www.towxiidka.com
  
  
Follow us
RSS
Facebook
Twitter

Qaybta 5aad darsigii ahaa: Dastuurradu maxay noo sidaan ?

(Kan shanaad) Ra’yiga aqlabiyadda:  “Raacidda aqlabiyaddu ma xaq baa?”

Islaamku wuxuu ku taagan yahay, mabda’a oranaya:

“Waxay Allaah iyo Rasuulkiisu ka hadleen, ka tashi ma leh, ee kii khilaafsani haw soo noqdo, wixii kalena meeshii xaq idiin la ekaata raaca, dadku meeshuu u batana baadi waa noqon kartaa”:

(ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لا يَعْلَمُونَ) (يوسف:40)

(وَمَا أَكْثَرُ النَّاسِ وَلَوْ حَرَصْتَ بِمُؤْمِنِينَ) (يوسف:103)

Iyaguna waxay kufaarta ka dhaxleen, dastuurkana ku darsadeen, aqlabiyadda in la raacayo, hadalkeeduna sharci noqonayo, sharci dastuurka ka sarreeya, oo lagu xisaabtamayana uusan jirin. 

Waxaa ka mid ah qodobbada kii lixdankii:

“المادة 55: ]أعمال الجمعية:

1-تتخذ كافة القرارات بتأييد أغلبية الحاضرين إلا إذا نص الدستور والقانون على أغلبية معينة[.

Oo ah: [go’aammada oo dhan waxaa lagu qaadanayaa, ayidaadda aqlabiyadda soo xaadirta, hadduusan dastuurku iyo qaynuunku sheegin aqlabiyad gaar ah]

 

Kii kacaankuna wuxuu yiri: Qodobka:9aad” (Doodaha, go’aanka iyo fulinta)

[1. Hay’adaha siyaasadeed ee la doortaa waxay ku shaqeynayaan, heer kasta oo ay yihiin, mabda’a:

WADARTA DOODAHA, AQLABIYADDA GO’AANKA iyo U WADAJIRKA FULINTA.]

Tacliiq:

Wadaaddada fiirada gaaban qaarkood, waxay ku doodaan: haddaan golaha shacbiga (xildhibaannada), ka mid noqdo, oo markii arrin laga doodaba, siday diintu tiri aan raaco, xaggee baan ka qaldanahay, sow nin xaq sheegay ma ahi?.

Kuwaa waxayan fahmayn:

1.Markii hore inay saxiixeen, aqlabiyaddu inay sharci noo ahaanayso, kufriba ha ahaatee, fulinta aqlabiyadda ra’yigeedana ay dadka kala mid yihiin, sida ay ugu taal dastuurka: (aqlabiyadda go’aanka, iyo u wadajirka fulinta).

2.Fadhigooda ay halkaa fadhiyaan, inuu yahay fadhi diinta lagu dullaynayo, laguna ciyaarayo, taa keligeedna ay kufri labaad tahay, bayan fahmayn.

Waxaad ku garan kartaa, haddii qof aabbihi yiraahdo: “dharka ii feeree, oo boorsada iigu rid ”, hadduu ugu jawaabo: “maya, ee waan ka tashanaynaa, in boorsada laguugu rido, iyo in musqusha lagu tuuro”. Qofkaa inuu aabbihi waxaan munaasib ahayn ku yiri, kuna jeesjeesay shaki kuma jiro. 

Waxaa taa la mid ah, Rabbi baa yiri: “khamrada idiinma oggoli”. Markaa bay yiraahdeen: “waxaa go’aan noo ah, wax walba oo aad na fartid, inaannaan heye iska oran, ee laga doodo: in lagaa yeelo, iyo in lagaa diido, taan u badanno baana shareeco noo ah, ee taada keligeed shareeco aan ku khasbannahay nooma ahan. ” taa inay kufri tahay (كفر إباء واستكبار), yaa diidi kara.

Wadaadka meesha sidaa ah quudka ka jirinayase, waa maxay islaamka u haray, ee uu shinsanayo?.

 

(Kan lixaad) Garsoorka: Maxaa garta lagu kala gooyaa?

Islaamku wuxuu ku taagan yahay, mabda’a oranaya: “wax aan kitaabka ahayn, gar laguma kala saari karo, kii sharci kale ku kala saarana Diintuu uga baxayaa”.

-“وَمَنْ لَمْ يَحْكُمْ بِمَا أَنْزَلَ اللَّهُ فَأُولَئِكَ هُمُ الْكَافِرُونَ” (المائدة:44)

-“أَفَحُكْمَ الْجَاهِلِيَّةِ يَبْغُونَ وَمَنْ أَحْسَنُ مِنَ اللَّهِ حُكْمًا لِقَوْمٍ يُوقِنُونَ” (المائدة:50)

Iyaguna arrintaa lidkeed, bay dastuurka ku qorteen. Waxay yiraahdeen:

“waxaan dastuurka ahayn, wax laguma kala saari karo”

Waxaa ku soo arooray kii lixdankii:

المادة 96 [ضمان سيادة القضاءلا يخضع القضاة عند مباشرتهم لوظائفهم القضائية لغير القانون.]

Oo ah: [qaalliyaashu markay hawshooda gudanayaan, u hoggaansami mayaan,
waxaan qaynuunka ahayn.]

Kii kacaankana, waxaa ku yimid:

Qodobka: 98aad”(Madaxbannaanida Garsoorka)

[Garsoorayaasha Maxkamadaha iyo xeer- Ilaaliyayaashu waa u madax bannaan yihiin hawshooda, lagama qaadi karo xilka, xaaladaha Sharcigu tilmaamay mooyaane, waxayna u hoggaansamayaan Sharciga oo keliya.]

 

Kii ku meel gaarkuna wuxuu yiri: “QODOBKA 55” (MADAXBANNAANIDA GARSOORKA)

[1 -Garsoorku wuxuu ka madaxbanaan yahay hay’adaha xeer-dejinta iyo fulinta marka ay gudanayaan xilkooda garsoor, xubnaha garsoorku waxay u hogaansamayaan sharciga.]

 

Kii Somaliland wuxuu yiri: “QODOBKA 26AAD” (CIQAAB IYO DEMBI)

[1. Ciqaab iyo dembi waa wixii qodob xeer ama qaanuun jideeyey, waxaana reebban in ciqaabta loo fuliyo hab aan xeerka waafaqsanayn.]

 

Tacliiq:

(kow) Markuu leeyahay, Sharciga oo keliya, dastuurka iyo xeerarkiisa soo raaca buu u jeedaa, uma jeedo shareecada Islaamka. Waana iska waafaqsan yihiin dastuurrada oo dhan afgarashadaa.

Waxaa yaab leh, dadka sidaa bareerka ah kitaabkii uga guurey, mid lid ku ahna u samaystay, kuwa u dooda oo ku tiriya inay ku jiraan ehelka tawxiidka.

 

Waxaana badan kuwa baaddilka difaaca, markay qur’aanka fasirayaan, inay yiraahdaan: ibliis hal amar buu diidey, kaafirna ku noqday”.

 

(labo) Dastuurka waxay ku daraan, qodob ay ku dilayaan xammaasad dhici karta inay abuuranto, markii la garto in shareecadii Islaamka toos loo khilaafay.

 

Waa qodobka sheegaya Islaamku inuu yahay diinta dawladda.

 

Kii lixdankii waxay ku qoreen:                                       [3) الإسلام دين الدولة.]

 

Kii kacaankana: Qodobka: 3aad” (Diinta iyo Afka)

[1. Diinta Islaamku waa Diinta Qaranka.]

Islaamka ay sheegayaanna waa kan ay islaam u yaqaanniin, xaqiiqa ahaanse shirkiga ah.

Islaamka runta ah waxay tuureen, markay yiraahdeen:

“awoodda sharci dejinta Allaah ma leh”

“muslim iyo gaal waa siman yihiin”

“aqlabiyadda ra’yigeedaa noo shareeca ah”

“qaynuunka keligi baa wax lagu xukumayaa”

“waxa lagu kulmo, diinta maahee , waa waddanka” Iwm.

Kii Punt land wuxuu yiri:

(8. Habka siyaasadeed ee Dawladda Puntland wuxuu ku saleysan yahay mabaadiida hogaamineed ee:

(b) Shareecada Islaamka.

(t) Xukunka Dadweynaha (Democracy)]

U fiirso: Arrinta hore (Shareecada Islaamka xusiddeeda), waa tan caammada lagu seexinayo, waana iska magac. Arrinta labaadna (Xukunka Dadweynaha “Democracy”), waa tan beesha caalamka kufriyey lagu raalli gelinayo, waana tan ay raadinayaan, inay dabbaqaan.

(saddex) Waxay kaloo ku qoreen kii lixdankii:

[المادة 50: الفقه الإسلامي في ميدان التشريع] [الفقه الإسلامي مصدر أساسي لقوانين الدولة.]

Waa qodob ka mid ah kuwa lagu siro wadaaddada dheg weynta ah. Waxaana ku jira saddex khiyaano:

1-  Kufrigii oo la huwinayo maro diineed, markuu arko (الفقه الإسلامي), oo la xusayo, buu qofku is leeyahay: dastuurku waa diintii oo la qodobbeeyey.

2-  Ma ayan xusin (الشريعة الإسلامية), ee waxay xuseen (الفقه الإسلامي), farqiga u dhexeeyana waxaa weeye: shareecadu waa kitaabka iyo sunnada, oo aan laga heleyn wax qalad ah. Laakiin fiqigu waa fikradaha iyo axkaamta raggu ka fahmeen shareecada. Fahamka raggana qalad laga waayi mayo.

3-  Fiqiga xataa ma ayan oran, keligi baa noo ah, meesha loo laabanayo, markii qaynuun dejin loo baahdo, ee waxay yiraahdeen: “wuxuu ka mid yahay meelaha loo laabanayo”.

(afar) Waxay kaloo shareecada Islaamka u reebeen, arrimaha shakhsiga ah, ee aan saamaynta ku lahayn nidaamka dawliga, iyo hoggaaminta bulshada, sida: guurka, furriinka, dhaxalka, iwm.

Waxayna u bixiyaan: “xaaladaha shakhsiyadeed

Kii lixdankii wuxuu yiri:

[المادة0 3:الأحوال الشخصية]

[1) لكل الحق في التمتع بأحواله الشخصية وفقاً للأحكام القانونية أو العادات الخاصة بها.

2) تنظم الأحوال الشخصية الخاصة بالمسلمين وفقاً للمبادئ العامة في الشريعة الإسلامية.]

Iyadana waagii kacaanka baa loo soo dhigtay, oo la qoray xeerkii qoyska, oo la yiri: “dhaxalka waa in loo simo ragga iyo haweenka”

“furriinkana ninka keligi iskama laha, mana ridi karo”

Jahliga Diinta meesha laga gaarey, waxaad arkaysaa dastuurkii lixdanka iyo kii kacaankuba, markay isku raacayeen:

“awoodda sharci dejinta Allaah ma leh”

“muslim iyo gaal waa siman yahay”

“aqlabiyadda ra’yigeedaa noo shareeca ah”

“qaynuunka keligi baa wax lagu xukumayaa”. iwm.

Wadaad “juuq” yiri lama arag.

Markiise la yiri: “dhaxalkaa la simayaa”.

Wadaaddadii waa gedoodeen, toban baana ku naf weydey bishii kowaad 1975kii.

Tawxiidkii asalka Diinta ahaana looma qiiroon, dhaxalkii oo axkaam farci ahna, waa loo qiirooday.

(Kan toddobaad) Khayraadka dalka:

Islaamku wuxuu ku taagan yahay, mabda’a oranaya: “khayraadka badda iyo berrigaba, waa hanti Allaah leeyahay, dadkana waw idmay, wixii uusan idminna, isagaa sharci ku caddeeya”

 

-“كُلُوا  وَاشْرَبُوا مِنْ رِزْقِ اللَّهِ وَلَا تَعْثَوْا فِي الْأَرْضِ مُفْسِدِينَ” (البقرة:60)

-“اللَّهُ الَّذِي خَلَقَ السَّمَاوَاتِ وَالْأَرْضَ وَأَنْزَلَ مِنَ السَّمَاءِ مَاءً فَأَخْرَجَ بِهِ مِنَ الثَّمَرَاتِ رِزْقًا  لَكُمْ” (إبراهيم:32)

-“قُلْ مَنْ حَرَّمَ زِينَةَ اللَّهِ الَّتِي أَخْرَجَ لِعِبَادِهِ وَالطَّيِّبَاتِ مِنَ الرِّزْقِ قُلْ هِيَ لِلَّذِينَ آَمَنُوا فِي  الْحَيَاةِ الدُّنْيَا خَالِصَةً يَوْمَ الْقِيَامَةِ كَذَلِكَ نُفَصِّلُ الْآَيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ. قُلْ إِنَّمَا حَرَّمَ  رَبِّيَ الْفَوَاحِشَ مَا ظَهَرَ مِنْهَا وَمَا بَطَنَ وَالْإِثْمَ وَالْبَغْيَ بِغَيْرِ الْحَقِّ وَأَنْ تُشْرِكُوا بِاللَّهِ مَا لَمْ يُنَزِّلْ بِهِ سُلْطَانًا وَأَنْ تَقُولُوا عَلَى اللَّهِ مَا لَا تَعْلَمُونَ” (الأعراف:32-33)

Waxaa ku soo arooray kii kacaanka: Qodobka: 42aad” (Khayraadka dhulka iyo badda)

1. Khayraadka dabiiciga ah iyo kuwa badda iyo berrigaba, waa hanti Qaran.

2. Sida ugu habboon oo khayraadkaas looga faa’iideysanayo Qaranka ayaa sharci ku habeynaya.

Kii ku meel gaarkuna wuxuu yiri:

“QODOBKA 67” (KHAYRAADKA DABIICIGA AH IYO ILAALINTA DEEGAANKA)

[1. Khayraadka dabiiciga ee dalka sida macdanta, biyaha, dhirta iyo ugaarta waa hanti Qaran. Sharci ayaana caddeynaya sida dan guud loogu manaafacaadsanayo.]

Kii Punt land wuxuu yiri: (Qodobka 53aad) (KHAYRAADKA DABIICIGA AH)

[1. Khayraadka dabiiciga ah ee Puntland waxaa leh dadka Puntland, waxaana looga faa’iideeysan karaa si waafaqsan sharciga.

2. Dawladda Puntland ayaa ka mas’uul ah ilaalinta iyo ka faa iidaysiga khayraadkeeda dabiiciga ah.]

 

la soco Qaybta Afaraad ee casharkaan halkan riix