www.towxiidka.com
  
  
Follow us
RSS
Facebook
Twitter

Qaybta 4aad darsigii ahaa: Muxuu yahay Baaqa caalamigu?

6) Wuxuu ku baaqayaa Islaamku:

“inaan qofna loo geysan karin dil, xabsi iyo ciqaab kale oo aan waafaqsanayn shareecada Allaah”

Baaqa kufrigana qodobkiisa 9aad, wuxuu yiri:

[Qofna looma xiri karo, looma hayn karo, ama looma masaafurin karo si sharci darri ah.]

(sharci darri) waxay ka wadaan: “wixii aan kooda waafaqayn kii Allaahba ha waafaqee”.

Haddii qof riddoobey, ama zina falay, ama Diinta caayey la soo xiro si loo mariyo ciqaabtii kitaabka ugu tiil, waxay oranayaan xuquuqul insaankii baa meel looga dhacay.

Marka arrinta ay wadaan, kuwa qoray “Baaqa kufriga” waa: “Adduunka taladiisa Allaah uma oggolin, ee annaga keliya bay noo khaalis tahay!!.”

Kuwa Islaamka sheegta waxay ku qortaan dastuurrada Laba qodob oo is diiddan, si ay laba waji u yeeshaan:

Mid waa: “Baaqa waa taageersannahay” si ay gaalada u raalli geliyaan.

Midna waa: “Diinta rasmiga ah waa Islaamka” si ay caammada qaarkeed u raalli geliyaan.

1-Wuxuu ku baaqayaa Islaamku: “Inaan loo guurin karin gabadha muslimadda ah nin aan muslim ahayn. Ninka muslimka ahna ma guursan karo haween kaafirad ah, markii kufaarta laga reebo Yahuud iyo Nasaara, kuwaa dumarkoodu ninka muslimka ah waa u xalaal, haddii laba shardi laga helo: inay kitaabkeeda ku toosan tahay, iyo inayan ahayn zaaniyad. Inkastoo la banneeyey in la guursado, in layska daayo baa dhaanta.” Baaqa kufrigana qodobkiisa 16aad, wuxuu leeyahay:                                 

[1. Ragga iyo dumarka qaan gaarka ah, iyaga oo aan loo kala soocin xagga dhalashada, qowmiyada ama diinta, waxay xaq u leeyihiin inay is guursadaan oo qoys abuuraan. Way u siman yihiin xaqa ku saabsan guriga, muddada xiriirka guurka socdo iyo marka uu xiriirkaas dhammaanayo.] 

Ninkii muslim ahaa haddii loo diido, inuu guursado kaafirad aan u bannaanayn, ama intuu guursado lagu ciqaabo, oran mayaan shareecada Islaamkaa qabta, ee waxay oranayaan: “xuquuqul insaankii baa meel looga dhacay.”

2-Wuxuu ku baaqayaa Islaamku: “Inayan qofka muslimay u bannaanayn, inuu dib uga noqdo, Diinta xaqa ah ee Islaamka, kii ka noqdana dil buu ku xukuman yahay, waayo dadkii buu tusayaa uguna yeerayaa waddo ah khasaaradooda adduun iyo Aakhiro”

Baaqa kufrigana qodobkiisa 18aad, wuxuu yiri:

[Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xorriyadda xagga fikradda, wacyiga iyo diinta; wuxuu kale uu qofka xaq u leeyahay inuu beddelan karo diinta iyo wax alle wuxuu aaminsanyahay. Waxa kale uu qofku xaq u leeyahay inuu, keli ahaan ama isaga oo dad kale wehliyaan, soo bandhigo meel fagaara ah ama meel gaar ah, diintiisa ama waxa uu aaminsan yahay, kuna muujinayo xagga waxbarid, ku dhaqanka, caabudid iyo cibaadaysi.]

Wuxuu kaloo yiri qodobka 20aad:

[Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xornimo uu uga qayb galo isu-tag iyo urur leh ulajeeddo nabad-gelyo.] 

Halkaa waxaad ka garanaysaa:

(kow) kii baaqa islaamka raaca, oo yiraahda lama riddoobi karo, ama murtad baan ciqaabayaa, inuu agtooda ka yahay mid ku tumanaya xuquuqul insaanka.

(labo) inayan diideyn in la fidiyo wax lagu magacaabo Islaam, oo aan gaalada wax u dhimayn, laakiin Islaam wax kala sooc soocaya, oo dad nabad gelinaya, dad kalena dilaya, waxay ku diideen, qodobkii 7aad ee aan soo marnay.   

9- Wuxuu ku baaqayaa Islaamku: “inay reebban tahay in kufri ama macaasi kale lagu hadlo, ama la baahiyo, waxaana ka dhalan kara ciqaabo, uu dil ugu weyn yahay.” Baaqa kufrigana qodobkiisa 19aad, wuxuu yiri:

[Qof kastaa wuxuu xaq u leeyahay inuu helo xornimo xagga ra’yiga iyo hadalka; wuxuu kale xaq u leeyahay inaan lagu fara gelin ra’yigiisa iyo inuu raadsado, helo, dhiibo warar iyo fikrado isaga oo isticmaalaya qalab kasta oo war baahin ah iyaga oo aan loo fiirin ama xayirin wax soohdima ah.]  Dhaqan gelinta baaqa kufriga waxaa ka dhashay:

 Mid iyaga ah markuu caayo Diinta Islaamka, ama Nebiga Islaamka, inay ku difaacaan qodobkaan, ama kuwo la mid ah, oo ay yiraahdaan: “shakhsigu waa xor”

Markayse qolo soo qaaddo shareeca Islaam ku dhaqankeed, ama xudduud Islaam fulintood inay yiraahdaan: “xuquuqul insaankii baa wax loo dhimay”.

 

2) war iyo dhammaanti:

 Kii dawladaha Islaamka sheegta khayr ka filayow, meesha khayr kuuma yaal. Kufrigooda adigoo og ku raac, ama adigoo og ka har.

 Markay “baaqa kufriga” ayideen, waxay ayideen:

Kow: in tawxiidka ah:

“Rabbi keligi ha loo hoggaansamo” “shareecadiisa keligeedna ha la raaco”

Uu ka hor imaanayo xuquuqul insaanka, yacni waa in laga hor tago.

Labo:  in khilaafada ama dawladda Islaamku, ka hor imaanayso xuquuqul insaanka, khatarna ku tahay, yacni waa in laga hor tago. 

Saddex: in xudduudda ah:

Murtad ha la dilo. Naf gooye ha laga qisaaso. Zaani iyo zaaniyad ha la dilo, ama
ha la jeedlo. 
Tuug gacanta ha laga gooyo. Qaadif ha la jeedlo. Khamrayacab ha la jeedlo. ka wada hor imaanayaan xuquuqul insaanka, yacni waa in laga hor tago.

Afar: in dacwada xaqa iyo jihaadku:

ka hor imaanayaan xuquuqul insaanka, yacni waa in laga hor tago. Haddaba qofkii raba inay diintiisu u badbaaddo, ha ogaado dawladaha sheegta Islaamku, inay kufri ayan qarsanayn ku jiraan, waana inuu ka baxsanaado addeecidda dawladahaa, intay ka tawbad keenayaan.