www.towxiidka.com
  
  
Follow us
RSS
Facebook
Twitter

(3) Caabudiddu waa sidee ?

1) caabudid (العبادة): waa erey ka yimid ficilka: (عبد ـ يعبدُ ـ عبادة) , oo ah: (waa u hoggaansamey- waa u hoggaansamayaa- hoggaansamid) Asalka ficilka (عبد),
waa jilicsanaan, iyo wax laylisan ahaansho. Waxay carabtu oran jireen: (بعير مُعبَّد), rati hayin ah (laylisan), (طريق مُعبَّد), waddo baxsan (hagaagsan).

Sidaa darteed, ereyga: waa u caabudey (عبد), saddex macne oo wada hoggaansamid ah baa loo adeegsadaa:

Kan hore: waa qof markii laga adkaaday addoonsigii qabatimay oo hoggaansamey. Sida aayadahaan:

-“فَقَالُوا أَنُؤْمِنُ لِبَشَرَيْنِ مِثْلِنَا وَقَوْمُهُمَا لَنَا عَابِدُونَ” (المؤمنون:47)

-“وَتِلْكَ نِعْمَةٌ تَمُنُّهَا عَلَيَّ أَنْ عَبَّدْتَ بَنِي إِسْرَائِيلَ” (الشعراء:22)

Kan labaad:  waa qofkoo ikhtiyaarkiisa cid addeeca una hoggaansama, jeclaan uu ciddaa jecel yahay, ama waxay ugu yeerayaan jecel yahay, ama dano uu ku ilaashanayo darteed.

Wuxuu Allaah yiri:

-“أَلَمْ أَعْهَدْ إِلَيْكُمْ يَا بَنِي آَدَمَ أَنْ لَا تَعْبُدُوا الشَّيْطَانَ إِنَّهُ لَكُمْ عَدُوٌّ مُبِينٌ. وَأَنِ اعْبُدُونِي هَذَا  صِرَاطٌ مُسْتَقِيمٌ” (يس:60-61)

Lama sheegin qolo Shaydaanka “sujuud” ku caabudda – ummaduhu waa wada lacnadayeen – waxayse ku wada caabudi jireen “addeecid”, iyo xumiduu ugu yeero, oo ay fulin jireen.

Kan saddexaad: waa qofkoo cidduu awoodda u rumeeyey la aadaya ficillo uu ku weyneynayo, baahidiisana ku muujinayo. Waa sida sujuud, dawaaf, wax u bireyn, u yeerasho, magan gelid iyo wixii arrimahaa la baab ah.

-“وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّنْ يَدْعُو مِنْ دُونِ اللهِ مَنْ لا يَسْتَجِيبُ لَهُ إِلَى يَوْمِ الْقِيَامَةِ وَهُمْ عَنْ دُعَائِهِمْ غَافِلُونَ. وَإِذَا حُشِرَ النَّاسُ كَانُوا لَهُمْ أَعْدَاءً وَكَانُوا بِعِبَادَتِهِمْ كَافِرِينَ” (الأحقاف: 5-6)

-“وَيَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللهِ مَا لا يَضُرُّهُمْ وَلا يَنْفَعُهُمْ وَيَقُولُونَ هَؤُلاءِ شُفَعَاؤُنَا عِنْدَ اللهِ” (يونس:18)

-“وَالَّذِينَ اتَّخَذُوا مِنْ دُونِهِ أَوْلِيَاءَ مَا نَعْبُدُهُمْ إِلا لِيُقَرِّبُونَا إِلَى اللهِ زُلْفَى” (الزمر:3)