Qaybta 4aad darsigii ahaa: Dastuurradu maxay noo sidaan ?
Waxaa ku soo arooray dastuurkii lixdanka:
“المادة29: حرية الفكر“
]لكل فرد الحق في حرية الضمير والمجاهرة بدينه بحرية وأن يمارس عباداته وينشر تعليمه مع مراعاة الحدود التي قد يقررها القانون للآداب والصحة والأمن العام[.
Oo ah: [qof walba wuxuu xaq u leeyahay diintiisa, iyo inuu u caddaysto diintiisa si xorriyad leh, cibaadooyinkiisana uu guto, tacliintiisana faafiyo, isagoose dhawraya xudduudda, ay dhici karto in qaynuunku u dejiyo aadaabta, caafimaadka, iyo nabadgelyada guud]
Dastuurkii kacaankana waxaa ku soo arooray:
“Qodobka: 31aad” (Xorriyadda diinta)
[Qof kasta wuxuu xaq u leeyahay inuu rumeeyo diinta ama caqiidadii kale ee uu aamminsan yahay]
Kii Soomaali land wuxuu yiri:
“QODOBKA 33AAD”(XORRIYADDA CAQIIDADA)
[1. Qof kasta wuxuu xor u yahay caqiidadiisa, lagumana qasbi karo inuu qaato tu kale. Shareecada Islaamku ma oggola in qofka Muslinka ah ka noqdo caqiidadiisa.]
U fiirso:
Inta danbe waa marin habaabin, iyo sheeko lagu sii jeedinayo wadaaddada dheg weynta ah: (Shareecada lslaamku ma oggola in qofka Muslinka ah ka noqdo caqiidadiisa.) Maxay u oran waayeen:
(dastuurkuna shareecada Islaamka buu meeshaa ku waafaqay intay sheeka ahaan u soo bandhigayaan)
Taa laga sugi mayo, waayo baaqa caalamiga bay rumeeyeen. waxayna meela kale ku caddeeyeen, waxaan qaynuunku danbi ka dhigin danbi ma ahan.
Kii punt land wuxuu yiri:
(Qodobka 12aad) (XORRIYADDA CAQIIDADA)
1.Qofka aan muslimka ahayni xor ayuu u yahay Caqiidadiisa, lagumana khasbi karo mid kale.
2.Qofka muslimka ahi caqiidadiisa kama noqon karo.
Ufiirso:
(caqiidadiisa kama noqon karo.), bay uga hareen, waxay ka aamuseen: (ciqaab ma leeyahay hadduu ka noqdo).
Waayo hadday ciqaab u sameeyaan, oo dil ku xukumaan, sida uu Islaamku qabo, waxay khilaafayaan baaqa kufriga caalamiga oo arrintaa diiddan. Danbi walboo uu dastuurku ka aamusayna danbi agtooda kama aha, qur’aankuba “waa danbi” ha yiraahdee!!.
Tacliiq:
qodobbadaa dastuurka ka mid noqday, waxay bannaynayaan:
1.Qofkii caddaysta inuu Islaamka ka baxay, inaan lala hadli karin, in la dilo iskaba daaye.
2.Qofkii kiristan ama kufri kale faafinaya, inaan lala hadli karin, inkastoo kan Somaali land, iyo kan Punt land, ay faafinta diideen, sababtoo ah waxay la kulmeen saman ay dabayl diineed, soo badanayso.
3.Iyagoo sidaa u baabbi’inaya axkaamta iyo xudduudda qur’aanka bay misana waxay adkaynayaan ilaalinta xudduudda dastuurka.
4.Markay leeyihiin “qof kasta”, kama wadaan qof kasta oo muslim ah, ee waa “qof kasta” oo banii aadam ah, waxayna raacayaan, wixii ku yiil baaqa caalamiga kay u bixiyeen.
(Kan afraad): Xuquuqda iyo waajibaadka:
Islaamku wuxuu ku taagan yahay, mabda’a oranaya:
“Qof Rabbigi rumeeyey, iyo qof ku kufriyey uma sinna xuquuqda iyo waajibaadka. rag iyo dumarna uma sinna xuquuq iyo waajibaad, caddaaladduna waa qof walba intuu sharcigu siiyey in la siiyo”.
-“أَفَنَجْعَلُ الْمُسْلِمِينَ كَالْمُجْرِمِينَ. مَا لَكُمْ كَيْفَ تَحْكُمُونَ” (القلم: 35-36)
-“وَلَيْسَ الذَّكَرُ كَالْأُنْثَى” (آل عمران:36)
Waxaa ku soo arooray kii lixdankii:
المادة 2:
]كل المواطنين متسا وون في الحقوق والواجبات أمام القانون، لا فرق بينهم من حيث العنصر، أو الأصل القومي، أو المولد، أو اللغة أو الدين، أو الجنس، أو الحالة الإجتماعية والاقتصادية، أو الرأي [
Kii kacaankuna waa kan:
“Qodobka: 6aad” (Sinnaanta Muwaadiniinta)
[Muwaadiniinta oo dhan, iyagoon loo eegin lab iyo dheddig, diin, dhalasho iyo af toonna, xuquuqda iyo waajibaadkaba waa u siman yihiin sharciga hortiisa].
Kii ku meel gaarkuna wuxuu yiri:
“QODOBKA 15” (U SINNAANTA MUWAADINIINTA SHARCIGA HORTIISA)
[1. Muwaadiniinta Jamhuuriyadda Soomaaliya oo dhammi way u siman yihiin sharciga iyo faritaanadda Axdiga Ku Meel Gaark ah, wuxuuna qof walba xaq u leeyahay inuu sharciga ka helo badbaadin iyo ka faa’iideysi siman iyagoo aan loo kala saarin midab, dhalasho, luqad, diin, lab/dheddig iyo siyaasadduu aaminsan yahay.]
Kii puntland wuxuu yiri: (Qodobka 11aad) (SINNAANTA DADKA)
[1.Dhammaan dadku waa u siman yahay Sharciga hortiisa.
2.Qofna laguma takoori karo midabka, diinta, dhalashada, jinsiga (gender), jinsiyadda, hantida, fikradda uu aaminsan yahay, siyaasadda, afka iyo isirka.]
Tacliiq:
1.Mar hadduu dastuurku sheego xuquuq iyo waajibaad, haw malayn inuu ka wado, xuquuqda qur’aanku sheegayo, iyo waajibaadka uu dadka saarayo, ee wuxuu ka wadaa tan dastuurku xaq ka dhigayo, ama waajib kadhigayo. Qur’aanka waxyaabaha laga tegi karo bay ku dareen, kitaabka wuxuu waajibiyo uusan qofna ka tegi karin, wuxuu diidana aan la jebin karin agtooda waa dastuurka.
2.Diinta islaamka oo dhan, waxaa laga hormariyey, xorriyadda qofka, oo qof walba waxaa u furan – xagga dastuurka – diintuu rabo inuu galo, taa waxay kuu caddaynaysaa dastuurku inuu tuuray, xuquuqdii iyo waajibaadkii qur’aanku sharciyeeyey.
3.Islaamku wuxuu leeyahay: “iyagoo kala dhalasho iyo kala dhul ah, xarigga dadka isku haynaya waa diinta, iyo kitaabka xudduuddiisa oo la wada ilaaliyo”.
Iyaguna waxay leeyihiin: “iyagoo kala diin ah, baa waxaa isku haynaya waddaniyad, iyo dastuurka xudduuddiisa oo la wada ilaaliyo”.
4.Qof qur’aan raacsan, iyo qof dastuur raacsan, isku ilaahna ma caabudayaan, isku diinna kuma jiraan. Dastuurkana waxaa dejiyey:
“dad diinta iyagoo garanaya sidii looga bixi lahaa ka shaqaynaya”
waxaana loo dejiyey: “dad Islaam sheegta, isagiyo kufrigase aan kala aqoon”.