(2) Dastuurradu maxay noo sidaan?
1) Marka u horraysa dastuurradu waxay ku salaysan yihiin, waxa ay u bixiyeen:
“Baaqa caalamiga ee xuquuqul insaanka”, iyo “qawaaniinta dawliga ah” wax ka soo hor jeedana ma go’aansan karaan. Tan kale dastuur aan lala fiirin, ama aan loo soo dejin, maba degsan karaan. Sidaa darteed bay dastuurradoodu u noqdeen kufri miiran. Kufriga loo bareeray, oo dastuuriga noqday, waa noocyo badan yahay, waxaase ugu waaweyn, oo la oran karaa, waaba nuxurka dastuurka, saddexdaan nooc ee wada ah kufrigii weynaa:
“Xooridda shareecada Islaamka”
“Xalaalsiga sharci dejinta”
“Xigsashada kufaarta”
Saddexdaa nooc, hal mid oo keliya baa qofka ugu filan Diin ka bixid, hadduu horay muslim u ahaa, bulshadana Diin ka bixid ugu filan, hadday madaxda ku addeecdo. Waxaan rabaa is barbar dhig inaan ku sameeyo, mabaadi’da ay Diintu la timid, iyo mabaadi’da dastuurka kufaarta laga dhaxlay, anigoo tusaalayaasha badankood ka soo qaadanaya, dastuurka lixdanka , iyo kii kacaanka ee soo baxay 1979kii, iyo kitaabka la yiraahdo xeerka ciqaabta soomaaliyeed. Kulligoodna waa isku ujeeddo, waxaana kaaga wada muuqan doona, sida go’aanka burburinta asaaska Diinta meel loo dhigtay, loona adkeeyey, looguna ballamay.
2) Waxaa kuu soo socda wax ka mid ah kufriga, sida cad loogu bareeray:
(Kan kowaad) Awoodda wax jideynt:
“Awoodda wax jideynta yaa iska leh?”
Islaamku wuxuu ku taagan yahay, mabda’a oranaya: Awoodda wax jideynta, iyo talada sare iyo ka talinta nolosha dadkaba, Allaah keligi baa leh:
(إِنِ الْحُكْمُ إِلا للهِ أَمَرَ أَلا تَعْبُدُوا إِلا إِيَّاهُ ذَلِكَ الدِّينُ الْقَيِّمُ وَلَكِنَّ أَكْثَرَ النَّاسِ لا يَعْلَمُونَ) (يوسف:40)
Mabda’aa gaaladu Nabiga (scw), oo jooga bay diideen, marka laga fili mayo, waddan ay Islaam ka urinayaan, inay dastuurka u geliyaan: “Awoodda wax jideynta Allaah baa leh”. Waxay dastuurka u geliyeen arrin taa lidkeeda ah. Si aan qarsoodi ahayn baa loo caddaystay, inay sharciyo degsanayaan.
Kii lixdankii wuxuu yiri:
[الباب الأول ـ مبادئ عامة ـ المادة 1:الجمهورية]
]1[الصومال دولة مستقلة ذات سيادة تامة وهي جمهورية ديمقراطية نيابية موحدة، والشعب الصومالي وحدة لا تتجزأ.
2- السيادة من حق الشعب ويمارسها وفقاً للكيفيات المنصوص عليها في الدستور والقوانين ].
[الجمعية الوطنية ،المادة 49،المهام التشريعية [[المهام التشريعية يمارسها الجمعية الوطنية[
Oo ah:
1-Soomaaliya waa dawlad madax bannaan, leh awood dhammays tiran,waana jamhuuriyad Dimuqraadi doorasho ku dhisan ah, oo midaysan. Shacabka Soomaaliduna waa mid aan qaybsamayn.
2-Awooddu waa xaq shacabku leeyahay, wuxuuna u fushanayaa qaab waafaqsan waxa ku xusan dastuurka iyo qawaaniinta.
Dastuurkii kacaanka ee la soo saaray1979kii, waxaa ku yaal:
Qodobka: 1aad“ (Qaranka Soomaaliyeed)
[1.Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waa Qaran Hantiwadaag ah oo ay hoggamineyso dabaqadda xoogsatada ahi, waana qayb ka mid ah Ummadda Carabta iyo Shucuubta Afrika.
2. Awoodda oo dhan waxaa leh Dadweynaha,
wuxuuna ugu isticmaalayaa isagoo adeegsanaya hay’adihiisa masila.]
“Qodobka: 60aad” (Awoodda sharci dejinta)
Awoodda sharci dejinta Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Soomaaliya waxay gaar u tahayGolaha Shacbiga.
“Qodobka: 67aad” (Awoodaha Golaha)
Golaha Shacbigu wuxuu leeyahay awoodaha soo socda:-
1. Wax ka beddelidda Dastuurka Dalka.
2. Dejinta sharciyada iyo oggolaanshaha go’aannada saameeya horumarka Dalka.
“Qodobka:68aad” (Xilsaarasho Sharci dejin)
1. Golaha Shacbigu wuxuu Dawladda u wakiilan karaa inay ka soo saarto sharci, waqti xaddidan gudahiis, arrimo la isla meel dhigay.
Kii ku meel gaarkuna wuxuu yiri:
“QODOBKA 1:1” (SIYAADDADA DADKA SOOMAALIYEED)
1. Dhammaan awoodda siyaaddada waxaa leh dadka Soomaaliyeed, waxayna ugu dhaqmi karaan si toos ah ama si dadban iyagoo u maraya wakiiladooda, si waafaqsan Axdigaan iyo Shuruucda dalka.
“QODOBKA 28”
1. Dhammaan awoodaha sharci dejinta ee Dawladda Federalka Ku Meel Gaarka ah waxaa leh Golaha Shacabka.
Kii punt land wuxuu yiri: (Qodobka 3aad) (HANNAANKA XUKUUMADDA)
6. Awoodda oo dhan waxaa iska leh dadweynaha, waxayna u idmanayaan mas’uuliyiin ay u xilsaartaan si sharciga waafaqsan. Mas’uuliyiinta dalku waa adeegayaal dadweyne, xilkoodana waxay u gudan karaan oo kaliya sida uu sharcigu farayo ama uu bannaynayo.
Tacliiq:
(kow) Jideysashada khilaafka sharciga:
Shirkiga weyn ee tawxiidku ku baaba’ayo, oo Diinta xaqa ah looga baxayo, waxaa ka mid ah, arrin Rabbi kugu waajibiyey, ama kaa xarrimay, oo aad jideysato khilaafkeed, xeer iyo go’aan dhaqameedna aad ka dhigatid. Aayad baa tiri:
-“وإن أطعتمُوهم إنَّكُم لمشركُون” (الأنعام:121)
قال الإمامُ الطبري: وأما قوله: “إنَّكُمْ لَمُشْركُونَ” يعني: إنكم إذا مثلهم، إذ كان هؤلاء يأكلون الميتة استحلالاً، فإذا أنتم أكلتمُوها كذلك فقد صرتُم مثلهم مُشركين”.
Oo ah:
–Mushrikiintu bakhtiga waa xalaalsadeen.
–Haddaad ku addeecdaanna la mid baad noqoteen.
(labo) Dimuqraadiyaddu waa shareeco iyo nidaam siyaasadeed, oo ay Gariiggii dejiyeen, Roomaankiina ka dhaxleen, kuna dhaqmeen. Dimuqraaddiyad waa erey Gariig ah, macnihiisuna waa awoodda shacabka.
Inayan Diin Islaam ahayn, ee Diin Jaahiliya tahay, waxaa kuu caddaynaya laba arrimood:
1.Dimuqraadiyaddu Nabi Ciisa iyo Nabi Muxammad (عليهما الصلاة والسلام), waa ka wada horreysey, midkoodna dadka ma farin, inay nolosha siyaasadeed ku nidaamiyaan.
2.Mabaadi’da ay sidato waxay lid ku yihiin, mabaadi’da Islaamka, oo ah Diinta Nabiyadoo dhan ay la yimaadeen.
waxaa Dimuqraadiyadda asaas u ah:
1-Awoodda sare shacabkaa leh.
2-Dadkuna waa wada siman yahay, gaal iyo muslim, rag iyo dumar.
3-Dadku waa xor, diintuu rabuu geli karaa.
4-Meesha loo bato baa la jideysanayaa.
Meesha ay ku kala leexdeen labada hadal ee kala ah:
“Awoodda Allaah keliyaa leh” iyo “awoodda shacabkaa leh”. Waxay muuqanaysaa markii golaha shacbiga la soo hor dhigo, arrin la og yahay, inuu Allaah xarrimay, sida khamrada, zinada, ribada… iwm danbi maw aqoonsannaa, mise maya. Haddaan danbi ka dhignase, ciqaabtee u samaynaa?.
Hadduu yahay golaha shacbigu dad muslimiin ah, oo rumaysan“Awoodda Allaah keliyaa leh” mas’ala noocaa ah, lama soo hor dhigeen, arrin Rabbi xarrimayna lama yiraahdeen: “ma xarrimnaa?” iyo “ciqaabtee u samaynaa?”
Hadduuse yahay golaha shacbigu dad mushrikiin ah, oo rumaysan “awoodda shacabkaa leh”, waxay oranayaan:
“ragga shacabka masila ha ka doodaan, meesha ay u bataanna, waa sharcigeennii !!.”
Dood ka dib hadday u soo baxdo, khamrada dadka ha loo daayo, layskuna ciqaabi mayo, taa baa ahaanaysa sharciga dalka. Hadday u soo baxdo, khamradu waa xaaraan, dastuurkaa lagu darayaa, iyadoo aan lagu xarrimin awoodda Rabbi oo loo hoggaansamey, ee lagu xarrimay awoodda shacabka oo sidaa dooratay. Waxaana dhici karta bisha xigta, in dood kale ka furanto, oo cod la qaado, oo ay mar kale xalaal isu beddesho, waayo wuxuu sharcigu ku xiran yahay, hadba rabitinka bulshada, iyo meesha loo bato. Marka Dimuqraaddiyadna waa ku soconaynaa, Allaah keligina waw hoggaansan nahay, waa riyo been ah, dad aan wax ogeyn baana lagu seexiyaa.
(saddex) Hantiwadaagga:
Waa mabda’ Yahuud dejisey, oo ka dhaqan galay Ruushka mulxidka ahaa, jiritaanka Allaahna beeninayey. Kacaankuna Ruushkuu ka keenay, waana nidaam dhaqaale iyo bulsho, kana soo fuley caqiido ilxaad ah, oo oranaysa:
–“Ilaah ma jiro, adduunkuna waa maaddo”.
–“dadkuna ma leh hadaf dhaafsiisan cunnada, iyo gogosha, iyo hoyga”.
–Diintuna waa daroogada bulshooyinka.
Markii caqiidadaa la rumeeyo, buu ku
dhaqanka hantiwadaaggu jid u noqdaa mulxiddiinta. Waxaana asaas u ah:
–hanti gaar ahaaneed ma jirto.
–Dabaqado dhaqaale ku kala sarreeya ma jiraan.
–Dawladdaana hantida gacanta ku haynaysa.
Kacaanku si dhab ah buu isugu deyey inuu
hantiwadaagu dhaqan galo, dadkana waa loo ammaani jirey, aragti saxa inay
tahayna dugsiyadaa laga dhigi jirey. Inkastoo ay dib u dhigeen joojinta
cibaadooyinka iyo masaajidyada.
Waxaana jirta khudbad duubnaan jirtey,
oo uu madaxweynuhu, ku raddinayey kuwa degdegaya ee leh, inta diin la
sheeganayo hantiwadaag lama gaarin.
Waxyaabaha uu ku qanciyey waxaa ka mid
ahaa:
1.Arrinta aad rabtaan hal mar lagu boodi mayee, aayar aayar bay noogu taam noqonaysaa.
2.Lenin fikrigiisuna waa fikri wax laga beddeli karo, waayo nin buu ahaa, aniguna nin baan ahay.