyn inuu erey yiraahdaa e
54 Aakhiriyo Ilaah waaxidaba waa ogaan jiraye
55 Waxse eel qabsaday waa markuu diiday amarkii e
56 Isla weynidii baa hodiyo asal ku faankii e
57 laa ilaaha illa laahu waa  asalka towxiide
58 hadii ay ikhlaas wadato bay ku anfacaysaa e
59 shirki looga soo ururayiyo eheladiisii e
60 hadii kale  oraah weeye aan uurka  kaa jirin e
61 Ashahaado aan wadan ikhlaas ma aha iimaane
62 Mar haduu ishraak jiro waxaa lumay oraahdii e
63 Wixii aad acmaal suubisuu eber ka yeelaa e
64 Iska jira dabinkuu ibliis aasay waysaga e
65 Rabbi amarradiisiyo adoo aayadaha diidi
66 Islaamnimada aad sheegataa waa af iyo beene
67 Waa amaanidii reer yahuud ku ibtiloobeene
68 Waxba yaan “irjaa” lagugu sirin yimid iftiinkii e
69 laba bay anwaacdiisu tahay aadanoo idil e
70 ashqiyiyo wax lookala duwaa ehelu khayrkii e 
71 jannadii udgooneyd inbaa  abid ku noolaan e
72 inta kale cadaab ololi baa  lagu illaawaa e
73 Aadane ashqiyo wow batuu yiri Ilaaheene
74 alfigiiba axad baa janada laga aroorshaa e
75 In yaroo islaamtoo xujada aragtay mooyaane
76 Ha adeecin buu yiri intii iilataa badane
77 “Sumar” iyo “ancaam” iyo “axqaaf” Ururshe tawxiide
78 Akhbaaraha “acraaf” iyo  ku yaal aayadaha“Huudba
79 “Anbiyiyo”  “Ikhlaas” iyo intii ururka xaamiima
80 Waddaday “Israa” iyo “furqaan”  nagu abbaareene
81 Albaqriyo” aqoontiyo cilmiga  Aaddan lagu sheegay
82 Annisiyo axkaamtii ku tiil aayadaha 
83 Jihaadkii “Anfaal” lagu amriyo “aalcimriyo”“Towba”
84 Awalkiyo haddaad aayadaha Aakhirkaba eegto
85 Istiqaama mooyee wax kale nama amraayaane
86 Shirki iyo waxay naga eryeen eheladiisii e
87 Xujadaa ebyoonaatey iyo aayadaha muuqday
88 Sida loo inkiray buu ninkii  ogiba yaabaa e


Suufiya aqoon yaridi bay                               la inxiraafeene

90) Ictiqaad xun baw baxay markay           asalki tuureene

91) Anwaacdii shirkiga oo dhan bay            aaminahayaane

92) Odayey ilaaheynayaan                      Owliyiyo shiikhe

 

93) Addoon suubban “Jeylaani” waa          loo aqoon jiray e

94) Shirki laguma eedeynin iyo               iilashiyo ceebe

95) Islaam iyo wuxuu uunka baray             aayad iyo diine

96) Maantana “Ilaah” oo kalaa                qaar ka aaminay e

 

97) Qabrigii Awees dheere                     baa la ictikaafaa e

98) Uluuf iyo uluuf buu nafluhu             ku ururaayaa e

99) afaaciil ilaah necebyahay                  ku ag sameeyaane

100) Owlaad iyo wax laga dhowrayaa             ariyo geelii e

 

101)
Barkhadlaa umuuraha culcul                         loo
irkanayaa e

102)
“Heemaa” la aga yuururaa                             odaga
Baar dheere

103)
“Ina Faarax aw- jabarti”
iyo                         
“Ooyaayiyo
Nuure”

104)
”Ow-Cismaanna”waa imanayaan                  ururka
sheydaane

 

105)
Arligeeni Awthaanti bay                               Aad
u badiyeene

106)
Iyagiyo asnaamtii “Qureysh”                         Waa
isku axkaam e

107)
Allow suuli amarkaagi bay                            ku
iftiroodeene

108)
Allahayow rag iimaan lehoo                          adag
u soo aadii

 

109)
Aakhiro raggii tegey aduun                            kama
adeegaane

110)
“Barzakh” lagu albaabaa
jiroon                     axadna dhafeyne

111)
Ergo kuma maqnee aakhiray                          u
intiqaaleene

112)
Arwaaxdoodi waa lala tegoo                         oogadii
maqan e.

 

113)
Rabbigii
iyaga uumay bay                             u intahoodeene

114)
Abaalkay lahaayeenna waa                            wada
arkaayaane

115)
Waxay ku istareexeen
jannada                      udugga weyneyde

116)
Ama ololka naareed ayey                              ku
indha beeleene

 

117)
Idinkaa is daalinahayee                                 Arrimihiin
mooge

118)
Hadii ay itaal leeyihiin                                   iil
ma geliyeene

119)
Aboor kuma idleysteen
qabriga                     owdan gudihiisa

120)
Adduunkay lahayeen rag kale
kama adeegeene

 

121)
Ninka eheladiisii gaboo                                 iilka
yara jiifa

122)
Kan adduunyo weydiinhayaa                        amar
xun haystaa e

123)
Awoowow hadaad leedihiyo                        owliyooy
kaca e

124)
Inaad eeddo mooyee anfaco                         kama
arkaysaane

 

125)
Istiqfaarka ehelkiisa waa                               loo
idmahayaa e

126)
Inaad uunka akhiro wacdaa                           waa
islaam li’iye

127)
Axkaamtii adduunkiyo ka
tage                     arrimihiisii e

128)
Sidee kuu ajiibaa hadaan                               ereyba
gaadheynin

 

129)
Ilaahii iyaga uumay baa                                 oofsadoo
dilaye

130)
Irzaaqdii addoonkiisa waa                             kii
ogaan jiraye

131)
Aadane muxuu ii taraa                                   aakhiro
u guray

132)
Afkaartii maxaa rogay
caqliga                       aragtidiisii e

 

133)
Suufiya axwaasheedu waa                            aafo
iyo ceebe

134)
Iimaan haduu jiro sidaa                                 uma
ekaadeene

135)
Adillada ma dideen cilmiga                           loo
akhrinayaa e

136)
Bal maxay Islaam ula bexeen
weys arka hayaane

 

137)
Iska jira ilaahnimadi bay                                Axad
u diideene

138)
Iska jira waxay uunka geyn                           ololka
naareede

139)
Iska jira shayaadiin insigu                              waa
anfaca done

140)
Iska jira askartii ibliis                                     ururshey
weeyaane

 

141)
Dawladihii Islaam sheegan
jiray                    waanu aragnaa e

142)
afka dhaafi waa ereyadey                              ku
andacoodeene

143)
Kufri baa aqoon looga
dhigay                       la ictiqaadaa e

144)
Ujeedooyin kooduna ma aha                         inay
islaamaane

 

 

145)
Astaan weeye aan agab
lahayn                      umuradoodii e

146)
Aqoon laaweyaal aan talada                          aaddan
garanayne      

147)
Waa niman qalbigu owdmey
oon                  aayad galaheyne

148)
Iyagoo indhaha beeley bay                            amagsanaayaane

 

149)
Sharcigii abbaaraa ayay                                 aga
maraayaan   

150)
Ilaah ay adeecaan ma jiro                              Orobbo
mooyaane

151)
Ilbaxnimo waxay moodayaan                        waa
indha la’aane

152)
Afkaar weeye gaal ururshay
iyo                    tala ibliisaade

 

153)
Dad
baa umaro moodaaya iyo                       odayo waaweyne

154)
Waa wada adoon jilicsan iyo
ey rabbaayada    

155)
Istiqlaal maloo odhan
mayaan                       sida abbaareyde

156)
Orgi geesalaa dhaama iyo                              owrka
reeraha e

 

157)
Iyagoo Ilaahood nacay                                  gaal u ololaane

158)
Ehelkii nasaaroobay baa                                aaminoo
raba e

159)
Iyagow akhriyey qurunka ay                         nagu
afuufeene

160)
Illayl iyo dharaar bay baraan
aragti shaydaane

 

161)
Askar weeye amarkooda bay                         aad
u sugayaane

162)
Halkii loo ishaaray durbaba                           orod
ku gaadhaane

163)
Islaamkiyo waxaa lagu diraa
eheladiisii e

164)
Ifki kama xishooodaan Inay                          been
unkahayaane

 

165)
Iimaan haduu jiro sidaa                                 uma
ekaadeene

166)
Amarkiyo axkaamtii Ilaah                             kama
ilduufeene

167)
Cilmi uma aqoodeen kufriga                         aragtidiisii
e

168)
Bal maxay Islaam ula baxeen                        ways
arkahayaane

 

169)
Arlo gaalo iimaan nin lihi                               kuma
adkeysteene  

170)
Ikhtiyaar ma yeeshoo hijraa
la’is amraayaa e

171)
Meeshii Islaam jiro inuu                                 aado
bay tahaye

172)
Haday afar yihiin waa inuu                           shan
ku ahaadaa e

 

 

173)
Iyaguna uluuf iyo uluuf                                 bay
ku urureene

174)
Kuwii naarta loo uumay bay                          aga
wareegaane

175)
Waxaa loo adeegaa kuwii                              aayaddii
nacaye

176)
Irzaaq iyo wax laga
dhowrayaa                     Amarki maalmeede

 

177)
Ubadkii lunshoo waxay
bareen                     aragti gaaleede     

178)
Fidradii illowsiiye iyo                                    iraddi
towxiide        

179)
Iyagoo arkaayaa kufrigu                                ababinaayaa
e

180)
Daayeerro baa edeb bariyo                            uubatiyo
yey e

 

181)
Iimaan haduu jiro sidaa                                 uma
ekaadeene

182)
Indho looma taageen kufriga
aqalladiisii e

183)
Bal maxay la aadaamayaan                            aayaddii
nece e

184)
Bal maxay Islaam ula
baxeen                        ways arka hayaane

 

185)
Haday dumar islaamnimo
rabaan                  ways asturayaane

186)
Oogadooda oo idilna waa                             owdanahayane

187)
Jalaabiibtu waa amar Alliyo                           Aayad
iyo diine        

188)
“Axzaab” iyo waxay noogu
taal                    aayadaha “nuur” e

 

189)
Akhlaaq waajibaysaa jirtiyo                           aqal
la joogaa e       

190)
Aamuskiyo waxaa lagu
yaqaan,                    erey yaraantii e

191)
Afxumiyo ajnabi lala hadlay                          ka
istixyoodaane    

192)
Ehelkana waxaan edeb
ahayn,                       lama ay aadaane

 

193)
Ubadkey Islaamkiyo baraan                          asalladiisii
e      

194)
Adkaartey badshaan oo
cilmay                     urursanayaane

195)
aakhirkisa leylkay salaad                               ula
istaagaane      

196)
Ilqabowsi weeyee Allow                               badi
anwaacdooda

 

197)
Maantana adduun weys
beddeley                 arrimihiisii e

198)
Dumar aan Ilaah iyo aqoon                            aayad
baa yimide        

199)
Af guduudan, ooga qaawanoo                      aan
indhaha laaban       

200)
Illayl iyo dharaar bay
sidii                             niman ordaayaane

 

201)
Orobbada indhaha beeshay
bay                     isku ekeeyeene

202)
Ilbaxnimo waxay moodayaan                        edeb
xumaantii e

203)
aqalkii lunshoo ubadki waa                           kala
irdhoobeene

204)
Jirri iyo waxay ababiyeen                              Ubadki
waallaa e

 

205)
Iimaan haduu jiro sidaa                                 uma
ekaadeene

206)
Arrad aan ilaahoodu badin                            kuma
abaadeene

207)
Afka nooma buureen markii                          aayad
loo dhigo e

208)
Bal maxay Islaam ula baxeen                        weys
arkahayaane

 

209)
wadaaddadi  aqoon iyo
labiday                    aragti dheeraada

210)
inta badan abbaartii gafoo                             seege
amarkii e

211)
mar horay ammaanadi
lunsheen                     lagu ogsoonaa e

212)
axdigii ilaahood la  galay                               oofin
mahayaan e

 

213)
runta kama abbaarraan
markay                      arrini joogtaa e

214)
aayaduhu siday oranayeen                             kuma
iftoodaan e

215)
inbay muujiyaanoo inbay                               kaa
asturayaan e

216)
axbaartii yahuudowdey  bay                         dhaqan
ekaadeen e

 

217)
ishraagiyo ifsaadkii jiray                                ka
indho laabteene

218)
oraahbaa islaam lagu ahaan                            bay
aqrinayaane

219)
kuwii Naarta aadaayey bay                           sii
anbinayaae

220)
jano bay ansixiyeen inay                                aakhir
gelayaane

 

221)
irjaa bay islaam uga
dhigeen                          asalladiisii e

222)
aqwaashii “Karraamiyadi”
bay                      sii ilbixiyeen e

223)
“Jaham” kii inkaarraan
jiray                           aragti raaceen e

224)
afkaar aan hor loo aragna
waa                       soo ifbixiyeen e

 

225)
anbiyada ilaaheen diroo                                 aayadaha
siiyay

226)
koodii ishraag fala
“Jannada”                        lama ag geeyeen e

227)
“Sumar” iyo “ Ancaam”baa
dhigoo               la aqrinaayaa e

228)
maxaa loo inkiri waa quraan                          ereyadiisii
e

 

229)
ujeedooyinkood waa adduun                        inay
ku aayaan e

230)
orod bay waxay ugu jiraan                            ururintiisii
e

231)
ahdaaftoodi baa gaabatoo                             iishe
nimankii e

232)
owlaad iyo wax lagu
faanayaa                      aqallo waaweyn e

 

233)
eygii “acraaf” lagu matalay                            aad
usoo baday e

234)
adduun lagama oon beelayee                         wow
aqoon xumo e

235)
adoo u ijtihaadaaya bay                                 go’i
arwaaxdii e

236)
imtixaanna waa imanayaa                              olol
cadaabeed e

 

237)
ninka gaalo ehelsanahayoo                            ka
agdhawaanaaya

238)
oo ururka towxiidka  wada                            xumi
la aadaaya

239)
afka kula dagaallamahayiyo                          addimadiisiiba

240)
islaamnimada uu sheegayaa                           aabi
sow ma aha?

 

241)
umaddaa ilaaheenna weyn                             diiddey
amarkiisa

242)
inta orobbo raacdiyo  intaa                            owliyada
tuugi

243)
afka waa kawada sheegayaan                        inay
islaameene

244)
shirkigana inay aamineen                               waa
ogsoonnahaye

 

245)
ashahaado aan wadan ikhlaas                        waa
aqrinayaane

246)
kufri iyo islaamnimadi bay                            ururinaayaan
e

247)
ishraag iyo acmaal saalixay                            wada
adkeeyaan e

248)
maxabbada ilaah iyo ibliis                              waa
ka aragnaa e

 

249)
mana oga in iimaanku yahay                          udubka
towxiid e

250)
mana oga  ikhlaaskii  inay                              eber
ka joogaane

251)
mana oga acdaadii ilaah                                 inay
ahaadeene

252)
mana oga inay ehel noqdeen                          ururki
shaydaane

 

253)
mar haday axwaashoodu tahay                     amar
la diidaayo

254)
diintiina laga iishayoo                                    laga
ugaaroobay

255)
odayadu oraahday dheheen                           la
ixtiraamaayo

256)
iimaan ka guuree  miyay                                erey
ku liibaani?

 

257)
milladii  ibraahiim ka
tegey                            Saatan ma ahayne

258)
mushrik iyo midkii
ehelsadaa                        waa isku axkaam e

259)
aayadaa is raacsheye annagu                         ma
iftarooneyne

260)
Maa’ iddaan ku aragnaye
maxaa                   nalagu eedeeyay?

 

 

261)
aayaduhu addillo weeye oo                           ku ambin maayaane

262)
waxay noo ishaareen inaan                            beri’
ahaanaa e

263)
iyagiyo ishraaggey wadaan                            ka
agfogaa naa e

264)
aayaddaanu raacnaye  maxaa                        nalagu
eedeeyay?

 

265)
odagii “Musaylama” markuu                         uunka
luminaayey

266)
anbiyada ilaah iyo waxyiga                           ku
iftiroonaayey

267)
Abuu Bakar afcaashuu
layimid                     waa ogsoonahaye

268)
ashahaadadoodiyo  ma dhugan                     ereyadoodii
e

 

269)
khaalid oo amiiruu diriyo                               ururro
waa wayne

270)
askartiisu waa tay kufriga                              eber
ka yeeleene

271)
waa lagu ammaanaye
“Takfiir”                      kuma ahaaneyne

272)
asxaabtaanu raacnaye maxaa                         nalagu
eedeeyey?

 

273)
nimankii sakkada eeday oo                            aayadaha
diiday

274)
ashahaado waa qirahayeen                            inay
islaameene

275)
aadaan ma diideynin iyo                                amar
salaadeede

276)
Abuu Bakar oraahduu ka yiri                        waa
tan la ogaaye

 

277)
afka kama u eegeynin  iyo                             erey
la sheegaa e

278)
asaxaabadii  buu kacshiyo                             ururradiisii
e

279)
axad uga ogaal badan
majirin                        arinka diineede

280)
waa lagu amaannaye
“Takfiir”                       kuma ahaaneyne

 

281)
Siddiiq baa iftoodaye maxaa                         nalagu
eedeeyey ?

282)
uswadeenni weeyee maxaa                            loola
amakaagay ?

283)
maxaa nalagu eersaday
hadaan                      raacnay amarkiisa
?

284)
iimaan Allaa bixin karee                                edebta maan dhowrno

 

285)
Saba’ iya akhbaarteeda waa                          la
aqrinaayaa e

286)
kuwii Cali ilaahaynayoo                                isu
adoomeeyey

287)
ashahaado waa qirahayeen                            inay
islaameene

288)
aadaan madiidaynin iyo                                 amar
salaadeede

 

289)
markii uu inkiray waysagii                             oogta wayn shidaye

290)
ololbuu ku riday gaalo waa                            cadow
ilaaheene

291)
waa lagu amaanaye “takfiir”                          kuma
ahaanayne

292)
amiirkaa iftoodaye maxaa                              nalagu
eedeeyay ?

 

293)
waagii “tataar”ururay oo                                weerarka
ekeeyay

294)
aayadaha in bay diidayeen                            inay
adeecaane

295)
istikbaarka waa lagu ogaa                              umaradoodii
e

296)
afna waa ka sheeganahayeen                         inay
islaameene

 

297)
“ibnu taymiyaa” noo ahaa                              odaga
diineede

298)
ashahaadadoodiyo  ma dhugan                     ereyadoodiiye

299)
iftaduu ka yiri waa midaan                            lagu
illaawayne

300)
ololaha dagaal aad uwayn                             buu
abaabulaye

 

301)
ururkii  dagaallamahayuu                               awalka
taagnaa e

302)
unuunkay jareen waa kufaar                          buu
iftoon jiraye

303)
waa lagu amaanaye “takfiir”                          kuma
ahaanayne

304)
uswadeena weeye maxaa                               nalagu
eedeeyay?

 

305)
imaam Muxammad  sida uu
ahaa                  waa ogsoonnahaye

306)
ishraaggii adduunkii
ba’shuu                         aad uweeraraye

307)
owthaanna eber buu ka
dhigay                      aqallo shaydaane

308)
addin iyo af  buu kala
hortagey                     ururradoodii e

 

309)
islaambayna wada sheegayeen                      inay
ahaayeene

310)
shirkibuu arkaayee oraah                               kama
u eegeyne

311)
marna kama  asmicin
ereyaday                      ku andacoodeene

312)
waa lagu amaanaye “takfiir”                          kuma
ahaanayne

 

313)
kashfiguu allifay haatan
baa                          la akhrinaayaa e

314)
eeg eega  iftiroonmayee                                 waa
ogsoonahaye

315)
imaamkaannu raacnaye maxaa                       nalagu
eedeeyey?

316)
runta waa  abbaaraye  maxaa                         loo
asmici waayey?

 

317)
acmaal gaalo lama eego iyo
Ereyadoodii e

318)
aasaas markii loo dhisuu                                Aqalku
joogaa e

319)
geedkuna  ahaan waa
haddaan                      Xidid adkeyneyne

320)
asalki haduu go’o farcigu
Waa angagayaa e

 

321)
masjid
lalama aadiyo                                       Salaad loo addimayaa e

322)
istiqfaarna loo diid
midkay                           Dhimasho eegtaa e

323)
illaahii abuuraa  niciyo
anbiyadiisii e

324)
awalkii  “bara,aa “ lagu
dhigaye                    arag daliilkeeda

 

325)
mumtaxina waxaa laga
aqriyay                      arrimo waaweyne

326)
haweentaan ilaaheed aqoon                           aaditaan
malehe

327)
ubad lalama yeelanahayiyo                            aqal
lajoogaa e

328)
geyaan  kuu ahaan meyso iyo                        sowjad
aamina e

 

329)
waxse lays amraayaa inaad                            ku
ijtihaadaa e

330)
Rabbi aayaddiisiyo labaro                             amarradiisii
e

331)
aqbalkii hadii laga
la,yahay                            ood kasoo rogo,e

332)
albaabkaaga xiro waa Ibliis                            eheladiisii
e

 

333)
haweentii islaamtoo ilaah                               raacda
amarkiisa

334)
addoon weeye Rabbigeedna
waa                 inay addeecdaa e

335)
waa inay odaga reerka wada                         u
aqrinaysaa e

336)
iftiinkaa ubaxay waa inay                              arag
tiraahdaa e

 

337)
hadii uu inkiro oo islaam                                eegi
kari waayo

338)
aqal uma dhisnaanaayo iyo                            ubad
lahaystaa e

339)
adeeg uma banaaniyo inay                             oori
noqotaa e

340)
waa inay arlada waasaca ah                           aayad
barataa e

 

341)
islaax kama furree odagu
waa                       inuu islaamaa e

342)
istikbaar ibliis baa
kugalay                             olol cadaabeede

343)
maxay eed kuleedahay haday                        aayadaha
raacday?

344)
xaqqiibaa eryaayee maxaa                             loo
ayidi waayay ?

 

345)
aqal dumaya oday ciil
qabiyo                        ubad dhawaaqaaya

346)
imtixaan adduun gabadha waa                      ugu
fillaadaa e

347)
xaqse waa adkaadaa markuu                         uurka
kaa jiro e

348)
af markii u yahay waa
midaan                       sii ahaan  Karin e

 

 

349)
Dabiixada  axkaamteedu waa                        amarro
diineede

350)
Islaam iyo waxaa loo shardaa                        magac
ilaaheene

351)
Ehelkii kitaabada horaa                                 la
istithnoodaa e

352)
Gaalada anwaacdeeda kale                           waa
isku axkaam e

 

353)
“wamaa uhila”  ilaaheena
weyn                     isinki mooyaane

354)
afka  haysku saarina  wixii                             uu
ardaal qalo e

355)
mar haduu ilaah kale yaqaan
oonti waa qurun e

356)
adkaar tiisa lama eego iyo                              ereyadiisii
e

 

357)
Orobbana axqaaddii horaa                             aasan
waligeede

358)     Waayo
laga adkaa baa jiroo                           ciil la ololeene      

359)     Utuntii
ma deyn ee haday                             aarsanahayaane

360)
Uurkaa huraayoo Islaam                                eegan
mahayaane

 

361)
Tuugada iftiinkaa dhiboo
uma adkeystaane

362)
Argagixiso mooyee wax
kale                         uma arkaayaane       

363)
Taariikhday aqoon aan
yarayn                       ka akhrinaayaane

364)
Islaam runa addoon noqon
mayey                 aaminahayaane

 

365)
Inay orobbo suushey u
baqi                           ururka sheydaane         

366)
Waayo bay waxay soo
arkeen                       arrimo waweyne           

367)
Cumar iyo Abuu-Bakar
Siddiiq                     ururradii Khaalid        

368)
Aabbaha Cubeydiyo ragguu                          bixiyey
iimaanku

 

369)
Eelkii qabsaday waayadey                            seeftu
ololeysey                                    

370)
“Yarmuuk” iyo “Ijnaadeyn”
wixii                
meydad
urey yiillay

371)
Uluuf iyo uluuf buu u go’ay                          ururki
weynaa e                                     

372)
Aakhiro rag doonaaya iyo                             aarar
baa helay e

 

373)
Argagaxa imbaradoorka helay                       uunku wada yaabye                

374)
Urdun iyo Arligii khayrka
qabay                  
orod
ku sii dhaafye

375)
Sida loo eryadey buu ninkii                           ogiba
yaabaa e

376)
Waa akhbaar markii ay
arkaan                       la il darraadaane

 

377)
Iskandariya askartii Allaa                              Gaalo
ka eryootay                             

378)
Ifriiqiyiyo waa tii la
tegey                             arligi weynaa e                                  

379)
aasaaska qiirwaan markii                               udubka
loo tagay                             

380)
Istikbaarka gaalada ayey                               ka
istareexeene

 

381)
Atlaantigga ayaantii
lategey,                         orobbo loo
guurye                                  

382)
Akhbaartuu ka tegey
“Daariq”waa                lama illaawaane     

383)
Quruun
baa Andulus lagu xukumay              
aayad iyo diine

384)
Ardayday u soo diran jireen
aqalladeennii e

 

385)
Amiirkii salaax oo kaley                                abid
ka yaabaane                                    

386)
Allaah ha u arxamo waa
Islaam                     inan rumaysnaa e

387)
Orobboo an kala harin markay
weerar ka ekeysay              

388)
Waa kii ogeysiis Jihaad                                  aaladda
u sidey

 

389)
Saliib bay u ololeynayeen                              inuu
adkaadaa e                                

390)
Ha yeeshee Islaamkaa kor
maray                   aayad iyo seefe                           

391)
Ururkii “Xudeyn” buu ku
jabay                    gaal abaabulay e                    

392)
Waa tay arliga buuxiyeen                              meydadkii
uray e

 

393)
“Quddus buu awood uga
furtiyo                  idin Ilaahiise                           

394)
Usaariyo addoomuu ka
dhigay                      orobbo waagaa e                

395)
Inyar baa wax lagu iibin
jiray                        askarahoodii e     

396)
Ingiriisku odaygay wateen                            eedyey
kibirkii e                                       

 

397)
Aar libaax ahaan
waayeyoo                           Isinki beenowye        

398)
Oogadaa gariirtaa layiri                                 odaga
maantaa e                   

399)
Istillaab anfici weydeyiyo                             seddex
ilaahiisa                      

400)
Aayar inuu isaga, guuro baa                          la
ogolaysiiyey

 

401)
Eelkuu ku dhigay “Faatix”
waa                     lama illaawaane

402)
Istambuul awood uga
heliyo                         aayad iyo seefe            

403)
Orobbada Bulqaan oo dhan
baa                    raacday amarkii                        

404)
“Owstarina” waa tii u tegey
ololeheennii e

 

405)
Awood iyo aqoon waayadaa                         naguma
aadeyne                                          

406)
Akhbaar weeye goortey
arkaan                     la il darraadaane                           

407)
Ciil bay la ololaan markay                             abid
xusuustaane                                        

408)
Waa ashraar axqaad raagtey
oo                     aasan kuu wada e

 

409)
Intay kaa rabaan waa adoo                            gaalka
aamina e                                            

410)
Addoonkooda adigoo
noqdiyo                     eyga daba jooga       

411)
Axkaamtooda adigoo bartoo                         aayaddii
naca e                                            

412)
Adigoo umuuraha xarriman                           lagu
illowsiiyo

 

413)
Hadii ay intaa kaa helaan                               kuma
eryaayaane                               

414)
Ammaantaada bay
badinayaan                      goor iyo ayaane                     

415)
Adeerriyo waxay kuu ahaan                          ehelladaadii
e                                           

416)
Afka bay ku siin iyo wuxuu                          uurku
kuu rabo e                                           

 

417)
Asal raac hadaad noqoto iyo
aayaddiyo
diinta                                             

418)
Argagixisadoodaa tihiyo                               wiil
irhaabiya e                                       

419)
Waa ku wada
ugaarsanahayaan,                    ururka sheydaane

420)
waa ku wada unuun
goynayaan                    waa acdaa wuxu e

 

421)
Dad baa aaminaayoo u qaba                          ehelu
kheyrkii e                                             

422)
Halkee orobbo loo mari
ayey                        uurka ku hayaane                               

423)
Ubadkii rag baa geeyey iyo                           aabbihii
dhalay e                                         

424)
Bal ogow umuurtey wadaan                          aramidey
reebto

 

425)
Ahdaafteyda kii
doonayow                           waa islaamnimo e                 

426)
Uswadeydu nabigii Alliyo                             waa
anbiyadii e                             

427)
Aayaddiyo axaadiista baan                           amar
ka qaataa e                                           

428)
Asallada shreecada Alliyo                             udub
dhexaadkii e

 

429)
Asaxaabadii baan wataa                                aragtidoodii
e                                         

430)
Ictiqaadka iyagaan arkaa                               inay
asiibeene                                 

431)
Axaadiis amaaneysa iyo                                aayadaa
jira e                                  

432)
Inay a’immadeydii yihiin                               wow
aqoonsadey e

 

433)
Ehelkii sunnada raacay
baan                          eego leeyahay e                             

434)
Imaam “Maalik” inankii
“Idriis”                    amase Aw-zaaci                      

435)
Axmed iyo Isxaaq iyo
Sufyaan                     a’immadii diinta

436)
Aqwaashooda waanqaban waxay                 ka
ijtihaadeene

 

 

437)
Addilladu markay muuqatoo                         aayaddu
caddaato                                              

438)
Aadane in loo tacasubaa                                waa
aqoon xumo e                                             

439)
Shirki bay albaabkiisa
tahay                          Aafo iyo ceebe                              

440)
Waa axbaarta adigoo ka
dhigay                    sida ilaahaa e

 

441)
Gaalada ikhwaan kama dhigtiyo
ehelladeydii e                              

442)
Koluu yahay adeerkey runiyo                        Aabbe
iyo wiile                               

443)
Mar haduu inkiro oo xaniif                            ila
ahaan waayo                         

444)
Waa inaan arliga waasaca ah
kala aroornaa e

 

445)
Ruuxii Ishraagiyo ka taga                              ehelladiisiiba

446)
Isir kama an eegaayo iyo                               aabbihii
dhalay e                         

447)
Haduu yahay Amxaar dhalada
iy                  inan Amriikaan a                         

448)
Waa inaan Ilaahay dartiis                              ehel
ka yeeshaa e

 

449)
khilaafada  islaanimada
baan                         xaq u arkayaa e                             

450)
dowlad aan abbaarteeda
marin                      waa inkirayaa e                             

451)
ansaarteeda noqon mayo
iyo                         askaraheedii e                             

452)
waa waxaan marnaba ii ekeyn                       inaan
addeecaa e

 

453)
Aayado “Takfiir” iima bixin                          iyo
axaadiith e                                           

454)
“Anwar” iyo Atbaacdiisi baa
sheegey
ereygaase                                       

455)
Been lagu idaaceeyo waa                              jaahil
alabkiise                                           

456)
Cay bay itaal bidi markay                              addillo
waayaane

 

457)
Annagaan nin iimaan ka
lumay                      edeb ka dhowreyne                   

458)
Anbiyada afxumidii la yiri                             dhaaxa
la ogsoone                            

459)
Uswo kale hadaynaan lahayn                        iyaga
mooyaane                   

460)
Waa inaan adkeysigi badnaa                         uga
ekaannaa e

 

461)
Xizbigii Ilaaheennu waa                                ehelka
Towxiide                              

462)
Ninkii xumi la eegana hayaa                          iishay
oo lumay e                                 

463)
Islaam baan u jiraheynin
iyo                          agab salaadeede

464)
Isagoon abaal u erganayn                              aakhiruu
imane

 

465)
Jaxiim ololi iyo waa la
geyn                           edeg ciriiryoone

466)
Istillaabta ehelkeeda bay                               isku
arkaayaane                      

467)
Fircown iyo Abuu-Jahallo
bay                       ollog wadaagaane                      

468)
Ibliis baa u wehel
yeelayiyo                           ururradiisii e

 

469)
Ummaddaan awoodeedu waa                       aayaddoo
qura e                           

470)
Insilaakh haduu dhaco
kufriga                       baa la hoos imane                   

471)
Waa sunno ilaaheen dhigoon                         eexasho
aqoone                        

472)
Taariikhna waa laga
akhriyey                        kii og baa garane

 

473)
Addunkana Islaam baa u hari                        waa
nusuus adage                   

474)
Afka laguma damin karo
Iftiin                      uu Ilaah wado e

475)
Bi’idni-laahi iimaan ragloo                            aarsadaa
imane                       

476)
Bi’idni-laahi amarkii
Alliyo                           aayaddaa talin

 

477)
Soomaali urur  weyn leh
iyo                          aalad iyo xoogag                         

478)
aduunyada mar bay soo
martoo                     waa tan la ogaaye                          

479)
sida ay axwaashii
ahayd                                nagama  owdnayne                            

480)
afkaar gaalo laga keenay
bay                         uunka barayeene                        

 

481)
ishtiraaki yey oran
jireen                                waa islaanimo e                        

482)
ubadkey ilxaad iyo
bareen                             erayadii “liinan“                        

483)
“Maarkis“ baa abwaan laga
dhigiyo              gaalki “Aangalis” e

484)
odayaa u heesiyo kuway                                “Ubax”
lahaayeene

 

485)
addoommada ilaahooda
weyn                       u ogolaan meyne                            

486)
“ Islaamkaa” la doon dooni
jiray                   eheladiisii e                    

487)
istikbaar  arliga lagu
maraa                            aad usaa iday e                       

488)
is addoonsi baa jiri
jiriyo                               amar ku taagleyn e

 

489)
“Aabbow” waxay oron
jireen                        oday  an toosneyne                 

490)
na hoggaami abidkaaba
waan                       ku aqbalaynaa e                       

491)
in yaroo islaamtoo
cilmiga                             aragtay mooyaane                      

492)
waxay wada adeeceen
kufriga                      umaradiisii e

 

493)
dabadeed  ilaah baa
ridoo                              eelki baa yimide                        

494)
aadane asbaab weeye
oo                               lagu adeegtaa e                       

495)
afganbiga ku dhacay waa
ilaah                      amarradiisii e                       

496)
isagaa albaabbada  uxiray                              eede
nabadii e

 

497)
ummadaan islaamayn
waxbaa                       lagu asiibaa e                       

498)
waa sunno ilaaheen dhigoo
aayadaa  yiri e                        

499)
ciqaabaha  ka iman karaa
ilaah                       waa uluuf badan e  

500)
saddexdii  “Ancaam” bay
iyagu                    ku ibtiloobeene

 

501)
isir isir  ukala reeb
hadday                             urursanaayeene                        

502)
aalad buu isugu dhiibay iyo                           olol
rasaaseed e

503)
eeyo waalan baa laga
dhigiyo                        uubatiyo weere                     

504)
Orobiyo Afrika yaabe    iyo                           Aasiyoo
idil e

 

505)
abaal marin cadli ah weeye
iyo                     reer istaahiley e                     

506)
imtixaan rabbaani ah hadduu
aadanaha maago                         

507)
indhihii daboolnaa
inbay                               arag uyeeshaane                     

508)
wax la eegi ururradu
inay                           dib u islaamaane

 

509)
halka laga asiiba ma
oga                                odoyadoodii e                       

510)
istiqfaarsi laga waa
inay                                 dib isu eegaane                       

511)
amnigii  ilaah qaaday
bay                              Orobo waydiine                     

512)
ehelkii nasaaroobay bay                                 u
ashtakoodaane

 

513)
amag amag cidla ah bay
hayaan                    umaradoodii e                          

514)
hadba  ummad habawday
baryada                u agfariistaane                         

515)
dowlad uu “Ibliis”
talinayoo                        
aayad laga dhowray

516)
Amriikaan addoon looyahay                         aad
usagayaane

 

517) “Es” “Es” tooda badan gaalnimay      tahay astaanteede

518) halka laga addoonsanahayaa            laga arkaayaa e

519) iimaan hadday leeyihiin                 abid ma sheegteene

520) “Eldoreed” ma aadeen kufriga                  aqalladiisii e

 

521) sidee khayrba uga aaminnaa      iishe nimankii e

522)  Allow talada ehel uma ahee      aayar naga leexi

523) Allow  aayaddaan doorannaye              adigu noo hiilli  

524) Allow  sahal  umuuraha adaan          axadna moogeyne

  

525) nin adduun u go’ ay Aakhiruu            ka indha beelaa e

526) askartii ibliis  lagama sugo                 aayad iyo “Diine”

527) Allow xooji Iimaanka  iyo                     eheladiisii e

528) ansaartaadi  noo bixi raggii                 aaminka ahaa e