www.towxiidka.com
  
  
Follow us
RSS
Facebook
Twitter

Qaybta 3aad darsigii ahaa: Muxuu yahay Baaqa caalamigu ?

Baaqa kufrigana, qodobkiisa 1aad wuxuu yiri: [Aadanaha dhammaantiis wuxuu dhashaa isagoo xor ah kana siman xagga sharafta iyo xuquuqda, waxaana la siiyey caqli iyo garaad, waana inay ku wada dhaqmaan walaaltinimo.] 

Qodobka 7aadna wuxuu leeyahay:

[Dadka oo dhammi way u simanyihiin sharciga waxayna xaq u leeyihiin, iyaga oo aan la kala soocin, in sharcigu dhawro. Dadka oo dhammi waxay xaq u leeyihiin in si siman looga badbaadiyo wax alla wixii kala sooc-sooc ah oo ka soo horjeeda Baaqan ama dhiirri gelin kara kala sooc-soocid.]

Markay leeyihiin: “Dadka oo dhammi waxay xaq u leeyihiin in si siman looga badbaadiyo wax alla wixii kala sooc-sooc ah oo ka soo horjeeda Baaqakan ama dhiirri gelin kara kala sooc-soocid”.

Markay sidaa leeyihiin, waxay ka gaashaamanayaan in loo istaago dacwa (دعوة) islaam oo dadka u kala sooc soocaysa muslimiin iyo kaafiriin.

Madaxda sheegata Islaamka, ee aqoonsatay Baaqa kufriga, waxay ku khasban yihiin, la dagaallanka dacwada xaqa ah, haddii kale madax sii ahaan mayaan, ee waxaa lagu tilmaamayaa, kuwo xuquuqul insaanka meel uga dhacaya. Rididdoodana lagu dhibtoon mayo, ee waxaa lagu hubaynayaa mucaaradkooda.

1- Wuxuu ku baaqayaa Islaamku:

“Dadka ku kufrinaya Allaah inay yihiin dambiileyaal daallimiin ah. Xaqii Rabbigood ku lahaa waa dulmiyeen, markay wadaajin (شرك) geliyeen. Xuquuqdii dadkana waa dulmiyeen, markay kufri ugu yeereen. Xaqii naftoodana waa dulmiyeen, markay waddada Naarta mariyeen.

Sidaa darteen wuxuu Rabbi farayaa:

 Inayan dawlad kufri fidinaysa taagnaan.

 In kaafirka xarbiga ah la dilo, xaqna uusan u lahayn nolol, xorriyad iyo nabad gelyo. 

 In kii muslimiinta soo hoos gala, aan caqiido uusan xaq u arkayn lagu khasbin.” 

Baaqa kufrigana qodobkiisa 3aad,  wuxuu  yiri:

[Qof walba wuxuu xaq u leeyahay nolol, xorriyo iyo nabad gelyo.]

Taa macnaheedu waxaa weeye, qofkii ku dhaqma kitaabka Allaah, oo kufaarta qaarkood u diida nolol, xorriyad iyo nabad gelyo, wuxuu noqonayaa mid ka hor yimid baaqa caalamiga ee xuquuqul insaanka!! Mar hadduu nabad diid yahayna waa argagixiso!!

Bal fiiri siday uga gaashaamanayaan in jihaad bilowdo!!  Iyo sida ay u indha beeleen sheegatada Islaamku!!

2-Wuxuu ku baaqayaa Islaamku:

 In la mariyo ciqaabo culus, kuwii fala danbiyada culculus, sida: jidgooyada, tuuganimada, iyo zinada. Waa mid is dhaaf loo jarayo lug iyo gacan, iyo mid midigta la goynayo, iyo mid dhagax lagu dilayo, ama boqol dhufasho lagu dhufanayo.

– Wuxuu kaloo ku baaqayaa, qofkii qof kale jirkiisa gaarsiiya dhib weyn, oo dalba inuu ka goosto, in loo idmayo hadduu yahay wax la kala goosan karo, oo aan laga baqayn inuu keeno dhib ka sii culus, kii la gaarsiiyey.

Baaqa kufrigana qodobkiisa 5aad wuxuu yiri: 

[Ma jiro qof loo geysan karo silic dilyo ama ciqaab bahalnimo iyo mid sharaftiisa baabi’inaysa.]  

Taana waxaa weeye: “kii xudduudda islaamka wax ku xukuma, wuxuu noqonayaa mid ka hor yimid baaqa caalamiga ee xuquuqul insaanka!!.”

Reer galbeedku waa waayo hore ka leexday, tawxiidkii uu nabi Ciise (عليه السلام) la yimid, waa markay shirkiga ku dareen, oo yiraahdeen: “Ciise waa wiilkii Allaah ” yacni: “waa ilaah kale“. Ka dibna Diin oo dhan bay ku carteen, oo fogeeyeen, waa markay kaniisadaha iyo culumadooda maaddigu dirireen.

Marka afkaarta ah:

 Awoodda sharciga dadkaa iska leh.

 Dad oo dhan waa walaalo, waana gaf in diin lagu kala soocsooco.

 Ciqaab culus oo jir dil ah, qofna laguma ciqaabi karo.

 Qof walba diintuu rabuu geli karaa.

Waa afkaar lid ku ah Diinta nabiyadoo dhan, Ciisana (عليه السلام) ka mid yahay. Inkastoo hadda ay weli kaniisadaha galaan, danbi dhaafna raadsadaan, sheeganayaanna inay rumaysan yihiin Jannada iyo Naarta.  misana aamin lagama ahan, inay baaq cusub soo saaraan, oo oranaya: “Naarta Aakhiro lama rumayn karo, waayo waxay ka hor imaanaysaa xuquuqul insaanka, maa daama ay tahay silic dilyo joogta ah !!”

 Maxaa u diidaya inay yiraahdaan!!?

 Aakhiro iyo adduunba Allaah baa wada leh, hadday ciqaabihiisii adduunka wax ka sheegeen, kuwa Aakhiro oo ka sii culusna saw inay wax ka sheegaan ma ahan!!.

– “Jannada” iyo “Naarta” baan rumaysan nahay inta weli oranaysa, ma sii wadi doonaan!!?.

 

la soco Qaybta Afraad ee casharkaan halkan riix