(3) waa maxay Islaamka kore ?
1) Islaamka kore (الإسلام الظاهر): waxaa looga jeedaa, calaamadaha lays faray in qofkii muujiya ama sheegta, la badbaadiyo dhiiggiisa, ama loo qiro inuu muslimay. Waa calaamadaha lagu garto, ama lagu maleeyo, inuu qofku iimaankii iyo is dhiibiddii laga dalbayey oggolaaday.
Waxaana dhici karta isagoo kufri u qarsoon yahay, in adduunka la xukumo, inuu is dhiibey oo uu muslim yahay. Markii macnahaa loo jeedo, ereyga islaam iyo ereyga iimaan, waa kala duwan yihiin, midna waa acmaasha muuqata, midna waa cilmiga iyo yaqiinta qalbiga jirta:
-“قَالَتِ الْأَعْرَابُ آَمَنَّا قُلْ لَمْ تُؤْمِنُوا وَلَكِنْ قُولُوا أَسْلَمْنَا وَلَمَّا يَدْخُلِ الْإِيمَانُ فِي قُلُوبِكُمْ” (الحجرات:14)
عن سَعْدٍ ، أَنَّهُ قال: “أَعْطَى رَسُولُ اللّهِ رَهْطاً وَأَنَا جَالِسٌ فِيهِمْ. قَالَ:فَتَرَكَ رَسُولُ اللّهِ مِنْهُمْ رَجُلاً هُوَ أَعْجَبُهُمْ إِلَيَّ. فَقُلْتُ: “يا رَسُولَ اللّهِ مَالَكَ عَنْ فُلاَنٍ؟ وَاللّهِ إِنِّي لأَرَاهُ مُؤْمِناً”. قَالَ: “أَوْ
مُسْلِماً”. (متفق عليه)
Waxaana dhacday in malaku Jibriil oo nin muuqaalki leh, uu Nabiga (), hal fadhi ku weydiiyey, saxaabadoo maqlaysa Islaamka iyo Iimaanka:
فقال:”ما الإيمان؟”. قال: “الإيمان: أن تؤمنَ بالله وملائكتِهِ وبلقائِهِ وبرسلِهِ وتؤمَن بالبعثِ”
قال: “ما الإسلامُ؟”. قال: “الإسلامُ أن تعبدَ اللهَ ولا تشركَ به وتقيمَ الصلاةَ وتؤدِّيَ الزكاةَ المفروضةَ وتصومَ رمضانَ”. قال: “ما الإحسان؟” قال: “أن تعبدَ الله كأنك تراهُ، فإِن لم تكن تراه فإِنه يراك” (متفق عليه)
Riwaayad kalena waxay ahayd:
قَالَ: “يا محمد أخبرني عَنْ الإسلام؟” فقَالَ رَسُول اللَّهِ : “الإسلامأن تشهد أن لا إله إلا اللَّه وأن محمدا رَسُول اللَّهِ، وتقيم الصلاة،وتؤتي الزكاة، وتصوم رمضان، وتحج البيت إن استطعت إليه سبيلا”. قَالَ: “فأخبرني عَنْ الإيمان؟” قَالَ: “أن تؤمن باللَّه وملائكته وكتبه رسله واليوم الآخر؛ وتؤمن بالقدر خيره وشره”
2) Islaamka muuqda wuxuu ansaxayaa markuu qofku muujiyo, wax ku tusaya inuu ka baxay diintiisii hore, ee kufriga ahayd, soona galay Diinta ikhlaaska iyo shirki la’aanta. Ka dibna ay muuqato inuu u hoggaansamey, oo oggolaaday waajibaadka waaweyn fulintooda, sida arkaanta islaamka, waxaana shardi ah inayan wax lid ku ah Iimaanka ka muuqanayn. Addillada soo socota baa sheegeysa, waxa uu ku taam noqonayo Islaamka muuqda:
-“فَإِنْ تَابُوا وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآَتَوُا الزَّكَاةَ فَخَلُّوا سَبِيلَهُمْ” (التوبة:5)
-“فَإِنْ تَابُوا وَأَقَامُوا الصَّلَاةَ وَآَتَوُا الزَّكَاةَ فَإِخْوَانُكُمْ فِي الدِّينِ وَنُفَصِّلُ الْآَيَاتِ لِقَوْمٍ يَعْلَمُونَ”(التوبة:11)
–قال القرطبي: ﴿فَإِنْ تَابُوا﴾ أي: عن الشرك والتزموا أحكام الإسلام. [الجامع لأحكام القرآن].
–قال ابن كثير: ﴿فَإِنْ تُبتم﴾ أي: عما أنتم فيه من الشرك والضلال. [تفسير القرآن العظيم].
– وفيالحديث: ““أُمرتُ أن أُقاتل النّاس حتى يشهدوا أن لا إله إلا الله وأنَّ محمداً رسول” وفي بعض الروايات: “حتى يقولوا”.
– وفي حديث آخر: “من قال لا إله إلا الله وكفر بما يعبدُ من دون الله حَرُمَ ماله ودمُه وحسابُه على الله عزَّ وجلَّ”.
– وفي حديثآخر: “بُني الإسلام على خمسٍ على أن يُعبدَ الله ويكفر بما دونه وإقام الصَّلاة وإيتَاء الزّكاة وحجّ البيت وصوم رمضان“.
– وفي حديث آخر: “أُمِرْتُ أَنْ أُقَاتِلَ النَّاسَ حَتَّى يَشْهَدُوا أَنْ لاَ إلَهَ إلاَّ اللَّهُ وَيُؤْمِنُوا بِي وَبِمَا جِئْتُ بِهِ“
Qofkii aad u fiirsha ereyada hoos ka xarriiqan wuxuu garanayaa:
1. Inuusan lahayn islaam muuqda, oo lagu badbaadiyo, qof aan ka tawbad keeneyn shirki iyo kufri.
2. Inuusan lahayn islaam muuqda, oo lagu badbaadiyo, qof diiddan inuu qiro shahaadateynka.
3. Inuusan lahayn islaam muuqda, oo lagu badbaadiyo, qof diiddan salaadda, zakada, xajka, iyo soonka.
4. Inuusan lahayn islaam muuqda, oo lagu badbaadiyo, qof diiddan inuu rumeeyo gebi ahaan wixii uu Nabigu () keenay, oo dadka loo jideeyey. Arrimahaa nusuusta ka muuqanayana, waa kuwo ayan isku khilaafin culamadii hore, saxaabadii, taabiciintii, imaamyadii fiqiga looga danbeyn jirey, mad-hab kasta ha lahaadeene. Waxayna u yaqaanniin tiirarka Islaamka, (أركان الإسلام) ama (مباني الإسلام).