(3) Caabudiddu waa sidee ?
1) caabudid (العبادة): waa erey ka yimid ficilka: (عبد ـ يعبدُ ـ عبادة) , oo ah: (waa u hoggaansamey- waa u hoggaansamayaa- hoggaansamid) Asalka ficilka (عبد),
waa jilicsanaan, iyo wax laylisan ahaansho. Waxay carabtu oran jireen: (بعير مُعبَّد), rati hayin ah (laylisan), (طريق مُعبَّد), waddo baxsan (hagaagsan).
Sidaa darteed, ereyga: waa u caabudey (عبد), saddex macne oo wada hoggaansamid ah baa loo adeegsadaa:
Kan hore: waa qof markii laga adkaaday addoonsigii qabatimay oo hoggaansamey. Sida aayadahaan:
-“فَقَالُوا أَنُؤْمِنُ لِبَشَرَيْنِ مِثْلِنَا وَقَوْمُهُمَا لَنَا عَابِدُونَ” (المؤمنون:47)
-“وَتِلْكَ نِعْمَةٌ تَمُنُّهَا عَلَيَّ أَنْ عَبَّدْتَ بَنِي إِسْرَائِيلَ” (الشعراء:22)
Kan labaad: waa qofkoo ikhtiyaarkiisa cid addeeca una hoggaansama, jeclaan uu ciddaa jecel yahay, ama waxay ugu yeerayaan jecel yahay, ama dano uu ku ilaashanayo darteed.
Wuxuu Allaah yiri:
-“أَلَمْ أَعْهَدْ إِلَيْكُمْ يَا بَنِي آَدَمَ أَنْ لَا تَعْبُدُوا الشَّيْطَانَ إِنَّهُ لَكُمْ عَدُوٌّ مُبِينٌ. وَأَنِ اعْبُدُونِي هَذَا صِرَاطٌ مُسْتَقِيمٌ” (يس:60-61)
Lama sheegin qolo Shaydaanka “sujuud” ku caabudda – ummaduhu waa wada lacnadayeen – waxayse ku wada caabudi jireen “addeecid”, iyo xumiduu ugu yeero, oo ay fulin jireen.
Kan saddexaad: waa qofkoo cidduu awoodda u rumeeyey la aadaya ficillo uu ku weyneynayo, baahidiisana ku muujinayo. Waa sida sujuud, dawaaf, wax u bireyn, u yeerasho, magan gelid iyo wixii arrimahaa la baab ah.
-“وَمَنْ أَضَلُّ مِمَّنْ يَدْعُو مِنْ دُونِ اللهِ مَنْ لا يَسْتَجِيبُ لَهُ إِلَى يَوْمِ الْقِيَامَةِ وَهُمْ عَنْ دُعَائِهِمْ غَافِلُونَ. وَإِذَا حُشِرَ النَّاسُ كَانُوا لَهُمْ أَعْدَاءً وَكَانُوا بِعِبَادَتِهِمْ كَافِرِينَ” (الأحقاف: 5-6)
-“وَيَعْبُدُونَ مِنْ دُونِ اللهِ مَا لا يَضُرُّهُمْ وَلا يَنْفَعُهُمْ وَيَقُولُونَ هَؤُلاءِ شُفَعَاؤُنَا عِنْدَ اللهِ” (يونس:18)
-“وَالَّذِينَ اتَّخَذُوا مِنْ دُونِهِ أَوْلِيَاءَ مَا نَعْبُدُهُمْ إِلا لِيُقَرِّبُونَا إِلَى اللهِ زُلْفَى” (الزمر:3)