Qaybta 2aad darsigii ahaa: Muxuu yahay Baaqa caalamigu ?
Muxuu yahay Baaqa caalamigu ?
Waxaa u baahan in si fiican loo fahmo, waxa looga jeedo “Baaqa caalamiga ee nabadda”, ama “Baaqa caalamiga ee xuquuqda insaanka”. Kaa oo dastuur walba uu aqoonsanayo.
Waxaa jirta Islaamku siduu u dhashayba, inuu gacanta sare ku lahaan jirey adduunkii la yiqiin. Markiise Diinta ku dhaqankeeda aayar aayar looga durkay, waxaa ka dhashay tabaryari asiibtay, ummaddii ku nasab sheeganaysey Islaamka, iyo inay dhacdo khilaafadii u danbaysey, oo waayadeedii danbeba magac iska ahayd, aan Islaamka wax ugu ool.
Xoogga iyo gacanta sare waxaa yeeshay kufaartii reer galbeedka. Markuu dhammaaday dagaalkii labaad ee loo yaqaan, dagaalkii adduunka ee labaad, ee iyaga u dhexeeyey, dhinicii adkaaday ee loo yiqiin Is bahaysiga (الحلفاء), ee ahaa: Maraykanka, Ingiriiska, Faransiiska, iyo Ruushka, waxay asaaseen hay’ad midaysa adduunka, oo loo bixiyey “Hay’adda ummadaha midoobey”.
Waxaana ka mid ah sharciyada ay Hay’addu soo saartay sharciga ay u bixisay: “Baaqa caalamiga ee nabadda”, ama “Baaqa caalamiga ee xuquuqda insaanka”. Waxaa loogu tala galay, inay dawladuhu u hoggaansamaan. Dhab ahaanna waa: “Baaqa kufriga caalamiga”.
Waa sharciyo lid ku ah “Baaqa Islaamka ee caalamiga ah” Oo loogu tala galay, in lagu damiyo nuurka Islaamka, iyo mabaadi’da uu ku qotomo, si ummadaha adduunkoo dhan loogu walaaleeyo kufri.
Haddaan tusaale kaa siiyo:
1-Wuxuu islaamku ku baaqayaa:
Kow: Allaah baa iska leh caalamkoo dhan, risqigiisa buu dadkoo dhan ku nool yahay, ee kitaabkiisa keligi ha loogu hoggaansamo si dhab ah.
Labo: in la wada rumeeyo, nebiga uu caalamkoo dhan u soo diray, siduu u soo diray nebiyadii ka horreeyey, lana raaco shareecada uu la yimid.
“Baaqa kufriguna” wuxuu yiri “maya”, ma jirto qolo diinteeda qolo kale ku khasbi karta, ama soo fara gelin karta nidaamkeeda siyaasadeed. Arrinta diintana qof kasta waa u xor. Macnaheeduna waa: “kii Allaah ku kufriya iyo kii kale waa isku mid, waana isku xuquuq”.
Waxaase yaab leh, intay gardarro u ekeysiiyeen baaqa islaamka ee leh: “shareecada Allaah waa caalami, Nebigana caalamkoo dhan baa loo soo diray”. Iyagoo taa oo kale muujinaya inay ka hor imaanayso xuquuqul insaanka, bay waxay sheeganayaan inay dejiyeen, sharci caalami ah oo qofkii ama dawladdii khilaafta, layska qabanayo.
Rabbigii caalamka abuuray, intay diideen inuu dejiyo sharci caalami ah, bay iyagoo addoommo ah, oo aan caalamka abuurin sheeganayaan inay dejiyeen sharci caalami ah, oo waajib ah in loo hoggaansamo. Taasina waa indha la’aanta gaalada.
Waxaa Baaqooda ku soo arooray hadalkaan:
[Golaha loo dhanyahay ee Qaramada Midoobay wuxuu soo saarayaa Baaqan oo saldhig u ah dadyowga dunida ku nool dhammaantood] [waa in si dhab ah loo aqoonsado ha ahaato dadweynaha ku dhex nool Dawladaha xubinta ka ah Qaramada Midoobay ama dadyowga ku nool dhulalka xukonkooda hoos yimaada.]
Wuxuuna dhigayaa qodobka 2aad:
[Qof walba wuxuu xaq u leeyahay inuu ku raaxaysto xuquuqda iyo xorriyadaha lagu tilmaamay Baaqakan, iyada oo ayan jirin wax kala soocid ah, xagga nooca ummadda, midabka, dheddig ama labnimada, afka, diinta, ra’yiga siyaasadeed ama fikrad kale, waddanka ama bulshada uu ka soo jeedo, ama xoolaha, ama dhalashada ama xaalada kale.]
2- Wuxuu ku baaqayaa Islaamku:
Saldhigga awooddu inay tahay shareecada Allaah, dawladda iyo dadweynuhuba waa addoommo ku khasban raacidda shareecada Allaah.
Dadkana maslaxaddooda Rabbigii abuuray baa ka og, mana laha banii aadamku caqli iyo cilmi ugu filan, inay keligood kitaab ay ku hanuunaan isu dejiyaan.
Baaqa kufrigana, qodobkiisa 21aad wuxuu yiri:
[Rabitaanka dadweynuhu waa saldhigga awoodda Dawladda; rabitaankaas waxaa lagu muujinyaa dooroshooyin run ah]
Rabitaanka dadweynuhu waa waxa gaarsiiyey, darajo ayan xooluhuna joogin, iyo ficillo aan xoolaha ka suuroobin.
3-Wuxuu ku baaqayaa Islaamku:
“Dadku waxay ku dhashaan abuuris “fidra” islaamnimo, waalidkaase – hadduu lunsan yahay – lumiya. Qofkana xaqa walaaltinimo iyo is nabad gelin iyo is xaq dhawr wuxuu yeelanayaa markuu xaqa Rabbigi garto, oo uu islaamo.
Hadduuse kufri ku adkaysto una dirirayo, dil buu leeyahay, haddii kalena shuruud buu ku hoos jirayaa, ay u dhawrayso dawladda muslimadda ah, loose oggolaan mayo jago sare, iyo awood uu ku taliyo.
Kala soociddooduna waa caddaalad, dunidana waxaa loogu yeerayaa islaam, markaa bay u kala soocmayaan:
muslimiin iyo kaafiriin, Aakhirana waxay u kala soocmi doonaan: ehelka Jannada iyo ehelka Naarta. ”
la soco Qaybta saddexaad ee casharkaan halkan riix